Boggan waxaad ka akhrisan kartaa qaybo ka mid ah taariikh nololeedkeyga.

Dunidu waa caynba cayn oo qofba wixii Alle ugu talo galay unna saamaxo wax aan ahayn la kulmi mayso. Waxaan aamin sanahay in Alle (SWT) uusan shaqsina baddin wax uusan qaadi karin. Noloshu waa daruus iyo imtixaan in wax laga barto ay tahay. Ilaa hadda afar qoraal/sheeko ayaan soo bandhigay, kuwo kalena jidka ayeey ku soo jiraan ee ka war hay boggan. Waxaa macquul ah qoraaladayda in ay kaa qosliyaan, yaabiyaan, ka naxdid, kaa ilmaysiiyaan ama aadba dhibsato. Dareen kasta oo aad ka hesho, waxaad igula wadaagi kartaa halkartaa kulmiso18@gmail.com haddii aad doorato. Fadlan falcelintaada ha ahaato mid ixtiraam iyo asluub ku dheehan tahay. Waad mahadsan tahay in aad soo booqatay www.kulmiso.com. Mareegtan waxa ay ka kooban tahay dhowr bog. Waad eegi kartaa boggagga dhowrka ah ee kala mawduuca ah, haddii aad doonto. 

RAG WAA CADAWGII

 

Sheekada 18aad

 

Bal adba... ra'yigaagu waa muhiim haddii aad ku deeqi karto waxa kaaga baxay dhigaalkan? Sheekaba sheekaa keenta ee dhacdada soo socota waxaan ka malo awaalay dhowr sheeko.

 

Sannadkii 2006-kii ayaa waxaa Oslo, Norway lagu qabtay shir lagu qaadaa dhigayo nabadaynta Soomaaliya iyo dib ugu noqoshada dalka. Quburo badan oo Soomaali ah ayaa isaga yimid dunida daafaheeda. Xilli waxaa lagu jiray qofka ka yimid Soomaaliya aad loo xiisaynayo oo la doonayo in la kala warqaado. Rag baa gogol ka baxsan tii shirka u fidiyay Prof. Baadiyoow, Dr. Caseyr iyo Mdn. Jibriil C/dulle oo iyagu dalkii ka yimid markan. Aniguna ayaga baan la socday. Madashii baan nimid, inta aanan soo gelin ayaan bannaanka ku salaanay akhayaar dhowr ah oo ilinka taagnayd. Shirkii baa la gudagalay, intii bannaanka joogtayna waxa ay soo galeen gudaha. Waxaan u jeedi waayay rag aan bannaanka uga jeeday, kuwa kale danba kama gelin ee oday aan habaryar u ahay baan warsaday xaga uu ka baxay?

 

Walaal baa jawaabay oo yiri «Waxa uu yiri Ugaaska ayaan ballan la lahaa in aan xilligan waco ee ha la iga raali noqdo.» Dan kama gelin inkasta oo xis wax turmay igu yaalay. Markii uu shirkii noo dhamaaday ayaan gees ula baxay walaalkii ii jawaabay, markaas baan ka dalbaday in uu xaqiiqda odaygii aan ehelka ahayn ii sheego. Suu yiri «Odaygu waxa uu ka xumaaday in aad gogosha dhinac ka fadhin doonto oo sharaf dhac iyo weji gabax ayuu dareemay.»

 

Yaab baa iga soo haray. Maxaase xigay?

 

Habeenimaddii anaga oo xaflad casho joogno ayaa la isoo wacay. Waa kii maanta tagay (A) iyo mid abtigay dhalay(B) iyo mid aan eeddo u ahay (C). Waxay igu wargeliyeen in ay bannaanka joogaan oo ay doonayaan in ay ila hadlaan. Waan u tagay. Sidan ayuu u dhacay wada hadalkii:

 

B: Walaashay diinta ma qabto in codkaaga bannaanka u baxo, iska daa in aad rag dhex fariisato e. Waxaan nahay ehelkaaga oo waa la isu caqli celiyaa ee ka waantoow waxan denbiga ah.

 

C: Eeddo diin kuu diidaysa ma jirto ee waxaan kaaga baqayaa il/cayuun ee fadlan kaligaa meesha aad ragga ka raacaysid ku bedel in aad gabar kale wadato, si aysan adiga keliya indhuhu kuu qaban.

 

A: Codkaaga meelo kale la aad habaryar oo ragga annagaa ku dhex jirnee na xushmee oo sharafta ha naga ridin. Raggu waxay noo arkayaan dad aan gabdhahooda ceshan karin. Ma waxaad doonaysaa in aad na ceebayso.

 

Waxaan fahmay A in uusan ka fiirsan shaqsiyaadka uu soo watay iyo fikiradood. Labadan waxa uu u soo sheegayba mid walba walaac u gaar ah ayuu ku soo raacay. Waxaan gartay in aysan isku si wax u arkin oo ay isla socdaan oo keliya. Waan u mahadceliyay. Waxaana aan u sheegay, Aniga oo C fikirkiisa ka jawaab celinaya in aanan keliyag tegi doonin sshirarka balse aanan xabsi is gelin doonin. Wada hadal dheer ka dib waa kala tagnay. Dhowr sheeko ayaan ka curiyay Aniga oo bulshada hogatusaalaynaya fikirrada haweenka lagu hakiyo. Waxaan qoray sida soo socota ✍🏼 Waa mid ka mid ah malo awaallada.

 

OORI IYO SAYGEED

 

Asaga: Codka qari oo shib dheh yaan caqligaaga la arag'e!

 

Ayada: OO maxaa dhacaya?

 

Asiga: Kartidaadaa la arki oo gogosha go'aanka ayaa lagaaga yeeri.

 

Ayada: Gacalow qoyskeenu sow mid bulshada u wada faa'iideeya ma noqdeen haddii aan labadeenubu Qaranka u shaqayno?

 

Asaga: Naa Qarankaa ha dumee, aniga ha i sharaf tirin... Oday islaantiisii ka garab hadli xagee baa lagu arkay?

 

Ayada: Hadda Xaaji arrimaha qoyska oo qaaska innoo ah ma ayadaa bannaanka iyo bulshada looga dhax hadli?

 

Asaga: Warbal tanoo kale, oo ma waxaad doonaysaa in aynu ummadda ku dhex jaqjaqlayno?

 

Ayada: Xaaji isdeji! Qasab ma aha in aan isku siyaasad noqono'e. Muhiimaddu waa in aynu qoyskeena xaalkiisa meel isla dhigno, balse arrimaha bulshada... Mucaarid iyo muxaafid baynu kala noqon karnaa!

 

Asaga: Gacaliso miyaadan iga naxayn? Xaalkani raggonimadayda buu qatar gelinayaa'e.

 

Ayada: Ee Xaaji waxa aad ragganimada u taqaan ma garan... waxa qatar gelin kara?

 

Asaga: Adigoo gogosha ragga la soo fariista baa ragganimdayda qatar ku ah!

 

Ayada: Meel ka dhow bay qatar taasi taalaa Xaaji!

 

Asaga: Yaab! Oo xagee ah?

 

Ayada: Aniga oo kaa daaya habeenkii in aan ku siiyo talooyinka aad maalintii la shir tagto!

 

Bal adba akhristoow?

 

Somaalaa hore u tiri:

 

Nin Galleey tumayoo

Soo guduuta la waa!

Nin Xabaal galayoo

Soo Gaddooma la waa!

 

Bulshada ceeb ku cadrinaysa wax badan oo quraafaad ah bay isku badbaadiyaan. Bal ninkan ila eega. Haweenay bay is dagaaleen, say ka adkaatay oo legeday. Waxaa lagu yiri sidee naagi kaaga adkaatay? Suuye: Saddex Bey Naagtu Igu Lagaday

 

1. Kabaha oo Saan ahaa

2. Dhulka oo Sibidh ahaa

3. iyo naagta oo Sinsaariyada aad u taqaannay

 

Marka sheeko qiyaali ah baa dadka qaar maskax dhufaantay sow lama dhihi karo. Weligaa ma iswaydiisay haweenka sababta aan kartidooda loogu qirin?

 

3-dii November, 2018 waxa aan isugu tagnay maalada Odensa ee cariga Denmark, halkaa oo dad aan ka mid ahay lagu gudoonsiiyay biled loogu magac daray «Arawelo Lifetime Achievement”. Waxaa dhacday In aan arko aniga oo dhextaagan rag aan ka wada madax fiiqanahay. Markaas baan ka dalbaday in ay sawir ila galaan, sababta oo ah waxaa igu soo dhacday Maahmaah tiraa «Dumarka tan ugu dheer waxaa ka dheer nimanka kan ugu gaaban»! Sawirkii markaan u istaagnay baan ku iri «Alle raggoow maxaad been niyadda isugu dhistaan». Say yeen «Maxaad ka wadaa». Saan u sheegay maahmaahda oo ku iri bal na eega hadda, mid iga dheer idinkuma jiro e. Waa la wada qoslay oo qaar ka mid ahna magacaabeen rag dhaadheer oo kolkaa gudaha ku jiray, anigase ulajeedkeygii waan gaaray oo beeneeyay Maahmaahdan.

 

WQ. Luul Araweelo

November 13, 2018

Oslo, Norway

HAWEEN HAYBAD ISDHEER

Sheekada 17aad

 

Dhacdooyinka aan halkan idin kula wadaagayo waa dhacdooyin xaqiiq ah balse aan door bidayo in aan maldaho aniga oo ilaalinaya xaquuqda shaqsiyaadka ku jira. Fadlan haddii aad sheekada ka garato qofafka aan ka hadlayo haybtooda, fadlan ha kugu ekaato adiga oo ha sheegin. Magacyada aan isticmaalayo waa malo-awaal ee rasmigii ma aha.

 

Waxaa jiray say iyo ooridii. Waxaa u dhalatay gabar loogu wanqalay Shoobto. Saddex bilood markii ay gaartay Shoobto waxaa kala tegay hooyadeed Wadeeco iyo aabeheed Xorshosh. Xorshosh maalintaa baa ugu danbaysay Shoobto, balse ma aysan baylihin oo Wadeeco ayaa dhexda u xiratay dhammaan carruurteeda. Carruurtii waa ay u koreen oo qaar ay Shoobto ka mid tahay waxa ay degeen magaalo ka fog hooyadood.

 

Shoobto waxay heshay gayaankeed oo u soo gogol fariistay. Sidii caadada ahayd waxaa laga doontay aabbaheed. Wadeeco cidina kala ma aysan tashan guurka gabadheeda. Inkasta oo ay magaalo ka yara fog jirtay, haddana kama aysan xumaan ee waa ay ku faraxday guurka gabadheeda, ducana waa ay usoo hibaysay Shoobto iyo saygeeda Shabshable.

 

Shoobto iyo saygeedii waxa Eebbe ku irsaaqay ilmo calool galay. Waxaa la gaaray xilligii ay dhali lahayd oo shitiriskeedii ayaa go`ay. Waxaa la geeyay isbitaal ku gaal magaalada ay Shoobto markaa deganayd. Wadeeco, Xorshosh iyo Shabshable isbitaalkii baa lagu wada kulmay.

 

Dhakhtar: Waa in aan qalnaa Shoobto si aan u kala badbaadino ayada iyo ilmaha ay siddo.

Xorshosh: Gabadhayda ma taaban kartid, lagama yaabo in la qalo.

 

Wadeeco: Oo kaalay gabadha in aad dhashay yaa kuu cadayn kara, waa adigan nafteeda ku qamaarayo e? 

 

Xorshosho: Afkaa kala tegay.

 

Shabshable: Hooyo haddii aabbe yiri gabadha la qali maayo waa in aan dhagaysanaa. Dhakhtar waan ku raacsanahay aabbe oo gabadha la qali maayo.

 

Wadeeco: Shabshable kaalay wax baan ku tusayaa e.

 

Wuu raacay. Waxay saaran yihiin dabaq fooq ah. Waxay gaysay meel barando ah oo bannaanka dadka maraya laga arko. Say tiri “Bal eeg dadkaa”. Suu yiri “Maxa aan ka eegaa?”

 

Wadeeco: Waxaan doonayaa in aan kuu sheego in naagtaadii ay naagahaas jidka maraya ay ka mid tahay, adiga kuwaa baad ka helaysaa xaas oo naag uun baad eegtay ee ma ogtahay gabadha in aan dhalay oo mid ii bedelaysa aysan dunidan ku noolayn.

 

Kolkuu aamusay bay isaga dhaqaaqday oo u tagtay dhakhaatiirtii kuna amartay in la qalo gabadha oo la badbaadiyo. Sidii baa la yeelay. Cabaar ka dib waxaa loo keenay wiil lagu wargeliyay in uu badqabo oo caafimaadkiisu wacan yahay, balse gabadhii ay cabaar ka wardhowrayaan. Wadeeco wiilkii yaraa bay qaaday oo carruurteedii abtiyada iyo habaryarada noqday u gaysay. Carruurtii baa ku yiri “Hooyo Shoobto aaway?” Markaa bay u sheegtay in ay liidato oo Isbitaalka taalo. Say yeen “Anaga walaasheen ayaan doonaynaa ee noo gay.” Mowlahaa mahad leh ee Shoobto ka badbaaday dhiig bax iyo tabaalo ka soo gaartay qaliinkii. Isbitaalkiina Wadeeco waxay ka noqotay mid si farxad iyo ku faanid ah mid looga sheekeysto oo lagu hoga tusaaleeyo dadka kale.

 

Waxaa dhacday in gabar kale oo la yiraa Shahiido ay soo gashay Isbitaalkii asiga ahaa. Waxaa la socotay hooyadeed Maran. Gabadhii saygeedii baa diiday in la qalo, markaas buu ka saaray isbitaalkii. Maran waa iska dabo gashay gabadhii oo loo celiyay xaafadda. Asbuuc ka dib ayaa isbitaalkii lagu soo celiyay Shahiido oo Kalamsiya (Preeclampsia) ku dhacday oo iscunaysa. Waa marxalad qatar teeda leh oo hooyada iyo uurjiiftaba ay ku nafwayn karaan haddii aan laga dawayn. Sababta oo ah dhiiga ayaa sumoobaya kadib caabuq ama caalir Ibida ku dhacay oo sababa dhiig kar iyo borotiin kaadida soo raaca. Shahiido asbuucii guriga lagu hayay ee ha iska foolato la lahaa ayaa xanuunkani ku soo saa`iday, cidina war uma hayn ilaa dhiigii ku karay oo in ay is goosgoosato ay gaartay. Mudo yar kadib markii isbitaalka lagu soo naqay waa ay geeriyootay, Allaya Raxma Raaximiin.

 

Maran maalintii hore dawbay lahaan lahayd hadday “kir” iska dhihi lahayd sidii Wadeeco wax bay ahaan lahayd. Isbitaalku waa isku dayay in ay wadeeco warkeeda uga sheekeeyaan Maran oo ay yiraahdaan Wadeeco kii la dhalay bay ka dooratay gabadheeda nafteeda halka aad wax u sheegi kari wayday mid kula xididay. Waxaase la yiri “shalaay waa uu danbeeyaa ee ma horeeyo” maalintaa waxay xabaashay gabadheedii Shahiida.

 

Walaaloyaal waxa iswaydiin leh gabadha Soomaaliga ah maxaa u diidaya iska masuul ahaanteeda? Maxaa ragga awood aan Alle siin loogu hibaynayaa? Miyaanan ogayn in aan raggeena hoog u horseedayno marka aan ugu aamusno wax uusan xaq u lahayn in uu iska maamusho? Waydiimuhu dhammaad ma laha in aan iska joojiyo ma ahan e. Bal adba?

 

Hal midse waxaan doonayaa in aan haweenka Soomaalida meel ay joogaanba aan kula dardaarmo, taas oo ah fadlan ogow Ilaahii na uuntay kuuma abuurin in aad addoon u noqoto shaqsi ka soo haray Eebbe SWT. Ogow naftaada adigaa ayaa ka mas`uul ah ee u dood oo u hadal oo u kaasho inta caqliga iyo damiirka wanaagsan u wehelka ah.

 

Bal eeg maanta xaaladda walaasheen Shukri Idiris oo dhiig bax u taalla isbitaalka Bedel Xaawo, kadib markii uu saygeedu saddex casho ka hor u diiday in la geeyo meel ayada iyo ilmaha uurjiifta ah lagu kala badbaadiyo. Wiil dhalan lahaa baa ku dhintay caloosheeda. Ka soo saariddii laga soo saarayayna ayadii baa ku dhiig baxday oo aakhiro iyo adduun u dhexeysa maanta. Yaa Rabbi, u maciin adigaa maciine ah e, aamiin.

 

W.Q. Luul Araweelo

Agoosto 8, 2018

Oslo, Norway

INSHA ALLAH MA ISHAA FALATAYN BAA?

Sheekada 16aad

 

Bismilah, waa qowl wanaagsan ee ku bilaaba ayaa innala yiri! Insha Allah waa sidoo kaloo waxaadan ku darin ha dhihin baa innala yiri! eegga cirroole iyo ciyaal ciil bay badaa maanta e.

 

Ka soo qaad: Qof baad waxaa ku tari wax i sii... suu kuugu jawaabay Insha Allah. Jawaabta ma garatay? Ma ogolaanshaa mise diidmo? Bal aan qaadaa dhigno.

 

Jawaab Togan?

 

Waa ku siinayaa, insha Allah, sababtoo ah?

