CALANKA

KHAASIM HILOOWLE

XUSKA 26. JUUN & TAARIIKH & SUUGAANTA XORNIMODOONKII!

Maansadan soo socota waxaa la yidhaahdaa “KAANA SIIB, KANNA SAAR.” Waxaa tiriyay Allah naxariistii Janno ha ka waraabiyee abwaan C/laahi Suldaan Timacadde, 25(6)kii June, 1960. Waxay maansadani astaan u tahay calanka Soomaaliyeed ee labada cayn ah. Waxayna inoo tahay “muraayad” aan ka daawano falkii xiligii calan-saarka dhacayey—sidoo kale maansadu waxay daliil u tahay shakhsadda (dabeecadda) fiican ee qof walba oo Soomaaliya inuu ku sifoobaayi KHASAB tahay. Abwaanku (AUN) waxa uu inooga tagey maanso geeraar iyo gabayba ah, oo cajiib ah, oo na garad siisa dadkeenii hore iyo halgankoodii wada jirka ahaa ee ay xornimada noogu soo dhiciyeen.

Wuxuu yidhi abwaanku (AUN):

in dhoweydba waa taan sahladay, sadarradaydiiye ma safaynnin maansooyinkaan, saayidkow helaye seerkuleer ayaamahan ma bixin, soonfur dabadeede subixii dhammaadaba mar baan, saari jirey luuqe siddo la qabsaduu leeyahay iyo, subucyo dhaadheere labadaba markuu seego, wayga surgucantaaye an safeeyo maansada tixdii ay, sihatay laabtiiye

Anigoo sebi uun aho

sita leebiyo qaansoo

siigadoon isku aasiyo

sabo reer ka fogaanninoon

la ii aamminin soofkiyo

saacan maanta an joogno

gabaygu waygu sugnaayo

suxufiinta dhawaaqdana

Anigowgu sarreeyo e

haddii aan sixi waayo ama aan sarsarriigo ama aan sarmaseejo 

🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼
Ilaahaan waxba seegine

subuciisa Quraankiyo

sabbaxooyin ku sheegayow

Saciiro iyo Naciima Rabbigii kala

seerayow marka suurku dhawaaqo e

la soo saaro makhluuqa 

shaqiga iyo saciidka

maalintaad kala soocdo

dembigaannu samaynnay Rabbigayagow naga saamax
🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼🤲🏼

subciyoo ka dukeeyaye

sawd kaleetana waa

soomaaloo calan taagta

saakay noogu horreyso in

sidayda tihiin iyo in kalaanan saxaynnine saddex wiig iyo maalmo haddaan soor cuni waayo

safrad laygama yaabo

sari mayso naftaydo e

saaxirkii kala guurraye

sarreeyow ma nusqaamow

an siduu yahay eego e

kaana siib kanna saar

ka siddeetan sabaan

calankaannu sugeynnaye

sahankiisa ahaynow

seermaweydo hillaacdayow

sagal maanta darroorayo

siigadii naga maydhayow saqdhexaannu ahaynne

kii soo saaray cadceeddow

samada kii u ekaaye

xiddigaa mid la siiyow

saaxirkii kala guurraye

sarreeyow ma nusqaamow

an siduu yahay eego e

kaana siib kanna saar

 

https://www.google.no/amp/s/jidhidhico.wordpress.com/2008/04/04/kaana-siib-kanna-saar/amp/

 

Kooxda Kulmiso Waxay Idin Leeyihiin Eid Mubaarak🧕🏽

Waa hoodo & ayaan in bishii barakaysnay ay innoo dhamaatay. Allaha innaga dhigo kuwii camalkooda la caqbalo🙏🏼

Qofkasta asiga ayaa isu hiillinaya, marka uusan waqti ku lumin dadka bilaa micnaha waqtiga uga qaadaya, si ay uga mashquuliyaan howsha guud. Waxaan ku leeyahay adiga oo aan cuqdad iyo ciil is gelin, ka quuso oo ka dhaqaaq dadka aan caqligalka ku hadlayn, adiga oo aan eedeytooda waqti isaga lumin. Waxaad u baahan tahay in aad raadiso si aad u fahanto heesta oo aad u barato erayadan: Hinaayo, Hanaayo, Hawtulhamag, Heeryo, Huleel, Hadaaf, Haashaar iyo Heemaal si aad nuxurka heesta u fahanto.

Kadib markaan arkay culayska la bado ummadda inta u heellan ka shaqaynta horumarka bulshada iyo dalka ayaan waxaa igu dhalatay in aan dalbo hees la hadlaysa inta samaha iyo horumarka dalka iyo dadka jecel. Waxaan la hadlay barbaariye Bashiir Cali Xuseen oo igu booriyay In aan alifo heestan.

Ka bogo sheeko aniga saamayn ku leh noloshayda.