- waana ku faraxsanahay in aan ku siiyo.

- waan ku siinayaa balse wayga huriweyto.

- waan ku siinayaa lakiin waad magaysaa/ waa kugu dayn

 

Jawaab Taban?

 

Kuma siinayo, insha Allah, sababtoo ah?

- waan ka xumahay in aana kuu helli karin.

- waan hayaa masse ogoli in aan ku siiyo.

- ma hayo ee waad helli lahayd.

- hadaan hayo xataa kuma siiyeen.

 

Waxay leeyihiin "hadal waa mergi oo kale oo hadba dhinac u jiidma" Alloow yaa runay ku sheega oo aan shaah kugu raadsan. Carruur iyo cirroole waa cajabeen oo waxaa la baday in ay qowlkii wanaagsanaa oo sunaha ahaa ay wiswissaan! Weli qof yar ama weyn ma kugu tiri "Warka ii caddee, jawaabtu maxay tahay haa mise maya" kolkaad ugu jawaabtay "Insha Allah"!

 

Ma istiri ama ma maqashay ayadoo qofkii loogu warcelinayo amaba ma ugu warcelisay "Insha Allah ayaanba ku dhahay/ kugu iri ee warka maqal/garo". Qofka yar ama weyn miyuu ku qaldan yahay in uu qayax hadalka uu dalbo, inkasta oo lagu yiri "Insha Allah"? Bal adba...

 

Carruurtii "Insha Allah" waa la nacsiiyay oo ="been" ayaa looga dhigay. Haddaba waxaa weydiin warcelin u baahan ah: Xagee baan ku jeednaa oo aan ubbadkeena ku jiheynaynaa? Qowlkii qurxoonaa baa la qurmiyay!!! Qashin iyo qiiq iyo qaylaa la isugu daray... balse khayr kaa badan oo khaxarka lagu awdaa e aynu is xisaamino oo qowlkeena xisaabino.

 

Mahadballaaran.

WQ: Lul Hassan Kulmiye (Luul Araweelo)

3-dii bisha abriil ee 2015

Carruurtu waxay u baahanyihiin dhab in aqoonta loogu cayaarsiiyo. Macalimadda muuqata waa Saynab Dahir. Codadka aad maqlaysid waa Luul Araweelo, iyo Xuseen Hassan oo mar la maqalayo. Waxaan ku sugnayn Stockholm iyo maalinta dhaqanka Soomaalida. desember 2016.

Aragtidayda Queen Araweelo iyo sababta magaca aan ula baxay! 30. April, 2015

Sheekada 15aad

 

Walaal baa weydiin i soo weydiiyay weydiin 30-kii Abriil, 2015-kii. Sidan ayuuna wada hadalkii u dhacay.

 

Ahmed Gullit: Luul Araweelo Kulmiye hadii Aan su.aal Ku weydiiyo maxaad ka aaminsantahay queen ♕ Araweelo inay eheed qof wanaagsan Oo lugu dayan karo mise..

 

Luul Araweelo Kulmiye: Aragtidayda waa ballan in aan kula wadaago balse horta aan fahmo halka weydiintaada ubucdeedu ama asalkeedu ka yimid ee war i sii. Sawir sidee ah ayaad ka haysataa? Ma adigaa baaritaan ku sameeyay mise waalidkaaga ayaa kaaga sheekeeyay? Mise war suuqeed uun baad ka haysaa?

 

Ahmed Gullit: Waalid ma iiga sheekeyn ana baaritaan kuma sameyn ee weydiinteyda waxey Ku timid hada kahor gabar somaliyed Oo UK ku nooleed ayaa waxey u duushay magaaladi ay ka soo jeeday Somalia, waa magaalada Burco ee Somaliland. Gabadhii markii ay tagtay Burco waxey iskugu yeertay qabiilkii ay ka soo jeeday waxeyna ku tiri waxaan rabaa inaan noqdo boqoradda cida adinkana igu taagera oo ii doorta inaan ahay boqoradda beesha.. Adiga gabadhii dadka qaar waa taageereen, halka dadka qaar kale ay diideen, ka dib waxaa wareysatay weriye Cabdisalaan Hareeri oo markaas bbcsomali wariye ka ahaa inaad taqaan iyo in kale ma ogi... Marka su.aalihi uu weydiiyay waxaa ka mid ahaa waxaan maqli jiray caraweelo ee ma waxaad tahay caraweeladi cusbeed? Gabadhii waxey ku jawaabtay hadal queen Araweelo sawir xun ka baxshay waxeyna tiri "bismillah anigu gabar musslim ah Ayaan ahay ilaahey igama dhigo caraweelo oo kale. Waxey ku sii dartay "Caraweelo waxey eheed sheydaan oo dhaqan fican laheyn.".. Marka Su.aasheyda saas ayeey Ku timid Thank you.

 

Luul Araweelo Kulmiye: Mahad oo dhan Allay u sugnaatay e ku mahadsanid faaqidaada weydiintaada. Marka hore aan bal wax ka dhaho Araweelo iyo ahaansha shaydaanimo. Waxaan ognahay shaydaan in uu sharloow yahay, taasina waxay sababtaa in wax kasta oo la sharaysto shaydaan lagu sheego, balse qofba wax sharaysay, shaqsi walba waxa uu sharaysto ma dhihi karo anigu waa shayaan xaalkii! Teeda kale qofka dan gaar ah leh waa qof meeli u caddahay, meelna ka madow dahay. Sidaa darteed waxaan u arkaa gabadhaasi in ay diiradda saartay hiigsigeeda oo keliya, madaama ay ogtahay boqoradda keliya ee taarikhda Soomaaliya la magac dhabo in ay tahay Araweelo oo ah gabadh raggu ka dudaan amaba la dhihi karo ka cabsadaan. Marka ma aysan doonayn in raggu ka dudo oo ay meeleeyaan ayada. Sidaana ku waydo boqornimada! Haddii aan u soo laabto Queen Araweelo /Caraweelo/Carraweelo/Carrawiilo waxaan ognahay in lagu sheegay AWOOD TALIS, inkasta oo la sheegay ayana in ay ragga dhufaantay. Ogow oo xilligaa gabdhaha waa la nolol duugi jiray oo qiimo maba ku lahayn bulshadii markaa noolayd. Marka sawirka laga bixinayo waxa uu i tusayaa in ay ahayd gabar ciil la baday oo nolol loo diiday. Hadda ceeji ceeji baa kaa fujisa! Aarsi baa la dhihi karaa taas! Balse aan ku ekaado AWOODA TALIS ee lagu sheegay boqoraddii Araweelo. Meeqa ayaad garanaysaa rag halaag horseeday oo haddana halyeey lagu tilmaamo? Ma garanaysaa amaba maqashay NIN bulshada Soomaaliyeed ay sida Araweelo uga dudeen oo magaciisii laga tanaasulay? Haa, magacyo laga tegay way jiraan! Waase kuwee?

 

Waa sida WAAQ magaca layiraa. Maxaa looga tegay ma garan? Waaq=Ilaah! Kadib markii diinta Islaamku ay dadkeena soo gaartay ayaa laga tanaasulay magacyada ilaahnimada tilmaamaya, saa Alle SWT wax la lama simi karo e. Yaa keeni kara magac ama naanays raggeed, caadi ah oo laga tanaasulay lagana caroodo ama cabsado sida Araweelo? Maxaa haddaba ugu wacan in Araweelo magaceedu uu carada intaa la eg uu ku abuuro RAGGA? Ma dhahayo HAWEENKA ee garo. Sababta aanan u lahayn haweenka ayaa ah in aan aaminsanahay in haweenka wax laga dhaadhiciyay ay tahay, si aysan u hawaysan AWOOD TALIS! Sheegooyinka la soo tebinayo inta saxda ah ayaa yar baan qabaa. Waxaana u daliil ah marka aad dhagaysato ragga iyo haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay u soo tebinayaan noloshii iyo maamulkii Boqorad Araweelo. Carruurnimadaydii siyaabihii kala duwanaa oo la iigu sheekeeyay ayaa waxaa ka mid ahaa:

 

Qodobka 1aad: In Araweelo ay rag oo dhan dhufaantay, intaan ka ahayn ODAY BIIQE oo dhalintii askarta u ahayd ka dalbaday "i badbaadiya aniga adinkey dan idiin tahay e", kadibna ay qariyeen oo ay cunnada si qarsoodi ah ugu geyn jireen, talana weydiisan jireen. Aragti kale ayaa tiraa "Oday Biiqe waxa uu ahaa ninka keliya ee aysan dhufaanin oo mina ugxan bacrimi karta leh"!

 

Qodobka 2aad: In Araweelo ay amartay: haweenaydu in ay guursan karto dhowr nin. Kolkaa baa la weydiiyay oo haday haweenaydu uur yeelato ayaa ilmaha iska leh? say teen: Marka la ogaado in ay haweenaydu uur leedahay, sayga (ninkeeda) la jooga ayaa leh! Haddaba sow ma haboona in aynu isweydiino haddii ay qodobka 1aad uu dhab yahay sidee bay macquul ku noqon kartaa qodobka 2aad? Xaqiiq marqaati ma doonta ah waxaa ah in aysan Araweelo rag dhufaanin ama dhamaan rag rufaanin, waayo hadday taasi dhab tahay Soomaaliba ma jirteed, saa aadanuhu abid ma noolaado oo dhimasho ayaa inna wada sugaysa e, miyeeysan noqon lahayn in qarnigaa intii Soomaali noolayd ay le`deen? Aqliga ma geli kartaa dooda ragga Soomaaliyeed oo ah - "Araweelo ragga ayeey dhufaani jirtay?" Marka sababta aan u sitaa magaca Araweelo waa in ay Haweenku AWOOD TALIS leeyihiin oo aan ragga keliya loo waxyoon!! Waxaa macquul ah in aad la soo boodo oo yaa ka hor taagan? "Soomaali maba badbaadeen haddii aysan Haween jirin iyo Hooyo la`aantedd waa abaar amaba reer aysan hooyo maamulin wax uma hagaagaan iyo nin walba oo haybad leh haweenay baa daba taagan." Waa sax intuba! Waa haddii aad ku fekertay e. Balse dib u eeg intuba waa aqalka iyo reerka ee dhanka siyaasadda iyo maamulka dalka ma aha, sow ma aha? Maxaa diidaya in dhanka siyaasadda loo carbiyo gabdhaha.... walow raggaba aan loo carbin ee ay iska maquunsadaan. Ulajeedku waa in ragga ilinkaasi u duleel keliya u muuqdo, uma furnee day... waa muuqdaa oo keliya, mid xarbisa oo "ax iyo way" la bado mooyee mid kale ma dhedhemiso. Halka rag wada halyeey ma ahane, uu kan ugu liitaahi "DALAQ" iska dhihi karo.

 

Ma isweydiisay xaalka haweenka Soomaaliyeed? Bulshada, reerka iyo naftoodaba ayagaa sida! Tii karti dood-wadaag iyo warcelin lagu arko waxaa lagu aamusiyaa "Naa Araweeloyahay aamus"!! Xataa waxaad maqlaysaa hooyo ku leh gabadheeda "Araweelaynta daa"! Magacii Araweelo ayaa waxaa haween yar iyo weyn looga dhigay hub loo isticmaalo: Mar laabtoodaa lagu xodxodsadaa oo naxariista Eebbe geliyaa loo isticmaalaa, markaasaa lagu yiraa "Araweelo ragga ayeey naafaysay". Hadda waa naflay Alle naxariis ku beeray oo ma doonayso wax aabbeheeda, walaalkeeda, wiilkeeda iyo wadaaygeedaba wax yeelaya e waa ay ka fogaataa astaamaha araweelo lagu sheegay. Waa maxay astaamahaasi? Waa awood talis, karti hadal iyo hammi maamulid bulsho. Sidaa daraadeed ayaan u sitaa naanaysta Araweelo si kii hadalkayga na in uu ku dahaaro/Daboolo "Araweelonimada daa" uu u ogaado in aysan socon taasi ee ay tahay in uu dadnimo igula doodo oo doorkayga ii ogolaado. Qayr badan baan kuu rajaynayaa. Nabad iyi caano!

 

WQ. Luul Araweelo

30. Abriil, 2015

Oslo, Norway

Heestan saca ay ka hadlayo waa Afrika. 48-da naas waa 48-dii wadan ee berigaa Afrika ka koobnetd.

Caddaaladu waa sinnaanta hoygeed!

Sheekada 14aad

 

Xeeladda xalinta khlaafaadka dhaqankii hore ee Soomaalida: Gacalooyin heesta tiraa "Garta Ina-Sanwaynaa Loo geeysan jiree" sheekada salka u ah waxay ahay: Waxaa la yiri berigii hore dhaqanka soomaalida marka gabadhu uur yeelato iyo inta ay nuujinayso (isku dar ca 3 sano) ninku sariir lama wadaagi jirin oo isuma aysan tegi jirin.

 

Sidan bay sheekadu u dhacday:

 

Nin reer "Qansax" ah ayaa gabadh qabay, arooskii ka dib ilmo ayey u qaaday. kolkaa kale sariir ayeey noqdeen, ka dib isna waa sugi kari waayey muddadaa ay uurka leedahay iyo muddada ay jaqsiinayso naaska ilmaha yar. Ka dibna maalin ayey ku aragtay isagiiyoo dameer fara xumaynaya. Marka ay aragtay isagoo Dameer far xumaynya waxay ahady goor maqrib gaabka ka hor ah, xilligaas dumarku waxay soo xareeyaan maqasha adhiga kiisa yar yar, dameeraha, iyo wixii duleedka lagaga yimid, ragguna xoolaha kale ayuu soo dhaweeyaa, markaa isaga oo geela soo dhaweeyay iyaduna ay xoolihii yar yaraa ee duleedka reerka daaqayay ayey soo xaraynaysay. Markiiba intay gurigii ku noqotay ayey shalmadeedii qaadatay waxayna tagtay gurigoodii oo meel durugsan ku yaalla. Inantii markii la waydiiyayna "maxaad uga soo tagtay ninkaagii?" Dee afka ayeey soo marin kari wayday wixii ninkeedu sameeyey.

 

Ninkan waxaa sameeyay waxay ilmo adeer ahaayeen nin la yidhaahdo Ina-Sanwayne. Inantii markay juuq oran weyday buu Ina-Sanwayne u tegay Ina adeerkii oo ah ninka inanta qabay. Salaan dabadeed buu ku ku yiri "Ina adeero sow ani iyo adi walaalo ma nihin, sow maanta haddii la i dilo iima aadan aarteen?" Suu yiri ninkii "Haa!" Ina-Sanwayne oo hadalkii sii wata baa yiri, "Ina adeero haddii aan hadda nin soo dilo oon baxsado, kadibna ay adiga ku helaan, sow adiga aano kumay dili lahayn?" Ninkii baa yiri "Haa!"

 

Ina-Sanwayne baa markaa ku yiri, dee marba haddii aad dhiigayga leedahay oo anna kaaga leeyahay ma in aan wax kala qarsanaa?

 

Ninkii: May!

 

Ina-Sanwayne: Ina adeero marka raggaa walaalaha ah baynu nahaye, bal ii waran oo ii sheeg, inantu waxay kaaga duday?

 

Ninkii: Ina adeero inantu waa taat ogayd oo kala sariir baynu muddoba ahayn, dee anna waa ishayn kari waayay oo dameer baan u tegay, iyana way i aragtay.

 

Ina Sanwayne: Ma intaa uun bay la diday, ii yara sug anigaa xalin xaalka`e.

 

Ina Sanwayne wuxuu u tegay inantii oo aqalkii waalidkeed joogta, salaan kadib buu ku yiri, "walaalo bal ii waran oo wax ii sheeg." Waysa kari weyday oo diiday in ay waxay aragtay u sheegto.

 

Ina Sanweyne ayaa yiri: Walaalo sow adigan i garanaya in aan ahay caaqil wax walbaba xaliya, miyaadan ogayn in aan xaliyay reer islaayay, ruux la goo`yay, nin dameer u tegay...

 

Halkaa marka uu marinayo ayeey la soo booday "waaba taa waxa aan ku arkay!"

Ina Sanwayne baa ku yiri "oo ma dameer buu u tegay baad kaga carartay ninka, naa walaal aan war ku siiyo, sow ma ogid inta haweenaydu uurka leedahay iyo labada sano oo ay jaqsiinayso ilamaha yar in ay 3 sano isku tahay? Ma waxaad mooday in ninka ragga ahi uu saddex sano adkaysan karo, naa mayee kuligayagu dameeraan leenahay. Aniga Ina San Wayne ah dameer "tii Ina San Wayne la yiraa baan leeyahay", raggu way wada ogyihiin ee walaal haweenka ayaan ogayn. Marka ma waxaad reerkaagii ku duminaysaa wax nin waloowba uu sameeyo?"

 

Inantii oo ka xumaatay waxay samaysay baa tiri, "oo walaalo waaba wax caadi ah?"

 

Kolkaa buu u xaqiijiyay in ay caadi tahay balse aan haweenka lala wadaagin, ayaduna aysan marnaba ninkeeda iyo asigaba aysan ummada ku shaacin.

 

Waa hagaag bay tiri oo alaabteedii dib u guratay, kadibna ku laabatay ninkeedii, iyada oo ku qanacsan reerkeeda.

 

Ina Sanweyne wuxuu isticmaalay xeelad, soomaalidu waxay tiraa "sidee xeero lagu xagtaa oo ilko ku nabadgalaan". Markii aad xalinaysid qilaaf waa in aad diyaar u tahay in aad dhabarka u ridatid waxyaalaha qaar, sheekaduna taa bay ka turjumaysaa. Balse haddii aad ka eegto dhanka dadnimada, qaderinta iyo qiimaha gabadha, maxaa kuu soo baxaya?

 

Aniga waxaa iiga soo baxay maahmaahdii ahayd "Naag been aa lagu soo xero geliyaa, runna waa lagu dhaqaa!" Sheekada markaad aqrisay ka dib innala wadaag aragtidaada iyo dareenka ay sheekadu kugu dhalisay. Caddaalad miyuu sameeyay Ina-Sanwayne? Mahadsanid, nabad, caano iyo negaasho caafimaad leh baan innoo rajaynayaa.

 

Madaama Ina-Sanweyne uu waa hore dhintay, heestan baa xusaysa. Waxaana ku luuqeeya Ahmed Mooge, heestana waxaa la yiraa "Gaasira"

 

Heesta miraheeda oo ebyan:

 

Haduu Sahan Go'doomoo Geedo Doonayaan

Gaajo Iyo Haraad Markey Gabax Noqdaan

Qaar meel Usii Galey Haddey Gawracaan

Garta Ina-Sanwaynaa Loo Geeysan Jiree

Gaasiray Inaga Yaa Ina Kala Guraayaa

 

Haduu Gugu Da'oo Guunyaduu Dhashoo

Tiiyoo Galab Caroow Geedi Loo Laalaabay

Geeljire Haraadani Haddii Beesha uu Gubo

Garta Ninkii wax Garadaa Loo geeysan Jiree

Gaasiraay Inaga Yaa Ina Kala guraaya

 

Haduu Guluf Dhaqaaqoo Maal Gabo Gabeeyaan

Oo Niman Garab Raratiyo uu Guluf Ka Hoos Kaco

OO Labada Geesood Ku Gableeyo Haadkii

Garta Ina-Sanwaynaa Loo Geeysan Jiree

Gaasiraay Inaga Yaa Ina Kala Guraaya

 

Gudidee Is Diidee Gashi Kala dhexyaaloo

Ee Geeri Iyo Dhiig Garta Inay dagaalaan ee

Geedi Kala Raree uu Gumaan Kala Galo

Garta Ina-Sanwaynaa Loo Geeysan Jiree

Gaasiray Inaga Yaa Ina Kala guraaya.

 

Heesta oo maqal ah halkan ka dhagayso: 

👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽

"Gaasira" Ahmed Mooge, heestu waxay leedahay madaama Ina-Sanwayne uusan noolayn yaa inoo kala garqaadaya haddaba?

Muranka Miisaanka Maansada Gogosheedii Garta 2008-dii ayaa Oslo La dhigay. Dooduna Waxay u dhexeysay Carraale iyo Gaarriye (AUN). Waxa aan ka mid ahaa shaqsiyaadkii lagu casuumay in ay garta qaadaan madashaa, balse waan ka baqay oo ka cudur daartay. Sababta oo ah waa iga daadedigi waysay in la iga eego doorkaa. Xuseen Xasan buu ahaa ninka i soo wacay. "Xuseen maxaa kugu dhacay ma odayan baan gartooda geli karaa" baan waydiiyay. Alloow yaa maanta ka dhiga. Maalintaa qaadan waa bay igu ahayd. Maanta oo 10 sano ay ka soo wareegtayna madashaa madalo ka dhib badan baan fariistaa, Alxamdulillaahi.

Yay, today, 12. Okt is the Somali flag day!

Sheekada 13AAD:

 

The Somali Flag, was adopted on October 12, 1954. It was designed by Mohammed Awale Liban. Qolobaa calankeed (1959) by. Abdullahi Qarsho was until 2012 the flag song and second national anthem. It is now the national anthem of the Federal Republic of Somalia.

 

It adopted as a national hymn in August 2012, following the endorsement of the country's new Provisional Constitution of August 1, 2012, and Article 6.

 

(3) says unambiguously: Somalia has a national anthem which is “Qolobaa Calankeed”. The previous national anthem was Soomaaliyeey toosoo. Somali and English lyrics of both songs follow:

 

1) Qolobaa calankeed (1959) by: Abdullahi Qarsho

 

Qolobaa calankeed,

Duul waa ceynoo,

Innaga keenu waa,

Cirkoo kale ee,

een caadna lahayn,

ee caashaqaye.

Xidigyahay cadi waad

naa ciidamisee,

Carradaa kaligaa adow

curadee cadceeda

sideed noo caan noqo ee

 

#

sidii culagii ciidad marisee

Alloow haku celin

Alloow haku cellin

 

#

English lyrics

 

Any nation’s flag, bears its own color

The sky (above us), does ours look like

Defects it has none; love it with candor

Oh you White Star, at your service we are

Superior you are, in any part of our land

Be famous oh Star, like the sun (of the far)

On the day you arose, our hearts you have

Purified with pureness, (Oh you our flag)

Lord may not dim you, pray we in this night

The detached part of, our forces of five

I beseech from God, their return you cause

This fate that wrote, for us to meet now

 

2) The National anthem of Somalia(1960-2000) (2000-2012) Original Somali lyrics (1947) By. Ali Mire Awale. English translation of chorus follow Soomaaliyeey toosoo

 

Toosoo isku tiirsada ee

Hadba kiina taagdaranee

Taageera waligiinee

Idinkaysu tookhaayoo

 

Idinkaysu taamaayee

Aadamuhu tacliin barayoo

Waddankiisa taamyeeloo

Sharcigaa isku kiin tolayoo

 

Luuqadaa tuwaaxid ahoo

Arligiina taaka ahoo

Kuma kala tegeysaan oo

Tiro ari ah oo dhaxalaa

 

Sideed laydin soo tubayoo

Ninba toban la meel marayoo

Cadowgiin idiin talin oo

Tuldo geel ah oo dhacan baad

 

Toogasho u badheedhanee

Ma dhulkaas dhanee tegeybaan

Ninna dhagax u tuurayn

Qaran aan hubkuu tumayo

 

Tooreyda dhaafayn

Oo aan taar samayn karin

Uur kutaallo weynaa

Hadba waxaan la taahaayoo

 

Togagga uga qaylshaa

Nin dalkiisii cadow taaboo

U tol waayey baan ahayee

Hadba waxaan laa ooyaayoo

 

Oo ilmadu iiga qubaneysaa

Iqtiyaar nin loo diidoo

La addoon sadaan ahayee

 

English translation of chorus:

 

Somalis wake up,

Wake up and support each other

Support your country

Support them forever.

Stop fighting each other

Come back with strength and joy and be friends again

It's time to look forward and take command

Defeat your enemies and unite once again.

Become strong again and again

 

Heesta Calanka / Flag Song 👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽

HEESTA CALANKA <3

War helaaba talo hela, waxay helay damiin dadaal badan!! 17. Maajo, 2015

Madaama aan mareegtan kulmiso.com sameeyay 28kii Agosto, 2018ka ayaan maqaaladii hore hadda idin la wadaagayaa. Asxaabta iyo ehelka Foolbuug berigaa ila joogtay sheekadani uma cusba, balse intiinna kale oo ay ku cusub tahay, fadlan wixii fikir ah oo kaaga baxa ila wadaag. Mahadsanid.  

 

Sheekada 12aad

 

SAMIR-SIIS Ma ogtahay Siciidow!

Xalay baan saqdii dhexe

Cirka sare u eegoo

Sida dirirku leeyahay:

Bisha soon markay tahay

Sabuux laguma heesee,

Safar hayla boodine,

Sannadkii mar uun baa

Xajka loo sadcaalaa.

Haddii aad sabool tahay

Sandullayni waa debed

Af-ku-seefle yeelkii,

Sal u yeelo sheekada

 

By. Maxamed Haashi Dhamac (1973)

 

 

FG: Waxa aan kula qaybsanayo waa natiijada ii soo baxday kadib markaan u kuur-galay arrinka maqaalku ximbaarsanyahay ee ma aha dareen ku salaysan laab la kac.

 

Waxaan muujiyay dulqaad, kol kol waxaa dhacday in asaxaabta kuwa ugu dulqaadka badan xataa ay ila yaabeen oo yiraahdeen "Dulqaad waa kugu ogayn ee sidan dulqaad ma aha ee waa isbahdil", aad baan idiinka mahadcelinayaa aragtidiina fog oo aad ila wadaagteen. Waan u jeeday xaalku heerka uu marayo, lakiin ma doonayn in uu banjaro inta aan sawirada, si taxana ah, uga wardhalinayo.

 

Qiso waliba aasaas lehe, bal kaga bogo qormadan siday wax u dheceen:

 

Aqristow bishii maarso (2015) aniga oo safar ah ayaa sawir aan koox saddex dumar ah iyo hal nin nahay soo geliyay. Waxaa lagu soo qoray "gaalka ka fuq oo ka fogow!"(1*) Sawirkii haddaan dib u eegay maba ii dhowa qofkan la igu leeyahay ka fogow. Cajiib! Waxaan is weydiiyay ninka cad diinta uu haysto yaa baray dadkan? Mise diirkiisa cad ayeey faquuqayaan? Mise gaalnimo ma ahan e sheeko kale ayaa jirta? Waxaan arki jiray gabdho calaf isu galay dad aan Soomaali ahayn oo intaa la aflagaadaynayo! Madaama ayaga ay dareen ahaan u taabanayso, anigana aysan ii taabanayn saa cid aan nolol wadaagnaa maanta ma jirtee, ayaan go`aansaday in aan ka salgaaro halka sartu ka qurunsan tahay!

 

Subixii xigay ayaan waxaan ka dalbaday in uu ila galo sawir(2*) aan isku dheganahay, kii asiga oo aan igu dheganayn la i lahaa ka fuq. Aniga oo ogaysiiyay sababta aan u dalbanayo sawirka. Sawirkii baan soo dhigay bartan bulshadu ku kulanto. Maxaad ka rabtaahee tii dheereed ayaa la dhigay. Runtii dammiirkeyga qoraalada iska soo daba dhacaya ma aysan taabanayn, saa wax aan u khasday ayuu ahaa sawirku e. Shaqsiyan diyaar baan u ahaa wax walba oo ka soo baxa, waxaase soo baxay mid aananba ku fekerin oo ah xumaanta iyo aflagaadada la qorayo iyo saamaynta ay ku yeellan karto Walaal, Wadaay iyo waarid. Waxay noqotay in aan khilaaf iyo dareen xumi si aysan u iman aan daweeyo laabta walaalada iyo asaxaabta gaarka ah oo ka dhiidhiyay aflagaadada laygu wado wacyigelinta aan samaynayo darteed. Mahad Alle oo way tixgeliyeen qowlkayga iyo sida aan wax ugu sharaxay, inkasta oo aanan ogayn laabta hoose iyo maankooda waxa ay ku fekerayeen. Ma qaateen sharaxaadayda mise waa iska aqbaleen, madaama aan ahay qof ay xushmaynayaan? Allaahu waclan!

 

Waxaan haddana ka qayb qaatay shir ka dhacayay Oslo, Norway oo ay madax iyo mudanayaal sare oo Ugandays ah aan wada joognay (3*). Shirkan ayaa looga hadlayay Midowga qurbo-joogta iyo iskaashiga dhaqaalaha. Khadadii markii la cunayay oo sharaabyo aan khamri lahayn ay miiska ku tixanyihiin ayaan qof iyo dooqeed shubanay. Koobabka nagula sooray ayaa ah kuwa caadiyan khamriga lagu cabo. Amar Alle e waxaa isku aaday in Bare-Sare oo i ak fadhiyay iyo aniga aan shumano cabitaan laga sameeyay tufaax. Maskaxdayda waxaa qalow ku soo tiri, beryahan iyo weeraradii ahayd "Gaalka ka fogow", Macalinkii baan weydiistay in aan sawir la galo, aniga oo kartoonkii cabitaanku ku jirayna ka fogeeyay horteena iyo meesha kaamiradu ka qaban karto. Sawirka sida aad ka dheehan kartaan aad buu u qoslayaa Baraha ila fadhiyo(4*), oo aan u sheegay sababta aan sawirka u rabo in ay tahay "Munaafiqiinta" ismaldaha oo meel ku dhegga ah in aan ku soo dabo. Dr. Abdirashid iyo Kassim(5*) oo naga soo horjeeday baan ka dalbaday in ay sawirka qaadaan. Walaalkii si tixgelin leh ii weydiiyana jawaab waafi ah ayaan diyaar ugula ahaa messengerka. Inkasta oo markii aan soo geliyay sawirka intii garasho leh oo tixgelinaysa doorashada shaqsiga ay ka aamuseen ama i difaaceen oo aan leeyahay mahadsanidiin! Sawirkii markaan soo geliyay hal mar xataa, hadde waa hal mar laguma soo qorin "Gaalka maxaad ula joogtaa ama gaalka ka fogoow" ee sheeko waxay noqotay "Xabashka ama addoonka" ka ak fogow!

 

Miyaan shaqsigan Alle uusan u amuurin sida aadanaha kale kan xabashka aad ku leeyahay? Diinta aad wax ku waaninaysid waa diintee? Maxaa ninkani kaga duwan yahay kii hore, labaduba muslim ma aha, keliya midna waa caddaan, kan kalana waa madow sideenoo kale. Alaylehe waxa ka dhaxeeya in ay ajaanib aan soomaali ahayn yihiin. Waxaan isweeydiiyay tolow nin soomaali ah haddii aad sawir sidaa ah la gasho maxay samaynayaan? Ewelba waan la geli jiray, welina ima aysan soo marin qof ka dhiidhida "ninka aan sawirka kula jiro"! Balse waxaan is iri, bal hadda ku eeg, madaama weero sawir oo diin lagu salaynayo ay socoto. Wefdi Soomaaliya ka yimid ayaan saddex ka mid ah annaga oo garbaha isku hayna sawir galay (6*), mid ka mid ahna keli baan ula galay(7*). Kadibna waan soo geliyay. Shib dheh! Kaalayba shanqari ha yeerto? Raali noqo, waa la shanqaray ee shanqartii halkaan ka sugayay meel aan ahayn ayeey ka timi oo waxaa la soo saaray oo comments lagu bilaabay sawir kale oo aan isla Barihii Sare (8*), walaalkii afrikaanka ahaa, la taaganahay? Haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa u sabab ah in aanan ragga Soomaaliyeed laga hadlin/dhiidhin? Kan waan kuu naxayaa leh oo cadaabta iiga digaya ma waxaa loogu waxyooday ninka Soomaaliga ah ajnabi ma aha!

 

Mid baa maalin iisoo qoray "Gabdhaha Soomaalida waa kuweena oo waxaan rabno aan ku samayno anagu, balse nin shisheeye far ma saari karo! Yaabka yaabkii, aniga waa fajacsanahay! Waxaase ii soo baxday walaalka jaahilka ah in uu aaminsanayahay "In uu asigu leeyahay gabadha Soomaaliga ah", macquul in aad ka biyo diidsan tahay hadda balse ila eeg tusaalahan:

 

1) 80% kuwa diinta ku dagaalamaya oo ahbinta ila daba galay waxa ay ahaayeen kuwa i shukaansaday oo aan u dayriyay.

 

2) 5 % waxay ahaayeen dad dhalinyaro ah oo waanadoodu ahayn sharaftaada meel ha uga dhicin, teenana meel ha uga dhicin.

 

3)15 % labada aan soo sheegay midna ma ahayn.

 

4) isku dar 95% waxay ahaayeen kuwa ajnabiga diidan (debed-joog iyo gudo-joog ba leh)

 

5) badankood ragga wax qoray waxa ay ku mashquulsanaayeen jirkeyga.

 

Horta inta sumcadooda u cabsanaysa waxaan leeyahay, sida aynu ognahay sumcadda wanaagsan ayaa qofka Soomaaliga ah lala sheegtaa, sida ku cad caadooyinka aynu arki jirnay ee qofka sumcaddiisu ay xuntahay taada ma xumayso. Haddii ay dad kale wax u dhimayso waa qoyska qofku xumaanta sameeyay uu ka dhashay ee xataa qabiilkeeda ma aha, siiba gabdhaha si la isaga dhaqaajiyo ayaa lagu sheekeystaa, ayada keliya ma ahan ee qoyska ay ka dhalatay iyo waalidkeed baa ceeb looga dhigaa. Taas oo ayana badda qoysku in ay deyriyaan qofkii (wiil iyo gabarba). Marka waxaa isweydiin u baahan aqristow, haddiiba sumcadda wanaagsan la ila sheeganayo, oo tan xun la igu fadeexeynayo, la iguna goynayo oo aysan qof kale waxba u dhibayn, maxaa ii diiday in aan xor u ahaado, saa adiga maba ku taabanayso e, adduun waa ii dayro, aaqiro waa aniyo Ilaahay, boosba kaagama banaana adiga e.

 

80% ka damac-la-khunfaca ah ayaga waxaan leeyahay orod oo iskuulada diinta iyo maadiga gal, oo jooji "cadkaanow ku cunay ama ku ciidayay" da. Mid baa ii soo qoray "Qalanjo ma xaas baad tahay", saan iri: Haddaan ahay iyo haddaanan ahayn maxay kuugu kala duwan yihiin? Suu yeen: Haddaadan xaas ahayn waa lagu qaraabo-kiili karaa! Akhriste ma taqaan qaraabo-kiil? Waxaa la qaraabo kiilaa badeecada baarta ee la gadan waayo! Gabadha Soomaaliyeed dareenkeeda ayeey xor u tahay, doorashaa u dheer, dooq baa ula jira ee nimankiinnan mooda in aad suuqii xoolaha joogtaan oo "dheg qabad iyo bowdo taabad" neef ku jirtaan, warhooy hurdada ka kaca, casrigu casrigii ma aha, dugsiyaa la galay oo diin iyo daruusba waa la dhigtay!