Waxaan fursad u helay maalmihii Somali Week Festival 2018 iyo magaalada London shaqsiyaad qiimo u leh ummadda soomaalida. Muuqaalkan waxaad kula kulmaysaa Saciid Jaamac Xuseen. Daawasho wacan. #Kulmiso 2018

Arawelo is sister love, self love and first and foremost love for humanity! We are so proud that this is happening. All the love and the support that we got, the recognition, the accept from our brothers and sisters is unbelievable and overwhelming! We are grateful! We are humbled and we hear you!

November 3, 2018 Odense in Dermark

BAASABOORKA SOOMAALIGA EE NORWAY AQOONSATAY IYO MACLUUMAAD KALE - September 28, 2018

BASABOORKA SOOMAALIGA HADDII AY NORWAY AQOONSATAY WAA WAX FIICAN EE FIISO (DAL KU GAL) MA KU DALBAN KARAA? Fadlan share si intii danaynaysa ay u hesho warbixintan. Mahadsanid.

#Kulmiso ✌🏽❤️

CADAWGAAGA MA CAFIN KARTAA? MASE KA DALBAN KARTAA CAFIS? September 22, 2018

Stockholm - Sweden. Waxaan xaalka ka waraysanayaa Axmed-Khadar Cigal iyo Xasan Bidaar.

BAASABOORKA SOOMAALIGA EE NORWAY OGOLAATAY IYO GO’AAMO QUSEEYA. September 19, 2018. Oslo - Norway 🇳🇴

“Wadnaha ayay farta ku hayaan Soomaali badan oo kunool Norway kuwaas oo qaarkood loo sheegay in baaritaan lagu hayo hanaanka lagu siiyay sharciyadda waddankaasi.

Haddaba sidee loo arkaa ogolaashaha Passport-ka Soomaaliga ah oo Norway ay noqotay dowladdi ugu horeeysay ee Europ ee ogolaata.”

HANOOLAATO IYO AYAANLE HUSSEIN ABDI , September 18, 2018. OSLO - NORWAY

Maalmahan waxaa soo tarmaya musharixiinta isi soo shaacinaysa in ay doorashooyinka maamuladda gobolada Soomaaliya xil ugu tartamayaan. Madaama ay Faay Diiriye ila joogtay Oslo Ayaan la hadlay Norway ee SNTV, Sxbkey Hassan Said Rasta oo ii sheegay Ayaanle joogo.

Marwo baa hadashay ayada oo cinwaan ka dhigatay “Woman Empowering”, markaasay u hadashay si “Women Dis empowerment” ah. Muuqaalkan ayada baan kula hadlayay oo waydiimo caqli celin ah ku waydiinayay. #Kulmiso

Waa shirkii Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Ummadda Somaliyeed. Bishii Luuliyo 2018

Waxaa ii soo martiyay LAASHIN AXMEDEY CABDI GAASHAAN oo aan murti innooga reebay. Sebteember 9, 2018

Safaradaydii Mogadishu ee 2012 ilaa 2017.

DAAWASHO WACAN!

Waa wareysi ku saabsan dood ka dhalatay, hadal aan ka jeediyay xaflad lagu soo dhowaynayo maamulka Hirshabeelle.

Waxban oo sharciya qaxootiga iyo dalkan Norway ayaan ku sharaxayaa. Wadaniyadda iyo dawladda in loo siman yahay oo difaacooda aan u simanahay, ayaa saldhig u ah wareysiga. Wareysi habeenka la qaaday subaxdii xigtay waxaan aadayay Xamar oo safar baan ahaa.
#Kulmiso

2016 TOP10 Ceremony

KA DIB SHIRWEYNIHII WADA TASHIGA HAWEENKA. Sebteember 2016, Mogadishu - Soomaaliya

SGEM - Dhanbaal ku socda 135 Oday-dhaqameed ee loo idmaday in ay soo xulaan cod bixiyayaasha,, la doonayay in ay u codeeyaan xildhibaanada Golaha Shacabka DFS.

WARAYSI GOLAHA QURBO-JOOGTA SOOMAALITEED (GSD). Daafurkii laanta Oslo, Norway

2015

Soodhowaytii doorashadii MDN. Xasan Sh. Maxamuud

2012 Doorashadii Madaxweynaha ka dib xaflad Jaaliyadda Reer Norway ay magaalada Oslo ku qabyeen ayaan kaga sheekeynayaa waraysigan. #Kulmiso

Safartan waxa ay ahayd deyrtii 2009-kii. Waana xasuus qaali ah. Amina Madar ayaa iga waraysanaysa Safar aan arday ugu kaxeynay xerooyinkii Hitler, dadka ku xasuuqay. Ulajeedka ayaa ahaa in ardaydu is-bartaan oo ogaadaan taariikhdan gablamisada ahayd. Si ay uga digtoonaadaan ayada oo kale in ay dhaxalsiiyaan bulshada.