 

Kuwa jirkayga ku mashquulay...waxaa isweydiin leh aaway xakamayntii nafta tooda? Maxay ugu mashquulsanyihiin jirka gabadha? Waxaan qabaa taasi in ay tahay waxa kufsiga aan loo aabeyeeleyn dhalinteena in ay fuliyaan ay ugu fududahay! Bulshada Soomaaliyeed waxa laga doonayaa aabbe iyo hooyaba in ay bedelaan dhaqankan gabadha caburinaya, wiilkana badraaniyaynaya oo ka dhigaya in uu gabdhaha midna kufsado midna amar la dabo taagnaado. Ummaddu badbaaday u baahan tahay, sidani si ma aha. In wiilka lagu, tiir iyo tacab beelay uu addoomiyo gabadha. Aaway wixii la baray? Gabdhihii iskuul la`aan baa la dhigay oo wiilashii baa loo eexday, haddana ayagii baa ka jaahilsan gabdhaha. Maxaa inagu haboon oo innoo wanaagsan waa yaabe?

 

Hadda waxaan u imid 95% ka sida ajnebi nacaybka oo diinta ku maldahaya. War heedhe horta halka aad taagan tahay idhaha Alla kuma tirin ee fiiri, waa xaggee meeshu, waa kuwiina debed-joogta ah, waa lagu qaabilay, quudna laguugu daray, oo ay kuu dheertahay fursado badan oo aad nafdaada, dantaada iyo inta aad u naxaysaba ku kafaalo qaadi kartid oo "Gaalka ayaa ku siiyay", adigoo kii dad kuugu dhowaa dhiigaga qubay, banaystay oo nafla caari ah. Haddii aad garan weysay in caalamkii hal aqal noqday oo bulshooyinka kale iyo kuwaada oo la dhaxgalo ay horumarka casrigan tahay, ma waxaad garan weyday in aad noqoto "af wax cunay xishoo?".

 

Kan asigu gudo-joogta ah, mar waa u cudur-daarayaa, marna waan la talinayaa. Waxaan ugu cudur-daarayaa maskiinka waxaa isugu darsamay jaahilnimo marxalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin oo fursad la`aani sababtay iyo diintii oo qudha looga jaray. Marka kaas waxaan u arkaa in uu iiga baahan yahay caawimaad ah in uu dareemo in la jecelyahay oo Soomaalinimadu qiimo leedahay! Marna waan la talinayaa oo waxaan leeyahay walaal/igaarkey ka faa`iidayso walaalaha kugu heeran ee Soomaalinimadu dhabta ka tahay oo ka fowgow qabyaalada iyo kala qoqobaynta dhaqan, diin iyo dadnimo.

 

Aan soo gunaanado e, gunta hadalku waa gabar/haweenay iyo wiil/nin Soomaaliyeedow ogow wax magarataa badan magaceena innagu dilaysa, oo innagu qaybinaysa ee aynu ka digtoonaanno. Qaasatan gabdhuhu garab iyo taageero ayeey idiinka baahanyihiin intiina wax garadka ah, mahad Alle in aad ka badantihiin wax magaratada. "Khayr wax kaama dhibo ee shar u toog hay" buu xaalkeygu ahaa, waxaan rajaynayaa in aad i saamaxdaan intiina sida dhabta ah naftayda ugu naxaysay oo dhibsaday sida la iila dhaqmayo iyo in aan sawirba sawir ka dabo keenay. Sabab aadan ogaynina oo u kuurgelaysa habdhaqanka bulshadeeda ayeey ahayd. Waa tan oo maanta daraasaad baa lagu tilmaami karaa waxaan samaynayay.

 

QAYBTA 2AAD: Oktoobar 2018 ayaan damcay bal in aan ka wardoono sawiradii 2015kii sida loo qaabilayo maanta iyo maalintaa faraqa u dhexeeya. Kadibna 4tii oktoober, 2018 ayaan qoraalkan hoore ku soo afjaray. Akhris wanaagsan. 

 

Hello my fellow human. I want share with you an experiment I made few days ago to see if there have been a change of behavior regarding how we communicate and address to each other on social media. I did this because I posted a picture a couple of years ago that was widely commented and many of the comments were hateful towards me and those comments were posted by young somali men. These young men harassed and threatened me because I posted a picture of me next to a “white” man. So I decided to post the same picture again to find out if there has been change in their behavior or their way of dealing with women whom they disagree with.

 

I asked my friend Dag Willy Rasmussen – who is in the picture with me a permission to post the picture again. I decided not to tag him this time to protec him from the melicios attacks we has been subjected to last time but he insisted. Dag Willy and I where a part of a study group, who visited eigh counties in the glob, couple of years ago so I decided to make a collage of pictures from that trip and posted it to see the reaction this time. I purposedly choose couple of pictures that could look a bit intimidating and shared it. It gave me three days of both fun and quite honestly frustration as well. Fun because this time there were many more voices in the commentary felts and only a few youths whom I felt as if they where 100 person all together because of their loud and obnoxious way of adressing me. We witnessed how some of those loud and abnoxios young men where tagging their peers in the comments section to get support and to gang on me. One of the guys finally admitted that it would be okay for him if this was "Somali man". This says a lot by itself ... these young men do not care about me, the woman they attack or the religion they use as a tool. Their sole purpose is to implement social control against somali women everywhere so that they control us.

 

I grew up in Somalia and we never had this kind of hostility in our tradition and culture. I blieve that this kind of behavior is fostered by the civil war and is demeaning and controling towards women. I want to say to these men: there is nothing you can do to change me or other strong women because we are born free.

 

“The key element of social control is the strategy of distraction that is to divert public attention from important issues and changes decided by political and economic elites, through the technique of flood or flooding continuous distractions and insignificant information.” — Noam Chomsky.

 

Sawirada siddeeda ah ka eeg muuqaalkan hoose haddii aad mobile kaga jirto ama dhinaca haddii aad Kumbiyuutar kaga jirto. Mahadsanid

 

Wabilaahi towfiiq

Luul Araweelo

Oslo, Norway

17. Maajo, 2015

Sawirka 1* kowaad iyo 2*aad, 3*, 4* iyo 5*

Siddeedda sawir iyo heesta Dhulka soco in kugu filan ka daawo halkan

GOGOL DHAAFKA ANSHAHA MAAD GARAN? 18. Maarso, 2015

#TusmoIyoTusaale (Sheekada 11aad)

 

Bismilah, walaaloyaal waxaa macquul ah in aad isweydiisaan "Luul maxaa ka si ah oo ay arimaha private ka ah, ay fagaaraha u keenaysaa". Haddii aad isweydiisay waad ku saxsantahay ee aan bal ku wargeliyo sababta.

 

Rag iyo dumar waa isu baahanahay oo kalama maarano. Bulsho waa sida qoyska aabbe, hooyo, carruur, qaraabo, asxaab iyo deris ka kooban. Hadday sidaa tahay aan ku weydiiyee ma damac jeceel qaaseed uun baa kawada dhexeeya oo gogosha wadaageeda ayaa isku haya qaybahaa xubnaha bulshada ah?

 

Xataa kuwa ilmo adeerada ah oo is geya, sow isma walaalsadaan? Labadii calaf isu galana, isma guursadaan? damac iyo guur inta uusan iman sow walaalo wax wada qaybsada ma aha? Haddaba maxaa sababay in ragga qaar aysan walaalsan haweenka sideedaba marka ugu horaysa oo aysan garab iyo iskaashato ula noqon. Maxaay damaca oo keliya u walfinayaan (Not all)?

 

Haweeneyda daciifnimo lagu arko maxaa looga dhaqaaqaa? Miyeeysan ayadu ahayn mid walaashaa ah oo garab kaaga baahan? Tiise howlkarnimo lagu arko, maxaa damaca loogu harqeeyaa? Ma minnadaaada oo keliya ayaa ku hagta? Waa weydiimo guud ee si gaar ah yaysan kuu taaban gacaliye aboowe!

 

Bulshadeenu miyeey ka maarantaa haweenka? Horumarka aynu doonayno waa sidee haddii aadan maskaxdaba xakamayn karayn? Sidee ayaad howshaada ku gudan haddii haweenayda kula shaqaysa ama kula halgamayasa aadan idhaha ka qaadi karayn oo lexowjaleelo kaw kaa siisay?

 

Ma laga yaabaa in damacan indhaha la uu sabab u yahay in aan lagu taageerin qofta dumarka ah shaqadeeda? Sidee bay adiga kula tahay in aan uga gudbi karno dhaqanka "Gabari god ha ku jirto ama guri`? Sidee ayeey gabadha soomaaliyeed u heli kartaa xornimo ay ku doorato in ay guursato iyo in ayba iska daayso, haddii ay doorato? Fadlan dooda ka abaar halka sartu ka qurunsantahay oo goobta ha la iman "Gabdhaha waa xor", waan ogahay oo anigaa ka mid ah. Mowduuca u kuura gal bal si aynu u gaarno horumar iskaashi oo bulshada taabad geliya. Garo oo waan ka baraad la`ahay in Alle SWT uu isu abuuray lab iyo dhaddig ee bal halka aan falaarta ku wado ila eeg walaal, danbaa innoogu wada jirta e, mahadsanid!

 

FG: - Ararashada horudhaca qoraalka waxa ay la xiriirtaa qoraal kale oo aan horey u so bandhigay oo cinwaankeedu yahay "Insha Allah Qalbiga ayaa ii kaa jajuubaaya" waa sheekada 8aad, bogan baad ka helaysaa. 

 

GOGOL DHAAFKA ANSHAXA: 

Sida aynu garanayno qof guursaday oo reer leh oo qaldamay ama dhagarqabe ah ayaa sameeya waxa la yiraa "gogol dhaafka". Aniguna sababta aan cinwaanka uga dhigay ayaa ah in aan la mid dhigayo si aan u muujiyo anshaha bulsho haddii la reed maro dhibka iyo caqabadda uu leeyahay. Waxaan rajeynayaa in aad fahantay waxa aan kaga jeedo "gogol dhaafka anshaxa." Haweenka xagga shaqada iyo shaqaalaha ragga ah way ku dhib qabaan. Waxaad arkaysaa ayada oo lagu leeyahay "Waad cuntamaysaa maanta" calaashaan naag nin ku fekeri karo ayaad tahay. "Aaway walaashay kaalay shaah maad noo karisid?" Garo oo anigu walaalo is caawiya ma dhaliilsani ee mansabka shaqada iyo walaaltinimada ayaa kala laba ah, sida mansabka shukaansiga iyo kan walaaltinumadu u kala labo yihiin. Sidaa darteed baan ku masaalayaa gogol dhaaf ee indhaha wax ha laga arko oo xisku ha shaqeeyo.

 

Waa hubaal in aad iswaydiisay erayada aan qoraalkan adeegsaday mid ka mid ah ee bal aan kuu sharaxo. Waa kee? Waa ereygan #jaleelid" oo aan ku lakabay "Laxaw" waxaan ka keenay "Saca waa jaleelaa ama wuu jooganyahay" halka aadanuhu ka qooqaan. Waad fahantay baan filayaa. 

 

Ku mahadsanid akhrinta ee fadlan wixii afcelin ah ama faallo ah oo aad doonto la kaalay barta Foolbuug oo aan sheekadan dhigi doono. Haddii aadan fagaaraha doonayn waad iigu soo diri kartaa wixii faallo ah halkan: kulmiso18@gmail.com

Mahadsanid. 

 

Ugu danbayn waxaan ku afmeerayaa doodayda qayb ka mid ah maanso la magac baxday "Damac iyo Rag" maansadan waxaay ka midtahaay diiwaanka cusub ee silsiladaa deelaydaa qarniga 21aad. By: Galayr:

 

Deellayda maansada

Diiwaanka qoraniyo Iyo doodahaan furan

Iyo dirirka suugaan

Murtidaa dareenka leh

Dhalinyaro u daacada

Dalka iyo dadkoodaba

Ay daaddaheeyaan

Dadkuna ku diirsaday

Sida dirir gu,yoo kale

Ama dayr hagaagtiyo

Carigiyo dadkoo dhami

Dar allee ku doogsaday

Aan dareenka aan qabo

Danta iyo ujeedada

Dulucdana usoo dego

Damaca iyo tuugada

Dood iyo dagaaliyo

Dareenkiyo colaadaha

Ayaa dowlad li.idiyo

Dadku inuu is aamino

Derin wada fadhiistaan

Isu diiday shacabkoow

Waxaa dilay dalkeenii

Dabka shidaya abidkiis

Waa daalin iyo tuug

Doonaya kelidiis

Inuu baxo dabkiisoo

Dadka kale dhamaadaan

//::::::::::::::::::::::::::::::::::::::://

Maansada oo dhamaystiran ka dheego xarigan: 

 

 http://warsheekh.com/articles/4928/Damac-iyo-Rag-Maanso-ka-mida-deelayda-qarniga-21aad-BYGalayr

Kulmiso waa keydiso!

Dabac waa darajo oo qofkuu kuu galaa lala wadaagaa, bal qibradayda waxay i bartay in ragga badankood ay dumarka ku yihiin sida Hawtulhamagu uu iftiinka ku yahay!

Qof waliba intay gaadhay gooysaa. (Hiddo)

Sheekada 10aad

 

Waxaa la yiri afar nin baa walaalo ahaa. Nin wuxuu ahaa Caalin, ninna Geesi, ninna Deeqsi, ninna Abwaan. Afartii nin baa is qabatay. Waxay isku qabteen taladii reerka.

 

Caalinkii baa yiri, “Talada ha lay daayo, maxaa yeelay idinku caammaad tihiin. Nin caamma ihina waa nin indhoola. Aniga diintaan aqaan. Kolkaa waa inaad aniga talada ii deysaan.

 

Markaasaa Geesi kacay. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waa ogtihiinoo anigu geesi baan ahay. Nin alla ninkii soo duulana warankaygaas baan geliyaa. Haddaan aniga layga cabsanayna waa horaa laydin dhici lahaa. Kolkaas haddii aan anigu ahay ninkii idiin daafacaayey, dee waa in aniga talada lay daayaa.

 

Deeqsi baa soo booday, wuxuu yiri, “Bal horta aniga deeqsi baan ahay. Waxaad ku dhaqantihiinna waa gacantayda. Iyada ayaa ragna idinka jeedisa, xirsixidhna idin ah. Maantayna rag ayaa hunguri ama il idinku dili lahaa. Kolkaa waa inaad aniga talada ii daysaan.”

 

Abwaankii oo u dambeeyaa kacay. Wuxuu yidhi, “War hooy bal saddexdiinuba saddex nin oo loo baahan yahay baad tihiin. Midkiinna lagama maarmo. Waxaase jira saddexdiina ninba meel gaar ah ayuunbuu wax-ka-qabashadeeda yaqaan ee reer ma wadi karo. Wadaadow adigu hanuuniyaad tahay, Geesiyow daafacaad tahay, Deeqsiyowna sooraad tahay. Aniguse dhammaantiin baan ahay. Ninka isku kiin wadaa waa aniga. Cilmi waa maxay? Dee waa caqli la ururshey. Geesina? Dee ka dirira uun maaha ee dhul badanoo kalaa iyana geesinnimo u baahan. Deeqina aqoon bay u baahan tahay. War aniga talada ii daaya.”

 

Afartii nin way heshiin waayeen. Markaasay aguugeen oo wax kala saara doonteen. Degmay u tageen. Waa u warrameen. “War na kala saara.” Degmadii waxay tidhi, “Bal waa tahaye Beeshu libaax affarran bay leedahay, habeen walbana qof baa loo xidhaa. Dee awel degmadaa habeenba qof u xidhijirtaye, dee caawa haddii Eebbe idin keenay horta ninkii iska soo saara.”

 

Sidaa haddii la yidhi afartii libaax isa soo taagtay. Dadkii degmadana wayska dareeray. Hadday dhiillaabeen oo shib la yidhi:

 

Abwaan kacoo yidhi, “War Caalin, diin inagaga akhri.” Suu ye, “Maantaruu libaaxu leeyahayoo, soo dhaaf.”

 

Suu ye, “War geesi.” Suu ye, “Hubba ma sito.” Suu ye, “War Deeqsi!” Suu ye, “Qudheydaaba gaajaysan.” “Ma wada diiddeen? Bal hadda iga eega.” Libaaxyadii buu ku jeestay, “War waa afarta libaax annagu nin waa idiin soo saaraynaa. Ninkase cad la yidhaa ‘Johorad’ oo cimriga dheereeya ayaa ku jira. Bal idinkuna kii cadkaa cuni lahaa soo saara.”

 

Markaasaa gooshi soo booddoo tidhi, “Waa aniga.” Markaasaa aarkii dhirbaaxo qaadayoo dheg iyo dhaban fujiyey oo meesha ka tuuray. Say halkay isku qabsadeen. Cabbaar markay dirireen baa baranbarqadii yarayd e dhaddigeyd tidhi, “Waa ani.” Markaasaa yarkii kale dhirbaaxo qaadoo dheg iyo dhaban jebshey. Markii afartii libaax labiyo labo isu qabsadeen buu yidhi, “War haye hadda intay qaybsanyihiin ee is haystaan idinna geesta kala gala.” Markaasay dusha kaga dhufteen oo afartiiba dhinteen.

 

Dabadeedna degmadii baa soo baxday. Waxaa la yidhi, “War kiinnee shaqadaan fiican qaatay.” Waxay yidhaahdeen, “Abwaan.” Markaasaa la yidhi, Abwaanow lagu boqor; dunidana adigu u tali.” Halkaasaa Abwaan taliye ku noqday.

 

Xigasho: SEESKAH HIDDAHA SOOMAALIDA / The Basic Traditional Education in Somalia Somali Version MUUSE GALAAL MUQDISHO Ogost, 1969

 

Sheekadan waxa ay ka mid tahay suugaanta aan dugsiyada ku dhigan jirnay. Adiga akhristoow maxaa kaaga baxay? Fadlan igula wadaag fikirkaaga halkan: kulmiso18@gmail.com ama uga faalloo safxadayda Foolbuug ee aad ka soo dheegatayKu mahadsanid waqtiga aad gelisay akhrinteeda iyo waqtiga aad gelin doontid ka faallood keeda.

 

Abwaanka iyo Hal-abuurka Waa Inay Dihdaan Dawadii ku Duxi Lahayd Kashka & Laabta Walaalaha Is wada Dulmiyay.

Haddaan la isu baasin oo aan wax la isku aaminin, horumar hawadiisa waa in aan ka tanaasullaa sow noqon Mayso markaa?

SUMADDA SOOMAALINIMADA MA SAWDKAA, MA SAANTAA?

Sheekada 9aad:

 

Adduunyada casrigan aan noolnahay Soomaalinimada marmar baan is tiraa way luntay, markaas baad la kulmiysaa wax kuu kobciya oo ku tusa qiimaha ay kuu leedahay. Markasta iyo meel kasta waan aaminsanahay Soomaalinamadayda. Waxaase cajiib ah waxa isku soo aadiyay saakay oo safxadayda Foolbuug waxa ka dhacaya ay xoogaa yar rajadayda dureen iyo adeerkan aan la kulmay. Bal aan kula qaybsado saakay soomaalinamadayda naruuro u hilaacday oo sii xoojisay. Fadlan ha dhagaysan codka inta aad ka akhriso wada hadalka qoran. Sababta oo ah waa horudhaca iyo waayo aan u duubay codka ee aanan u duubin muuqaal. Wixii dareen iyo faallo ah waxaad igula wadaagi kartaa:kulmiso18@gmail.com.

 

Marka uu qof la hadlayo dadkiisa Waxa uu Adeegsadaa Afkiisa Hooyo! Maansada 1aad iyo araar badanba waxaa qoray Eng. Suleiman Isse oo noo sheegaya in ku hadalka Afka Hooyo uu muwaadinka waajib ku yahay.

 

Maansada 1aad:

 

Dal Waliba Af Buu Taam ku Yahay Lagu Tilmaamaaye.

Oo Ay Tixgeliyaan Waqood Teebka Ku Hayaane.

Innagana Wax Badan Baa Tagoo Tuuray Waa Hore e.

Sida Dunida Teebka U Qoree Tiriya Weedhooda.

Afka Hooyo Oon Laga Tagayn Taladu Weeyaan.

 

Maansada 2aad Waxaan ka soo xigtay Galayr Wadani oo magaceedu waa AF-SOOMAALIGAYGOOW, waxa ayna leedahay sidatan: 

 

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

Af-Somaaligeygow

 

Subag iyo sareediyo

 

Sixin iyo Udgooonoow

 

Salli iyo darmaa tahey

 

Saqaf iyo cir baa tahey...

 

Sumad iyo tilmaaniyo

 

Sawrac lay yaqaaniyo

 

Waxa tahey sadkeygii

 

Sahaydeydi baa tahey

 

Salaamaha dhambaallada

 

Sawdkeyga sheekada

 

Salawgeyga laabtiyo

 

Sirta aan qarsanayaba

 

Saaxiib Ilaashoo Iga saydhinbaa tahey !!

 

Wajigeyga saantiyo

 

Sawirkeygi baa tahey

 

Waxa tahey Sarreeyaha

 

Caalamka uga soocnaaa !

::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::::

 

Maxaan u soo xigtay maansooyinkan? Saakay (1da Oktoober, 20018) maxadada tareenka laga raaco xaafadayda markaan imid ayaa wada hadalkani aniga iyo Addeer X na dhex maray:

 

X: Haye...

 

Aniga: Haa adeer...

 

X: Waan ku salaamay.

 

Aniga: Waan kaa qaaday.

 

X: Ma iskuulkaad ku socotaa?

 

Aniga: Maya adeer ee shaqaan ku socdaa. 

 

X: Haa, waxaan mooday in aad iskuulka ku socoto oo yeeysan ku lug go’in baan islahaa, waayo anigaa ku soo lug go’ay.

 

Aniga: Sideey wax u dheceen?

 

X: Waan soo jarmaaday oo imid, kolkaa baa la ii sheegay in uu maanta fasax yahay iskuulku.

 

Aniga: Oo adeer miyeeysan markii hore idinku wargelin in aan isniinta la iman doodin?

 

X: Adeero arbacadii baa iigu danbaysay oo warbixintaa waan isi seegnay.

 

Aniga: Dhib malaha oo waad soo kacday oo hawo qaadatay, cabaar lugaysay marka waad uun faa’iiday. Adeer waxaan ku faraxsanahay in aan saakay kula kulmo, sababta oo ah dhalinyaradii baa qaar laga kari la’yahay iskuulada qabta, adiguna da’daan baad iskuul ku dhiganaysaa. 

 

X: Waa sidaa ee shaqadaadu ma fogtahay.

 

Aniga: Haa, oo looma lugayn karo.

 

X: Ma ilaa saddex maxaddo bay jidhaa?

 

Aniga: Maya ee way ka fogtahay. Saddex maxaddo waa loo lugayn karaa adeer. 

 

X: Waa runtaa. Ingiriiskii baa beri hore yiri Soomaalidu saddex u daran bay ku faantaa...

 

Aniga: Adeer ma duubi karaa si haddii nuxur ku jiro aan bulshada ula wadaago.

 

X: U malaymahayo in ay micno samaynayso.

 

Aniga: Ka waran haddii aan duubo oo aan hadhow go’aan ka gaaro in aan wadaajinayo iyo in kale.

 

X: Sawirkeyga maya!

 

Aniga: Uma baahna sawir oo codka ayaan doobi karaa. Canjaladihii aan isticmaali jirnay sow ma xasuusatid. Sidaa oo kale haddii aan codka duubo ka waran?

 

X: Hagaag.

 

Waxaan bilaabay markaa duubidtii... hadda dhagayso dhawaqa adeer X. 

 

W.Q. Luul Araweelo

1-da Oktoober, 2018

Oslo - Norway

 

Mawloow mahaddaa in aad saakay ila kulmisay waayeel wax garad ah 🙏🏼🙏🏼🙏🏼🙏🏼

InshaAllah Qalbiga ayaa iikaa jujuubaaya...

Sheekada 8-aad

 

Fadlan adiga oo aan shaqsiyada shaqsiga gelin waydiimahan iyo warcelintan wax miyaad ka bedelilahayd? Marka hore wada akhri, ka dib ila wadaag aragtidaada oo hufan oo iigu soo dir: kulmiso18@gmail.com. Mahadsanid. Wada hadalkan waxa uu ahaa sanadkii 2016, 12-kii bishii Oktober.

Sidan ayuu u dhacay wadahadalkii:

 

Abbaayo: Ma qaban karo ee fadlan qoraal igula wadaag maxaan kaa caawiyaa.

 

Abboowe: Waxaan rabaa inaan ka mid noqdo bahdaada Facebooka.

 

Abbaayo: Welcome.

 

Abboowe: Run ahaantii aad ayaan u mahadsantahay aqbalkaaga. Waxaana tahay qof yaqaana Xushmada qofka bani adamka ah.

 

Abbaayo: Taas laga siman. Abboowe: Maxaad haysaa adiga?

 

Abbaayo: Noloshayda iyo wacyigeeda.

 

Abboowe: Haa, adoo iga raali ah xaas miyaad tahay?

 

Abbaayo: Maxaa jiro, barashada walaaltinimo miyaay kaa xanibaysaa. Haddii aan xaas ahay iyo haddii aannan ahayn maxay micno kuu samaynaysaa?

 

Abboowe: Wlh abaayo qofku haduu yahay xaas hadalada qaar waa in laga ilaaliyo, midda kale hadii qofku uu kaligiis ah aad is barataan waad la kaftami kartaa waxaad rabto ayaad dhihikarta ina adeer.

 

Abbaayo: Haddaba waa kaaga rayi dowanahay taas. Qofku waxa uu rabo ma dhihi karo dumarka xaas iyo xaas la'aan. Qofku shaqsiyaddiisa ayuu u leeyahay karaamo in lagu tixgeliyana waa anshaxa wanaagsan. Gabadha xaaska ah ma ninkaa lagu xushmayn? Ayadu iskeed uma qalanto oo xaq uma laha miyaa tixgelin aan loogu dugaashan shaqsi kale.

 

Abboowe: Xaq way u leedahay abaayo sax, laakiin sheekada ayaan kawadaa... Aniga dumarka agtayda aad ayay ugu waynyihiin ama hanoqoto xaas ama yaysan noqon. Adigu waxaad tahay walaashayda igu qaaliga ah. Fikradadunna waa ay i qanciyeen.

 

Abbaayo: Hagaag. Haddaba xaas miyaad tahay ku bedel in aad sheegto danta aad leedahay si jawaab waafi ah aad u hesho. Xaas maa tahay waxaan ku bedelilahaa, waa haddii damac jiro, "ma kula sheegaysan karaa damac baa ii kaa galay e."

 

Abboowe: Kkkkk Wlh Qatar ayaad tahay waxaa layiri allaw qof fahan dheer wax noogu dar. Waad asiibtay. Sharaf ayaad leedahay. Hadda maxaad ileedahay...

 

Abbaayo: Ma adigaa su'aal i weydiiyay...

 

Abboowe: Adigaan kuu socdaa waxaanna jeclaystay innaan kula sheekaysto.

 

Abbaayo: Waa mahadsantahay lakiin aniga ma doonayo taas ee ka raali noqo oo candhuuftaada dib u liq. Mahadsanid!

 

Abboowe: Wallee waa kaa helay, waa ku dabo joogaa ee codsigayga igu qaad.

 

Abbaayo: Saan kuu sheegayba kuma jiro taas. Hadaad qaadato iyo haddii kale doorashadeeda adigaa leh, sida aan aniguba doorashadayda u sheegtay.

 

Abboowe: Waan kugu dadaalayaa, dadaalaanna wuu guulaystaa, si kastaba... waana kuugu imaandoonaa magaaladaada.

 

Abbaayo: Oo markaa ma boolis iyo wax i jajuubaad keeni? Saa anigu isu hadlaye...

 

Abboowe: InshaAllah Qalbiga ayaa iikaa jujuubaaya...

 

Abbaayo: Good luck then!! Insha Allah wax i jajuuba Ilaah i badi maayo e.

 

Abboowe: Ok nasiibkayaga adiga waaye xbbb Dhammaad Bal adba akhrisaye - Maxaa kaaga baxay?

 

 

 

Dhammaad.

 

Sidaan ku sheegay tusaalihii aan idinkula wadaagay sheekadii 6aad, ragga badan kood waxay iska dhaadhacsiiyeen quraafaad ah in ay gabar kasta ka keensan karaan in ay ogolaato, waxay rabto ha sheegto ayadu. Gabadha waxay u arkaan hanti ay leeyihiin, sidaa darteed ragga kale waa ay u dhowrayaan hantida ninka kle. Sida sheekadan aad ka aragtayba. Ragga noocan ah waxaan leeyahay:

 

Hugunkiinaa baxayoo hoogay dhaamine

Horor iyo waxaad ku dhakhan tihiin haadda qaarkeede

Hoheey is jir iyo waano dhegihiinu ma maqlaane

Hablaha dulqaadkoodaad doqonimo moodaane

Heehaab mooye hilin toosan maba aad haysaane

Hooyaan ahiyo mid hilib kuugu yaallee

War hooy! Intaan daarta aakhiro,

Lagu wada dacwoon Daa`inkeen hortiis,

Isxisaabiyoo daa`inkaa ka yaab!

Intaayoo deel qaaf ah kuwa ii diroow

Daa`inkiin ka yaaba!

 

Dumar waa duul kula midoo duriyad Eebbaahe,

Dulmi iyo dagaal waxaad ula gashaa waa daciifnimadaaye,

Dar Allaan idinku dhaariyee Daa`inkiin ka yaaba!

W.C. Kulmiso

 

Xaqiiqdii xaaladaha Xaawaleey lagu la kaco waa kaaf iyo kala dheeri markaan . Inta aan arko inta igaartaa la mida. Dumarkii garab la`aan bay meel walba ku gumaadan yihiin. Guusha Guulaa baxshee dumaroow dulqaad dugaashada Daa`in waa keliye. Koonkaan ku dhalaniyo kuwaan la dhalanay baa dhalanteed mooyee dhur kale dhaayo ka karkayne, Ilaahaan idinku dhaarshee aan u isaga diir naxno, waa dadkeeniiye. Balse xaqeeniyo darajada Eebbe innagu manaystay waa in aan u dirirraa oo sinnaan caddaalad leh ku doonnaa. Mahadsanidiin

 

W.Q. Luul Araweelo

1da oktoober, 2018

Oslo - Norway

HOOYO WAA TARID* (Q. 1aad)

Sheekada 7aad

 

Tareenka nololasha toobiyihiisu hadba taag ku talaabsay. Waxaan ahay curadda hooyaday, waxaana curad ii noqday yaraankii hooyaday (Deeq). Marki aan guursaday yaraankii hooyo waa ila soo guuray oo igama harin. Hadda waxa aan ku noolahay qurbaha.

 

Qoysku waa aniga, saygeyga iyo Deeq oo curad noo ah. Waxa Eebbe nagu irsaaqay ilmo calool galay oo aan ka war dhowrayno wiil iyo gabar waxa uu noqon doono. Tagnoolijo saadaalin ku sheegta jinsiga cunugga inkasta oo ay jirto, haddana waxa aan doorbidnay in aan xiiso ku sugno inta cunuggu ka dhalanayo

 

Waxa ay ahayd subax aroor ah marka fooli soo cagadhigatay. Deeq oo markan dhiganayay dugsiga hoose ayaan iskuulkii u diray, aniga oo is celcelinaya. Cabaar ka dib waxa aan aadnay isbitaalkii la ii qoondeeyay in aan ugu dhalo. Waxay ahayd ku dhowaad 6da makhribnimo, bishii Janaayo 4teeda, sannadkii 1995goor ay saacadu ahayd 5ta iyo 47 daqiiqo markii Qaadirku i kala keenay oo aan ku bishaaraysanay gabar noo dhalatay.

 

Farxad ayaan ku qaabilnay gabadha. Gadaalna waxaa loogu waqlalay magaca ah Ramla. Aniga nuujintu waa igu cusubtahay  balse in aan nuujiyo gabadha noo dhalatay waa u heellanahay, inkasta oo doorka hooyonimada aysan i barayn gabadhu oo aan taas ku hantay Deeq ayada horteedHaddana xiiso ugub ah ayaa na haleelay dhammaan. Deeqna gacanyaro buu noo noqday oo waxa uu u eg yahay in uu nooga xiisa badanyahay gabadha dhalatay. Wax badan «hooyo cunug iga yar dhal» waa uu yiri, balse hadda ugu danbayn qof ka yar baa dhalatay.  Wadanka aniga iyo asiguba waa ku cusubnahay. 

 

Carruurta waa kuwa horaantaba la qabsada barashada afka ku cusub, aniguse Noorwiijiga sidaa uma aqaanDalka waxaan joogaa sannad keliya. Labo bilood aniga oo dhigtay afka ayaan uur yeeshay. Waxa aanan nasiib u yeeshay xanuun iga xanibay sii wadashada barashada afka. Balse TV-ga iyo Maqaallada ayaan isku tijaabiyaa oo erayga aan fahmi waayo waxa aan waydiiyaa sayga. Waxaan ku jirnaa nolol rayrayn iyo farxad salka ku haysa. 

 

Culays caafimaaddaro ah ayaase soo kordhay oo aniga iyo Ramlaba na saameeyay. Waqti yar dabadeed waxa i haleelay caabuq/infagshan iga galay ugxansidayaasha midkood. Waxa lagu sheegay cudurka i haleelay TB. Waxa la ii bilaabay dawooyin culus oo mudo sannad ah soconayay. Jeerkaa baa la i faray in aan cunugta naaska ka joogiyo.

 

Naasku waa nafaqada ugu fiicaan oo sebi helo. Kaaga daran e difaaca jirka cunugga madaama uusan samaysmin ka hor dhalashada, hooyada difaaceeda ayuu ilmuhu la qaybsadaa oo caanaha naaska ayuu ugu gudbaa. Caafimaaddaradayda darteed Ramla ma aysan calfan ka badan saddex bilood in aan nuujiyo. 

 

Dawooyinka lagu dilayo jeermiskan oo culus dartood waxa dhakhaatiirtu igu wargeliyeen in aanan nuujin karin gabadha oo xataa in aan uur yeesho aysan ahayn. Xilligaa waxaan cabsanahay quraafaad oo ma ii cuntamayso in aan qaato dawooyinka kahortagga uurka. Waxaan ugu marmarsiyooday in aan shaqsiyan ka soo horjeedo ka hortagga uurka. Aad bay iigu caqli celiyeen, waxa ayna ii sawireen in haddii ilmo calooshayda galaan aan mas`uul ka hay dhimashadooda. Waan garawsaday oo aqbalay in anneele/faraanti hormoon ah la ii geliyo, sakaniiniga waa ka bacaysanahay e. Markii la isku dayay ayaa waxa la ogaaday caabuqii TB-du in uu nabar ka dhigay agagaarka ilmo-galeenka oo dhan oo afkiisa xanibaadi ka jirto. Amar Alle ee ilmaba kuma beermi karaan sida makaanku ku suganyahay baa la yiri. Haddii aanan yeelli lahayn dhakhtarka taladiisa malaha ciladdan lama arkeen. Alaahu waclan. Waxaa la ii diray qaliin si loo soo nadiifiyo makaanka, afkiisana  si waadax ah loo soo furosi uusan u awdmin. Mahad Alle ee la samee oo anneelihii la ii soo geli. Lakiin kaalay xiskaygii ka qabo quraafaadkii. Muddo ayaan is adkeeyay oo xiska la dagaalay. Ugu danbay wuu iga xoog badiyay, markaasaan inta taw iri oo ku laabtay dhakhtarkii u sheegay cillado aan jirin, si uu iiga saaro anneelaha. 

 

Dhakhtarkii howraarsan i yiri oo iga saar anneelihii. Waxa uuse i faray in aan qaato kaniiniga ka hortagga uurka. Hagaag ku iri oo soo qaatay warqadii rajeetada ahayd oo kaniiniyaasha lagu qoray. Bannaanka marka aan imid ayaan qashinka ku daray warqaddii aniga oo la hadlaya Ilaah oo leh ”Ilaahow adaa naf walba ka masuul ah ee riximkeyga ha ku beerin ilmo, marba hadduu dawada caabuqa lagu dilayo ay u tahay sun ilmaha”. Waana ka dhaqaajiyay. Dhakhtarka ayaan koontarool u tegi jiray si loo la socdo dawada iyo xaaladdayda caafimaad. Umana sheego runta ah in aan tuuray oo aanan gadan kaniiniyadii. 

 

Calaakuli xaal caafimaad baan helay, balse dawadii waan sii wadatay illaa xilliga loogu talagalay aan u dhamaystay. Markay ii dhamaatay oo la iigu bishaareeyay in aan gebiba ka bogsooday Tb-dii ugxansidka iga gashay ayaan noloshaydii kale iska sii watay.

 

Labo iyo bar bilood kadib dhamaystirkii dawada ayaa waxaa habeen xanuunsatay Ramla. Annagu markan gaari ma lihin oo waxa aan raacnaa BL-ka. Aniga iyo saygayga ayaa Ramla u kaxaynay Xarunta Gargaarka Degdeg ah oo innoo jirta meel tareen loo raacayo. Gaarigii ilmaha ayaan soo saaraynay Ramla. Sayga ayaa riixaya gaariga, anna waan reed socdaa. Waxaa igu soo dhacay in aan ka soo tagnay masaasaddii caanaha, markaas baan dib u laabtay anigu si aan u soo qaado. Waa xilli qaboobihii oo carra edeg waa wada baraf. Mar aan goolladii tareenka soo galay ayaa waxaa ii muuqday tareenkii oo soo gelaya maxaddada aan ka raaci rabno. Orad baan u tafo xaytay. Xaysa kuugu taal, dhul wada sagxad ah ayaa inta luguhu ii siibteen baan cirkaa ka soo dhacay. DAM! Ilbiriqsi baan haf ku ugu istaagay, saa qalbigayga waxa ku taagan haddii tareenku idinka tago nususaac kale baad sugaysaan oo qandhada Ramla baa maankayga ku guntan. Saygii oo aan war hayn baan u imid oo ku iri ”inna dhaqaaji”. Tareenkii ka gaaray oo fariisanay. 

 

Gacan baase dikaan bilowday oo aan tuutuujinayaa. Sayga baa i waydiiyay sida ay wax u jiraan iyo sababta aan gacanta ugu mashquulsanahay. Warba isuma hayn ee waxaan u sheegay wixii i soo qabsaday. Xaruntii baan gaarnay oo qaybta carruurta lambar-saf u qaadanay. Sayga oo ka welwelsan gacantayda ayaa igu yiri ”Aniga iyo Ramla waa isku filannahay ee orod oo qaybta jabka lambar-saf u qaado, si aad gargaar u hesho haddii dhaawac jiro.” Yeelay oo safkii galay.

 

Ilayn gacanta markii aan dhabar-dhabarka dhulka ugu dhacay ayeey walfatay oo dam ku dultiri daboollada xadiidka ah ee bullaacadaha wadooyinka, aniguse ma ogi oo Ramla ayaa xiska iga haysatay ee markaan soo laabanay baan eegay halkii aan ku dhacay oo arkay dabolkan xadiidka ah. Waxay raajadii tustay in calaacasha lafaha yaryar oo ku jira ay qaar baduug noqdeen. Jeeso ayaa gacantii ka bilow calaacasha ilaa iyo dhudhunka lagu soo qafilay. Mahad Eebbe in ilaa balbalada aan jeesada la iiga tiqtiqin ayaa nasiib ahayd. Gacanta middig bayna ahayd oo waad garan kartaa caqabadda ay igu ahayd in ay iga xiran tahay. 

 

Waxaa la igu wargeliyay in lix asbuuc ay jeesadu gacanta ku qifilaan doonto. Ramla wax sidaa ah maba hayn ee malaha aniga ayaa la ii dawdawsiinayay qadartan Alle oo isugaysay. Xaafaddii baan ku soo laabanay. Asbuucyo kadib ayaan iswaydiiyay ”kaalay aaway caadadii?” Saan isu sheegay ”Malaha waa deeq Eebbe in ay maqan tahay”. Sababta oo ah Soomaaliya waxaan maqli jiray ”caadadu marka ay haweeney laf ka jaban ku dhacdo, lafuhu durba uma kabmaan oo waqtiga ayaa ku dheeraada”. Waaba ku farxay maqnaashaheeda markaas. 

 

Maalmahan waxa aan lahaa ballan koontarool ah, dhakhtarka ayaan ballantii ugu tegay. Waana ku wargeliay in aanan ku dhowaad labo bilood caado helin. Waxa la iga qaaday tijaabo natiijadeedi noqotay ”Luul uur baad leedahay!”

 

Nolosheenii baan iska sii wadanay. Dad wadanool hadda waa aadane oo sidii carrabka iyo ilkaha ayeey marba maalin isku dhacaan e waa isqabqabanaa aniga iyo saygaygu. Waxaan caadaysanay marka aan kala xanaaqno in uu midka hor seexda ma ahane kan kale fadhiga seexdo ama carruurta la seexdo. Waxaan ka dhiman jiray in aan ”caro” aqalka uga baxo. Sababta oo ah yaraantaydii ayaan nidar ku galay - haddii aan guursado in aan inta caroodo aan la isoo caro celin oo aysan qofna ogaan qilaafka aniga iyo saygayga noo dhaxeeya. 

 

Waxa macquul ah in aad iswaydiiso ”yaraanteedii maxaa haleeshiiyay in ay nidarkan isla gasho?” Haddaba iga dhagayso. Waxaa jirtay gabar abtigay dhalay (AUN) oo malaha bil walba caroon jirtay oo abtiyaalo u soo go`gol fariisan jireen arrinka ayada iyo saygeeda si loo gorfeeyo. Marmarka qaar qilaaf kale ayaa ka dhalan jiray isu imaadyadan. Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo bangiga dhexe (Silsilade-wayne) ka soo qaaday lacag caddaan ah oo ay hooya iiga soo qaad i fartay, baan imid ayada oo abtiyaashay ku xoonsanyihiin baqaarka hortiisa. Hore ayaan ka gartay xaajadu waxa ay tahay. Markaan soo ag istaagay ayaan fahmay in garashaydu sax ahayd markaas baan kor u iri ”Ilaahoow oday ha ii guurin, dhib badanaa odaygu”, sidaa markaan ku dhawaaqay ayuu mid abtiyada ka mid ah, Ilaahoow kuu naxariiso, igu yiri ”Abti sidaas ha dhihin ee dheh ”Ilaahow nin daran ha ii guurin” saa marka ay labadoodu isguursanayeen isna oday ma ahayn, ayana habar ma ahayn ee labo dhalinyaro ah bay ahaayeen e.” Taladan iyo taariikhda ina abtiday baa i haleeshiiyay hab maamulka lamaanaha iyo xog kaydsashadeenaba. Marka aan hishiino waa hishiinay marka aan isqabano qaacidadaas baan raacaynay aniga iyo saygayguba. 

 

Waxaa dhamaaday shintiriskaygii oo la gaaray cuddaddii la ii qabtay, markaas baa fool soo cagadhigatay, xilliguna waa hiiro. Isbitaalka ayaan tagnay. Saacadihii foosha waxa ay soo afjarmeen 5ta iyo 29 daqiiqo, bishii agoosto 22kkeedasannadkii 1996. Farxad kale waxaa Allah noogu deeqay gabar caafimaadkeedu taam yahay oo loogu waqlalay Ridwan. Farxaddase waxa ii dheeraa jir tabaaleysan oo ”uur, jiro iyo uur” isu dabogaleen. Waxaan yaqiinsaday in uusan caafimaad iigu jirin in aan jaanis kale qaato oo hadda uusan jirkaygu ka bixi karin uurkale.

 

Quraafaadkii ahaa ”kaniiniga ka hortagga carruurta waxa u ku dhegdhegaa minka oo ka dhigaa shabaq” waa ka jaahil baxay markaan. Waxaan go`aan saday in aan dalbado kaniini ama anneele mid uun si aan jirkayga ugu naxaiisto.  Markan luuqadda waan isaga filanahay, waloow aanan isleeyahay iskuul sare ku dhigashadeed ma garsana. Waxaanse isku haleeyay nuujinta Ridwan oo waxaan maqli jiray ”inta aad nuujinaysid, uur ma qaadaysid oo nuujinta waa gaashaan”. Waase beenowday. 

 

Saddex billood oo keliya marka ay Ridwaan jirsatay ayaan xanuunsaday oo u tegay dhakhtarka, kolkaas iigu bishaareeyay in ”uur” aan leeyahay. Ma ku talo jirin lakiin waan qaadacay oo Alle talo saartay. Uur iiga dhib badan ama iiga danbeeyay uurkan ima soo marin. Waa Mowlaha mahaddiise waxaa Ilaah noogu deeqay wiil, kaas oo noo dhashay saqmar xilli Saacaddu ahayd 3-da habeennimo, bishii 9aad 12-keedii sannadkii 1997-kii. Waxa aanan ugu magac darnay awoowihiis aabbe oo Xuseen baan ugu magacdaray. 

 

AKhristoow qaybaha kale ee sheekadan halkaa baan uga harayaa ilaa aad ayada oo buug qoran ah, aan idinla wadaago. Qaybo kale oo taariikhnololeedkeyga ah ayaan si goosgoos ah idinla wadaagi doonaa Insha Allah. Waxaadse ogaataa qayb walba ood boggan ka akhrisay waa sida qaybtan oo wax badan baan kala haray. Cinwaankase waa soo noqnoqon doonaa haddii Eebbe yiraahdo. Ku mahadsanid akhrinta. 

 

F.G: *TARID (DA) = 1. Karti wax lagu sameeyo lahaan. 2. Wax loo baahan yahay cid siin; u gelid. 3. Waxtar lahaansho. 4. Wax xun ama wax san cid gaarsiin.

 

W.Q. Luul Araweelo 

Oslo - Norway

Agoosto 14, 2018 

Hussein, Deeq, Ridwan & Ramla ❤️❤️

To you #DearAboowe and #DearAbaayo

Sheekada 6aad
 
Bismillah, #DearAboowe and #DearAbaayo, I want to share with you today my thoughts about our relationship. We love each other, no doubt about it in my heart and mien. But we believe that we hate or do not like each other. I think it isn’t what the case is about. 
 
The problem is how we connecting to each other and how we communicate between #DearAboowe and #DearAbaayo or between children and parents, seniors and praises, without connections to the case we are involved itself. I will show you examples from conversations between #DearAboowe and #DearAbaayo, but remember this is examples that you can add any situation. 
  
#DearAboowe and #DearAbaayo after you read the example please come to the point in every situation you are connecting to people and please don`t answer what isn`t a clear caution. We are in conflict in every way and every time because we think that we are talking to each other, but we talk to our 
thoughts and ourselves in the same time and same place we are together. 
 
Wada hadalkan 2014-kii ayuu Aniga (Aby) & Aboowe (Abw1) na dhex maray. Walaalka wanaagsan oo wanaag doonka ah xataa hadalkiisa ma qayaxna. Dantaada haddii aadan afka ka caddaysan ee iska garo tiraa sow ibtilo ma aha. Bal ila akhri:
 
Abw1: Salaam sis
 
Aby: salaam 
 
Abw1: Ru still busy 
 
Aby: waqti waan hayaa 
 
Abw1: How`s life 
 
Aby: Alx, How`s yours 
 
Abw1: Great… What about seedi and kids 
 
Aby: Why u ask 
 
Abw1: Just that is part of ur life 
 
Aby: I think “How`s the family” is part of ur life 
 
Abw1: Ok, if you like that way 
 
Aby: It`s not what I like it`s the way it should be 
 
Abw1: That`s the way i chose to ask ppl …by the way it`s ok… Martida waad u 
darantahay, difaac iyo lock aa isugu dartay, 
 
Aby: Ma garan halka aan Lock geliyay. Difaacu wax xun ma aha. Waxaan aqaan se hadalka kan qayaxan iyo kan maldahan. Hadalkaadu waxa uu ila ekaa mid maldahan. Maldahaada si aan uga saaro baan ku weydiiyay "maxaad ii weydiisay su'aasha" Hadalkeyga ayaa sida ah baad iigu jawaabtay. "Waa gartay" hadalka keliya oo ii furun baan u arkey!
 
Abw1: Sorry abaayo mcn ma jeclayn sida aan u fahmay oo ah qaab aan fiicneeyn ma lagu qabaa, garoob, gabar iyo wax la mid ah inaan ku waydiiyo. trick question balse sorry 
 
Aby: U see. Waxa kula xun ayaa jidkii saxda ahaa ka ag dhowyahay. Yes! "Haddii aad tiraa gabar, garoob, maa tahay mise waa lagu qabaa" Markaas xataa waxaan ku weydiin la'haa sababta aad ii weydiisay! 
 
Abw1: kkk Meel walbaa… Waaba I daalisay saad ii ceyrinaysay 
 
Aby: Kkkk not meel walba… Balse weydiin walba ulajeedaa ka danbeysa… Sidaa darteed waa in la sheegaa sababta la ii weydiinayo. Haddii wax sabab ah oo ka danbeeyaahi aysan jirin.... Su'aashuba jawaab ma laha markaa.... 
 
Abw1: Damac haduu iga kaa soo galo … 
 
Aby: Haddii uu iga kaa soo galay soo bannaan dhig, si aad jawaab waafi ah u heshid.
 
Abw: Seefta bannaanka yaah...
 
Aby: Miisanka ayaa ka dhumaya warka maldahan… Lacalla ka warran wax la yiraa wada hadal uma aqaani ani.
 
Abw1: Maxaa xal ah hada bannaankaan aan is keenay e.
 
Aby: Ani su'aal leen arkay oo ahayd "haddii damac i galana" su'aal maa isku soo bannaan dhigtay? Mise wax baa iga hoos baxay... 
 
Abw1: Yes, haduusan dooq iyo damac aanayn jirin juuqba ma dheheen.
 
Aby: Mahadsanid. Anaa kaa qodqoday ee wax ii ma aadan sheegin ...KAFTAN 
 
Abw1: kkkk … U r right… indho adeegga aa aigu yar.
 
Aby: Sorry markaan dhabta ka hadlo shukaansi kuma jiro, lakiin walaalkey soo 
dhawaaw. Jidka aan kuu furay oo indho adeegga ah isticmaal hadda ka dib. Waadna ku mahadsantahay damaca, inkasta oo aanan waxba ka qabanayn anigu.
 
Abw1: Why wll… Haddaadan xiriir lahayn, maxaad igu diiday?
 
Aby: FB wax kama shukaansado! Waana mab’da ii yaalla oo in la tixgeliyo u baahan.
 
Abw1: Abaayo qof walbaa soo galo FB, qof walbana aqlaaqdiisa iyo dabeecadiisuu la 
joogaa fc iyo bulshada... barasho horteed ha I nicin.
 
Aby: Barasho horteed ha i nicin waa war wanaagsan lakiin mab’da na miisaaniyadiis leh! 
 
Walaaltinimo ku soo dhowaaw! Shukaansigana meel kaga tag. That is my final:-) 
 
Marka aad akhrisay wada hadalka msxaa kaaga baxay? Aniga waxaa iiga baxay in ninka soomaaliga ah uusan qaadan karin haweenay / gabar madax bannaan ayaa ku diidi karto. Gabadhu miyeeysan dooq, damac iyo doorasho lahayn? Ma igu dhaantaa oo ma ii sheegi kartaa sababta gabadha loogu sifeeyo mid aan maankeeda ka socon karin? 
 
Maalin anaga oo xaafadda joogna ayaan u yeeray gabar aan dhalay, jawaab markaan ka waayay baan codka inta aan sare u qaaday ku celceliyay magaca gabadhayda. Saan jabaq ka waayay, kolkaas baa ku qayliyay “Hooyo sow i maqli maysid? Intaan kor imid.
 
Markaas bay iigu warcelisay “Hooyo waa ku maqlaa, lakiin ma ku dhagaysanooyi!”  Casharka iyo biyo dhaca hadalkayga ayaa ah: #DearAboowe and #DearAbaayo aynu is dhagaysano oo aanna ismaqal oo keliya, mahadsanidiin, kuna soo dhowaada tixgelin iyo kalgacal walaaltinimo. 
 
W.Q. Luul Araweelo Kulmiye
Oslo - Norway 
2014

 

Sida shaxdani muujinayso in aad aragga kalarada ku kala indho dheerahay baan noloshaha qaybaheedana ugu kala indho dheerahay sow lama dhihi karo?

DHIMIR KA DOOB

 

Sheekada 5aad

 

Soomali ayaa hore u tiri Shan xun ayaa dumarka lagu helaa: Sowd xun, socod xun, surun xun, saacad xun, iyo sabo xun”. Intan ayaa waxaa iiga baxay sawir. Bal haddaba aan idinla wadaago sa wirka halkaas iiga baxay ee aan u arkay lama-dhaafaanka.

 

Waa habeen ay taariikhdu tahay saddexda abriil, 2012.Waxaan ku jeedaa magaaladii Xamar oo aan labaatan sano moogahay. Waxaan ku suganahay madaarka Istanbul ee carriga Turkiga. Inta wax kulmisa marin ayaa u badan e, labanin oo Mareykan ka yimid ayaan bartii ku kulannay cabbaarna waan sheeekeysanay. Markii diyaaradda la galay ayaan mid labadii nin ka mid ah deris ku noqonnay laba kursi oo isa saaran.

 

Safkiiba waa saddex kursi. Kii kale, si uu noola fariisto ayaan qofkii safkeenna fadhiyay ku niri Walaal saddexdeennu waa isla soconaaye, ma noo bedeli kartaa kursiga.” Hagaag” buu yiri. Sidaan rabnay ayey noo ahaatay, waxaana noo bilaabatay sheeko & maad. Wiil safka naga danbeeya fadhiyay ayaa ila hadlay oo igu yiri Raali adiga oo ah, wax ma ku waydiin karaa?” Soo daa baan iri. Saa yeen Shamso Xuseen Taranbi maxaa kuu galay?” Aniga oo dhiifoon baan ku iri Maxaad igu waydiisay?” Suu yiri In lagaa jaray baad mooddaa, si aad ah baad ugu eg tahay.” Intaan qoslay ayaan u sheegay in aytahay ina adeertay. Kolkaa buu yiri Anna eeddaday baad tahay, markaa.” Waan is garannay oo waxa uu noqday wiil uu dhalay ina adeerkay. Waa waxa aan ka dhaxalnay kala firirka colaaddu na badday. Labadii safka la fadhiday wiilka aan eedddada u noqday baa sheekada macaansaday oo ayagunanagu soo biiray. Safkii naga horeeyayna waa soo jeesteen oo waan wada qoslaynaa. Waayo waayo iyo taariikh nololeed baan wada qaybsanaynaa. 

 

Saf kale oo ay dhowr kursi noo dhaxaysay balse naga horreeyaayaa waxa ka istaagay oday ger gaduudan. Odaygu marba si gaar ah ayuu noo soo qooraansanayaa. Dhowr mar baa indhaheennu isku dhaceen. Si baan mararka qaar u il-dheerahaye, sow wax isma tusin oo raggii aan wada cawaynaynay kuma aanan dhihin Bal ila arka odaygaa.” Say inta igu qosleen bay yiraahdeen Maxaan ka eegnaa oo aad ku aragtay?” Waxaan u sheegay odayga in damac galay oo uu mooday qosolka in ay ayagu xodxodsi iiga keenayaan.  Luul waalida innaga daa, maskaxdii qurbaha fiirfiirinta ku soo baratay meel innaga dhig sow kuwan yiri asxaabtii. Idinkaa arki doona ee warkayga meel ku dhiga ayaan ka dalbay.Sheekadii baan iska sii wadannay. Odaygiina sidii buu noo il-xadayaa, waana lagu wada maqan yahay markan. 

 

Sow kan fag soo yiri ee na soo dul istaakay odaygii. Raggii baa yiri Haye adeer ma soo sheeko doonatay?” Suu yiri Ragma kala liitee, gabadha qosolkeeda baa i keenay oo waxaan kuimid ma ayagaa kaa ragsan, maad docdaada ka gashid, kiiroon baa inanta u hariye!” Kuraastii bay ka daateen oo igu soowada jeesteen, iyaga oo leh adigu jinni maad tahay, sidee kufahantay odayga?”.

 

Waxaan u sheegay in aan Soomaaliya ku soo barbaaray oo dhaqankeenna aqoon buuxda u leeyahay. Dhaqanka ragga Soomaalida si fiican baan u dersay. Ninka waxaa ku jirta, haddaad gabar la sheekeysato qalbigeeda ayaad soo jiidanaysaa oo way ku oggolaanaysaa” Waa halka ay kaga maahmaahaan Kas naageed oo kadaloob rag kaaga danbeeyay, kaad ogayd maaha” Rabitaanka gabadha ragga miisaan umaba saarna. Ninkii ay waqti siiso ayaa hanan kara iyo hadday kuu qososho waa astaan rabitaan, ayaa ka mid ah quraafaadka uu qaar maskaxda ku dhisto. Soomaalidu waa tan tiraa waxaad u baratay waa baaskaa”. Odaygase in uu arrinkkiisu sidaas yahay ama in uu ogaal u leeyahay ma hubo.Waxaanse hubaa in  rag badan dhaqan guracan oo ay laabta ku sitaan oo aan da` hakiso lahayn dartiis ay qalbiga ka wada qooqan yihiin. Raggii ila joogay qosolkoodii iyo xifaaladii ay aniga igula kaftamayeen ayuu odaygu boos ka waayay. Cabbaar marka uu na dultaagnaa buu iskaga laabtay kursigiisii. Inteenii kalena qosolkii baan ku gaarnay Xamar. 

 

Asxaabtii oo weli la yaabban sida aan odayga ku gartay in uu dhimirka ka doob yahay ayaan gegida dayuuradaha isku macsalaamaynay. Waxa kale oo aan odaygan dhaqankiisa kusifeyn karaa hadda oraahaha kor ku xusan qaar ka mid ah, balse aan idinla wadaago marka hore sifada laga qoray shanta xun ee dumarka lagu helo. Waa sida loo dhigay e: Sowd xun, socod xun, surun xun, saacad xun iyo sabo xun. Bal ila arka:

 

Sababta oo ah adiga oo aan shantaa dhaqan ee ragga badankii ku dhibka ah aan samayn way adagtahay sida aad ku hesho gabadh. Tusaale ahaan dumarku waxay kaa rabaan hadal xun oo xishood la’aan ah iyo in si aan dabool lahayn aad ula kaftanto, oo waxaa la yiraahdaa naagi xishood-darro kaagama tagtee adigu ha uga tagin. Socod xunna waa lagu helaa oo waxay kaa rabtaa in aad xilli aadan socon jirin aad u socoto.Surun xun way kaa rabtaa oo jid xun oo aan kuu qalmin oo luuq-luuq in aad u marto way kaa rabtaa. Goor aanay dadkusocon oo maalin gelin dhexe ah habeenna gelin danbe ah way kaa rabtaa. Sabo xunna way kaa rabtaa oo in aad meel xun u istaagto ama la istaago way kaa doonaysaa.” 

 

Akhristoow sawir noocee ah ayaad ka heshay fasiraadda laga bixiyay oraahaha aan kor ku soo xusay. Maxay kula tahay uu samayn doonaa wiilka ku dhaqma quraafaadkan? Bal yara istaag oo ka feker inta aadan akhrin faalladayda. 

 

Qofka soo uruuriyay asigu ma curin fekerkan ee dad uu ku sheegayo in ay leeyihiin waayo-aragnimo dhaqameed ayuu ka xigtay. Sida ay aragtidani muujinayso, kow ninka waxaa laga dhigayaa dhibbane la sanduleynayo. Labo gabadha waydiimaheeda iyo dalabaadkeeda ayaa la ceebeynayaa oo in ay danaheeda u hadasho oo baahideeda sheegato ayaa lagu eedeynayaa. 

 

Aniga sida ii muuqata ujeedku waa ka duwan yahay sharaxaadda aan ka soo guuriyay buugga oo kor ku suntaysan. Hadda bal ila jaleeco odayga noo yimid. Waxaan u arkaa in uu sowd xun noola yimid, sababta oo ah aniga wax ima waydiisan ee raggii ila joogay buu u sheegay in uu la tartamayo. Tan kale wuu socod xumaa oo saacad xun buu socday. Surun xunna wuu ku taagnaa, saa goobtu waa diyaarad dhexdeed oo weliba goortan uu guurada noogu yimidwaa saqdhexe, anigana gaar iilama faqin.

 

Afartaa haddii aan sansaantii odayga iiga muuqatay ku sifeeyay, waxaa noo haray saba xun.” Haddaad eegto sharaxaadda waa in gabadhu ka doonayso ninka in uu waqti xun u yimaado. Haddaba waa su`aal e labo qof oo xiriir u dhexeeyo, hiigsanaayana in ay lamaanoobaan miyeysan sax ahayn in ay kulmaan oo waqti isi siiyaan. Horta akhristoow ma garanaysaa eraygan Saba ama Sabo” micnihiisa? Maya? Haye, aan kuu sheego sabo waxa ay tahay. Daarradda guriga, bersada hooyga, dhulka ku heeran aqalka ayaa sabo la yiraa. Haddaba waa maxay waxa ay gabadhu doonayso? Dabcan waxay doonaysaa in ayada oo aan ka fogaan aqalkooda ay la kulanto oo ay iska barato ninkan xiriirku kala dhexeeyo. Sidee ayuu rabitaanka noocaan ah ee gabadha uu ku noqon karaa wax xun? Miyeysan haboonayn qofka aad guurka ka doonaysid in aad iska barato?

 

Soomaaliyey waa in aan is waydiinaa waa maxay guur?”Guur waa midowga lamaane oo mideeya labo ruux, si ay gacal iyo garab isugu noqdaan oo ay nolol qoysnimo isula wadaagaan. Waxaa taa sii dheer si jiritaanka aadamaha uu usii jiro in ay ubad dhalaan, waa haddii Eebbe ugu deeqo e. Guurku wuxuu ahaa dhaqan soo jireen ah ilaa Xaawo iyo Aadan. Dunida maanta waxaa ka jira nidaamyo iyo caadooyin badan, kuwaasi oo ku salaysan dhaqanka ummad leedahay, dhaqaalaha la haysto, diinta iyo nolosha jiritaankeeda. Caalamka wax walba guur” laguma sheego. Ummadaha aan muslimka ahayn waxa ay leeyihiin caadooyin ay ka mid yihiin cawo is-raac aroortii lagu kala dareerayo, waxay kale oo leeyihiin labo aan is qabin oo wada noolaada, si ay baahiyahooda u daboolaan, haddii ilma yimaadana ay u haystaan ayaga oo ku sababeeynaya guur la`aanta in aysan diyaar u ahayn qaadidda waajibaadka guurka oo saacaday doortaan ay xariga u jari karaan wada noolaanshaha. Marka ay guur noqotana waa nagala siman yihiin oo ama ha la kala tago ama ha la isku waaro ee waa labaane si dhab ah waajibaad iyo masuuliyadba ximbaartay. 

 

Ummadaha muslinka ah waxaas aan soo sheegay oo dhan waa la isu mehersadaa, ileen sino lama doonayo e. Haddana marka la iska soo garab kaco ayaa xaqiiqda waajibaadka guurka lagu baraarugaa. Dareenkii aan ku tilmaamay shahwad-raaca” ooummadaha kale hal habeenle u ahaa, meher kaddib laguma kala dhaqaaqi karo, saa waa la is guursadaye. Guurkana waajibaad iyo masuuliyad aysan isu diyaarin ayuu wataa. Lamaanaha baahida shahwaadka darteed isku guursada furiinkoodu waa soo degdegi karaa ama sidii labada aan muslimka ahayn ee waajibaad ka cararka iskula deggan si ay baahidooda u kala fushadaan ayey kuwanina ku wada joogayaan saa nikaax baa isku hayee. 

 

Guurarka qaar ayaga oo aan jacayl ku bilaaban ayuu kalgacalku gadaal kaga abuurmaa, balse masuuliyadda iyo hiigsiga mustaqbalka ayaa isku haya inta uu jaceylku abuurmayo oo la is baranayo. Waxaa hubaal ah jecayl kasta oo u dhexeeya lammaane is-doortay is-barasho iyo is fahan ayaa u laaban, saa weligood islama aysan degin oo isma mudan guurka ka hor e. Waa tii lagu maahmaahay labo aan jid isla marin ama aan jidiin isla wadaagin isma bartaan e.”

 

Aqristoow arragtidayda ayaa ah sababta furriinku innoogu badan yahay in ay tahay innaga oo u badan in aan isu guursano labo ka dhal iyo baahi shahwo. Dhalinyaradeena wiil iyo gabar iska guurso oo wax dhal uun baa lagula taliyaa ee ma badna inta lagula taliyo guur tayo leh sidii ay ku heli lahaayeen. Se waxaa is warsi mudan, gabadha iyo wiilka isku guursaday aragtiyadaas gurracan  ee aan aasaas kale lahayn, sidee isugu nagaadaan? Aaway lammaanaha wada-jirkooda, baahidooda gaarka ah ee aan carruur ku xirayn? Labo uu xiskoodu leeyahay labo ka dhal” miyeeysan ku hodmayn/sirmayn nolosha guurka oo aysan ayagu sabab u noqonayn xarig kala furashadooda? Carruurta sidan lagu dhalo maxaa aayatiin u ah? 

 

Maanka oo xilkasnimo loo diyaariyo ayaa keenta dulqaad iyo dhabar adeyg lagu dhiso oo lagu dhowro guurka. Waxaa hubaal ila ah in bulshada uu xunyahay heerka ama asaaska qoysnimo aanay u wanaagsanaan karin heer qarannimo.  Ugu yaraan, xal ma aha  shahwad-raac iyo dhimir ka doobnimo.

 

Luul Xasan Kulmiye (Araweelo)

Oslo, Norway

Sebtembar 24, 2018

T.t. Caliqayr Muxumed Nuur

Poltom - UK 

September 24, 2018

 

 

SOOYAALKA HEELLAN EE SUUGAANTA (Jaaliyadda Soomaalida Norway)

Sheekada 4aad:

 

Jaaliyadda reer norway haddii aan nahay waxaan helaynay fursado badan oo xagga fanka ah. Allaha u naxsiirso e Xasan shiikh Muumin iyo Maxamed Xaashi Dhamac  ”Gaarriye” labaduba Norway ayeey ku geeriyoodeen. Axmaddey Cabdi Gaashaan, Bashiir Cali Xuseen, Saciid Cabdi Cawaale, Cabdullaahi Saleebaan Bidde ayaan ka carrab-dhebi karaa miidda ku sugan Norway. Saddex lood oo jaaliyadda ka mid ah, oo aan ku jiro ayaa waxay fursad u heleen Suugaanyahano abqari ah in ay noo dhigaan taariikhda iyo hiddaha Afsoomaaliga. Ayada oo naloo tababarayay macallinnimo. Anigu macallin ma ahayn, balse anaga oo dhowr afceliye ah ayaa macallimiinta la qaadanay kooriskan. Mahaddi ha ka garto macallimiintii waqtiga gelisay in ay afkeenna noogu dhigaan Jaamacad, carri qalaad ku taal.

 

Aadane waa uun, sida carrab iyo ilko oo marmar waa ay is-qaniinayaan.

 

Norway waxa ka jira bandhig-faneed sannad leh ah. Ilaa iyo markii bandhigan la bilaabay fanka Soomaalida mid buu ka ahaa, balse dulmiye, duudiya xaqa, lama waayo e, wax baa isku diray dadkii qaar. Sababta oo ah ninka madaxa u ah bandhigan oo loogu magac darro ”Mela festival” ayaa la isu dabo-maray oo ballan kooxi la gashay la buriyay. Markaa buu ka dhex baxay, asiga oo ka diikhooday is-qabqabsigeenna. Darro ma wanaagsana, weliba dadkaaga dhexdiisa kuma wanaagsana. Inkasta oo darro, waa dirir e aan is-wada laynay, haddana isku dhacani wuxuu sababay in dhowr sanno aan bandhiga lagu soo darin Suugaanta Soomaalida.

 

Allaha u naxariisto e waxaan hogo tusaaleyn ka dhiganayaa tubta wanaagsan ee Marxuumad Xaawa Jabriil. Ayada oo midnimo u duullaan ah ayeey tirisay tixdan 1993kii, anigana dugaal iyo dugsi baan ka dhigtaa si aan gaddeedii u raaco.

 .................................................................

Waxaa Qaabiilba Haabiil, qudha uga jaray

Amase qayladiyo ka dhashaan, dagaal qabiil

Isla qabweynaanta kan kaleetoo, aadan qaddarin

Iyo midkii qoonsadoo, quursiga oggolayn

Qabiil sheeggiisa, qalbigayga waan ka jaray

Qusuusigii Leegga oo qaadacaan ku jiray

Inaan Soomaali kala qaybsho, wayla qalad

Anigu carrabkayga uma quuro, qadaf dad kale

La ii qori mahayo maantay, Qiyaamo tahay ee

Gabdhaha qiiraysanow, haygu qoonsannina.

......................................................................

Gabdhaha qiireysanoow waxa aan ku darayaa iyo ragga qiiraysanow, haygu qoonsannina doonistan, baan anna leeyahay.

 

Bandhiga Mela

 

Ingeborg Vardøen oo ah hooyo Noorwiiji ah, balse ilaa iyo maalintii Soomaalidu timid Norway, ku dhexjirta, oo aanba dhihi karo waa qof si qaas ah inooga mid ah, ayaan wada hadalnay. Waxaan ku sheekaysannay in ay xal tahay oo aan la xiriirno madaxa bandhig-faneedka Mela. Dayrtii 2016, ayaan biloownay xiriirka iyo wada hadalka in Suugaanta Soomaalida la soo celiyo. Ingeborg ayaan ku wargeliyay in aan ku socdo magaalada London. Waxa ay igula talisay in aan la kulmo madaxa kooxda Durdur oo ku sugan London. Ayada ayaa isii say lambarkiisa, waan la kulmay, Libaan Nuux oo ah asigu madaxa kooxda. Waxaan u sheegay in Ingeborg iyo anigu aan wadno abaabul aan ku doonayno in Durdur ay noqoto kooxda ugu horaysa ee timaadda Oslo, Norway. Liibaan hore ayeey u wada shaqayn jireen madaxa bandhiga Mela, wuuna naga ogolaaday.

 

Gu`gii 2017-ka waxa ay Ingeborg noo ballamisay madaxa bandhiga. Kulanka waxaa ka qayb qaatay Xildhibaan Baashe Muuse, Ingeborg Vardøen iyo aniga oo la kulanay madaxa bandhiga. Wada munaaqashood dheer ka dib wuu naga ogolaaday, balse waxa uu ka afeeftay ama ka cudurdaartay in uusan aqbali doonin canjalad rikoor la gashanayo iyo dibno la nuuxnuuxinayo, kuna sababeeyay in madashu tahay bandhig-faneed dhoolla tus ah oo loo baahan yahay muusig toos loo tumayo. Waan ka ballan qadnay in aan muusig toos ah mooyee canjalad loo soo dhowayn doonin.

 

Xagaagii 2017-ka waxa si xamaasad leh nooga tumay kooxda Durdur oo Faadumiina Hilowle ay atariisjada masraha u ahayd. Anagu waa ka dhex baxnay oo Liibaan Nuux iyo madaxa Mela ayaan isu daynay. Dalabka waan yeellan karaa oo sannadkan 2018-ka waxaa noo yimid Aar Maanta (London) iyo Cheerie Hersi (Stockholm). Cheerie ayadu Caalami dhalinyarta adduunku, siiba kuwa Waqooyiga Yurub ay aad u xiiseeyaan waaye, aad baanan ugu faraxnay in labo fannaan oo Soomaali ah ay masraxa dhoolla tus loo wada muusooday ka dhigeen. Aar in sannadkan lagu marti-qaado bandhiga waxa ka danbaysay Nafisso Cusmaan, mahadsanid Nafisso.

 

Cheerie aniga oo aanba ka warhayn heesaheeda ayaa gabadhayda Ridwaan waxa ay tagtay bandhig-faneed Danmarki ah. Markay soo laabatay bay igu tiri ”Hooyo, ololihiinna Araweelo, walaahi wuu meel maray.” Maba aanba moodayn in ay ololaha haweenka ee aan wadno ay sidaa ugu dhugleedahay, saan weydiiyay ”maxaad aragtay?” Say tiri ”Cheerie waxa ay samaysay album dhan oo ay Araweelo u bixisay, oo ay noo sharaxday, nooganuna heestay qaar ka mid ah albumkan.” Runtii waan sugi la`aa in aan toos u daawado gabadhan dhalinta yar ee caalamku isla wada arkeen. Waxaase ay aniga billadda iiga kasbatay markii ay masraxa ka shaacisay ”Heestan waxa aan u hibeeyay dhammaan carraweelooyinka Soomaalida.” Ayada iyo Aar Maanta xiriirkoodu waa mid jira oo heesihiisa mid ka mid ah ayeey ku heestaa ayadu. Istaageeriddu waa miraha horumarka sumcaddeena. Aar waad ku mahadsan tahay in aad markasta tahay qof bini`aadminimadu ku dheer tahay. Waxaad tahay saaxiib qaali ah oo aan fankiisa jeclahay. Allaha noo kaa daayo, idim Alle aamiin. ”Haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo” ha lagu dheeho ”Haybad waxaad ku leedahay afkaaga hooyo”, sababta oo ah in suugaanteenii masrax fagaaro ah loogu wada damaashaado ayada oo diin, diir iyo da`lagu kala duwan yahay, waa wax lagu naaloodo. Dareenka farxadeed iyo qanaca qalbiyeed ee aan ka helayo suugaanta fagaaraha ku xardhan halkan kuma soo kobi karo. Dhalinyaro iyo waayeel madal kulmisay oo aan ku kifaaxnay bay ahayd.

 

Adeegsiga baraha bulshada

 

Waxaan wada ognahay adeegsiga baraha bulshada in uu noocyo badan yahay. Wax dheefkiisu ma yara, oo haweenka Soomaaliyeed haddii aan nahay waxa uu na siiyay fursad aan ku gudbisanno fikirkeenna ayada oo aanan cidna u hoos fariisanayn. Dumar iyo rag badan, sax iyo qalad intaba way u adeegsadaan. Mararka qaar waxa ay ku gelinaysaa halaag armuusanba ka horayn baraha bulshada. Balse marka aad marqaati u noqoto sida aniga, dhacdooyin badan oo muujinaya dhanka toganaha ah ma doonaysid in baraha bulsho ka tagto.

 

Macallinkeygii seyniska oo aan raadin jiray? Xilli denbe, deggaannada wadanka gudihiisa ah ayaa mid doorasho ka dhacaysay, aniga oo mareeg war ka akhrinaya, ayuun baa waxa furdug iga soo hor yiri, xayeesiin kulan lagu madlayo. Shaqsiga gogosha loo dhigay ayaa ku magac ah macalinkeygii aan sannadaha raadinayay. Waa dal iga fog ee waan dul tegi lahaa. Waxaan wacay lambarkii maamulka, madasha dadka ugu yeerayay. Adigu, yaanan war kugu daalin e is-helnay ugu danbayn. Maanta asiga iyo ooridiisuba waxay ka mid yihiin shaqsiyaadka aan Foolbuugga asaxaabta ku nahay. Habba la kala fogaado e waa la isla joogaa.  

 

Gunta aan u daadego e, maalintii Aar Maanta uu masraha ka tumayay, ayada oo madaw iyo caddaan, wayn iyo yar, haween iyo rag, gabar iyo wiil aan damaashaadka lagu kala harin, anigu toos baan uga sii daynayay safxadayda Foolbuugga. Xaali Xasan oo haweenka Oslo ugu firfircoon ka mid ah, Foolbuugna aan saaxiibo ku nahay ayaa aragtay muuqaalkii aan tebinayay. ”Luul waa halkee?” bay ii soo qoray ”waa barxadda Aqalka Dowladda Hoose ee Oslo” ayaan ugu jawaabay. Miyeey soo duushay, mise goobtay bay ka dhoweyd, garan maayo anigu e, sowtan bud agtayda ka soo tiri, waxyar ka dib. Anigu markii hore waxaan u haystay gabadhu in ay fanka u soo carartay oo ay fanka Aar ka hesho, balse markay ii sheegtay in ay u soo dhaqaaqday sidii ay jikkada ugu jirtay, kalgacal walaaltinimo iyo xiiso ay Aar oo waqti badan ay isugu danbaysay ay u qabto darteed, waxaan yaqiinsaday in aqoon hore ay jirat.  Ileen ayada iyo Aar waxa isugu danbaysay sannaddii 2013ka, ayada oo ku wada sugnaa xilligaa magaalada Jigjiga. Halkii bay isku burureen, sawiro wada galeen. Marxaladaha noocan ah, isu hilow gacal iyo labo aan abid kulmin oo istirsanaysa ayaa ka mid ah waxa aan ka dhaxalnay aaladda internetka iyo baraha bulshada.

 

Ugu danbayn yoolkayga haddaan kuu sheego: In nala summad guuriyo baan qarka u taaganahay, balse ”caano daatay, dabo-qabashay leeyihiin” waa tii la yiri e yaanan fanka iyo suugaanta sumadda innoo ah la suulin. Hal-abuurayaasha waxaan leeyahay ha isaga dhiibina heesahiina, shaqsi aan toos muusig ugu qaadayn. Farsamo yaqaanka muusigga waxaan leeyahay duub oo casriyeey balse codka shaqsiga yaan farsamo lagu bedelin, haddii kale waxa uu la mid noqonaya sidii gabdhaha kiimikada isku caddeeya oo aan qoraxda xamili karin, cuduro diirka kaga dhacana u sii dheeryihiin. Guud ahaan waxaan inagu boorinayaa, oo ku nuuxnuuxsanayaa, weliba cod dheer ku leeyahay waddaniyadda aan kobcinno. Maxay tahay waddaniyaddu? ”Waddaninnimadu waxay tahay hab midow, bulsho iyo siyaasad dad wadaaga qiimo iyo himilooyin isku mid ah. Shaqada waddaninnimada waxa ka mid ah in ay abuurto dareen ujeedo leh, bulshadana ku dhaqaajiso ujeeddadaas siday u gaari lahaayeen iyo habkay u raaci lahaayeen. Hadaynu si kale u eegno waddaniyaddu waa sinnaan doonis ha noqoto dhaqaale, dhaqan, ama xaquuqda bani`aadamka.”

 

Waxaan dhigaalkan ku afmeerayaa maansada magaceedu yahay ”Duuduub” (B. M. Hersi iyo C. H. Galayr) oo guubaabo iga ah.

.......................................

Waa tanse laydin dilayee

Deegta laydin jarayee

Aydan diidnay oranayn

Ma dareenka ruuciyo

Daakhilkaad ka marantiin?

 

Maa dood wadaagtaan

Daloolada ka eegtaan

Midka aadnan doonayn

Diiddaan si wadajira

Sidaas talo ku daysaan.

 

Dooddu ila fogaataye

Hadalka ila durugyaye

Hadba dacal ka eegee

Waxa iga dardaarana

Dib u eega waxa jira

Dawa raadsha idilkiin

Ducada Eebbe daa`ima.

......................................

 

Akhristoow, ku mahadsanid in aad u dulqaadatay qormadan dheer, waqtiga aad gelisay Alle ha kaaga dhigo mid aad wax ku faa`iiday. Fadlan wixii faallo ah iigu soo dir halkan kulmiso18@gmail.com. 

 

W.Q. Luul Xasan Kulmiye ”Araweelo”

Oslo, Norway

6-da Sebtember, 2018

 

sawirada sheekadan ka eeg 👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽

 

August 18 & 19, 2018 OSLO-NORWAY

SOOYAALKA HEELLAN EE SUUGAANTA (sawiro)

CALAF (Adiga oo aan akhrin qormada cinwaanku yuusan ku hodin!)

Sheekada 3aad

 

Calaf marka aad maqasho maxaa kuu sawirmaya? Aniga waxaa ii sawirmaya wax kasta oo qof helo, noqdo, yeelo ama lagu falo, sababta oo ah koonka kormeeraha kaaba oo kalaamkiisu hago waa Kariimka.

 

Waqtigu waa 80meeyadii. Weli sidii baan maamulka guriga hooyo u hagaa. Hooyo waa baqaarey oo subixii say u baxdo ayey habeenka soo hoyataa. Marka ay shukaansi joogto amarka Hooyo waa mid uun ”ninka aad wada socotaan guriga keen oo jardiinooyinka ha la fariisan ee daaradda goglada ama fadhiga fadhiista”.

 

Bulshaawi baan ahaa welina ahay. Marka reer xaas yahay xigtada iyo asaxaabtu 24-ka saac ma duljoogaan. Anigase in aan hooyo nin leh hayn waxay ii kobcisay garashada isdhexgalka xigto iyo asaxaabba, saa yar iyo wayn, rag iyo dumar qof ku baaqanaysa ”reerka ha kala mashquulin” iyo oday laga xishoonayo midna ma jiro e, waa la wada imanayaa guriga. Har iyo habeen sidaa baa la isu dhaafayaa xaafadda. Wiilka noogu yar oo aan ku wada indho kuulanno ayaa waxa uu aad u jeclaystay in uu helo cunug ka yar, markaas buu hooyo yiraahdaa goor walba ”hooyo cunug iga yar dhal”. Waan ka toocsan jirnay. Waxaa jirtay islaan deriska ah oo xilligan aan sheegayo, malaha sannad walba Waaxidku ugu deeqi jiray cunug. Yaraankeenii intuu u tagay buu ku yiri ”Eeddo, sidee cunug ku heshaa? Hooyo in ay mid iga yar heshaan doonayaa e.” Waa hadda Soomaalida iyo dhaqankooda e yaa cunug u warrama. Waxay u sheegtay in ay suuqa ka soo iibsato. Waaba Yaraankiiyoo sugi la’ imaatinka hooyo. Kolkii ay soo hoyatay, kuyeen ”hooyo xaasidnimada intaad iska daysid, waa adiga suuqa jooga e cunug inooga soo iibi.” Yaab adduun bay ku noqotay marka uu u sheegay halka uu sirta ka soo helay. Say Hooyo teen ”maskiin waxba ma ogid e, nin iyo labo cunug oo kaa yaryar baa Bakaaraha ii jooga.” Wixii maalintan ka danbayay yoolkiisu waxa uu noqday sidii uu ku arki lahaa labadan cunug ee ka yar.

 

Dooq iyo damac

 

Dooqu cajiib leh e calmaday mid isna i durraantay. Waxaan wada soconnaba go’aansannay in aan is meher xadno. Yeelnay, balse ku qotominnay in ulajeedka ka danbeeya uu yahay islahaansho oo aan sugayno inta aan sidii la yaqiin isu doonanayno. Hagaag iyo hawraarsan baa meel lagula guntay go’aankan. Waxaan joognaba waxay noqotay in aan ka guurno Ceelhindi 1989-kii oo aan u guurno Bakaaraha, si hooyo ugu dhowaato baqaarka. Annagu muggaan waan iska ilowsannahay sheegashadii yaraanka ee lagu aamusiyay ”labo ayaa kaa yar”. Kolkii la degay sowkan yiri yaraankii, ”hooyooy waad gacangashay ee see wax yeeli rabtaa?” Dhegaha ayaan u wada taagnay ulajeedka, hooyana waydiisay waxa uu ula jeedo hadalkan. Saa yeen, ”sidaad u qarin lahayd ayaa lagaa doonayaa ninkii iyo labadii cunug ee Bakaaraha kuugu qarsanaa, saa hadda Bakaaro ayaan la soo degnay e?” Waxay noqotay in ay runta u sheegto in asigu uu yahay yaraanka keliya oo ay leedahay. Ugu danbayn wuu qaatay inkasta oo uu beryo dabagal ku hayay.

 

Yaraankeena hooyo ayada oo uurkiisa leh bay kala tageen saygeedii oo markay dhashay maalmo cayiman keliya bay guriga fadhiday. Ka gadaal suuqii bay ku laabatay oo aniga ayaa hooyo yar u noqday yaraanka. Waxaan xasuustaa, kolka hooyo soo hoyato ee aanan la sugi karin nuujinta yaraanka inta ay ka qubaysato, waxaan soo qaadi jiray baaquli/madiibad iyo jelemad/abriiq si ay naaska oo keliya ugu qubayso oo iigu nuujiso yaraanka aan seexiyee. Beri danbe ayada oo la kaftamayo ayaa waxaa yaraanka lagu yiri ”hooyadaa iyo walaashaba waa calaf doon oo caawa ayeey guursan karaan, kala guuri karaan ee ma tan guurta ayaad raaci mise tan harta ayaad ku hari?” Si yar oo lur la’aan ah kuyeen yaraankii ”maxaa igu reebay hooyo, Luul baan raacayaa marka ay guurto.” Maalintan waa lagu qosqoslay. Balse kolkii aan guursaday oo guri yeeshay ayeey dhabowday.

 

Hooyo qadada guriga ayey u soo doonan jirtay xilligan, si ay wax u cunto, xaaladda xaafaddana u kormeerto. Marka ay timaad qadadeeda intay gurato ama loo guro ayey qadayn jirtay, si ay ciyow ugu laabato shaqada. Dumarka deriska ah qaar aad bay ula yaabi jireen habdhaqankan oo waxay marmarka qaar, iyaga oo muujinaya ka dhiidhinta habdhaqankan lahaayeen ”qof wayn baad tahay ee maxaad ayada oo carruurtu wada cuntayn u cuntaysay?” Malaha haddii ay nin lahaan lahaydna waxay dhihi lahaayeen ”adiga oo aan odayga cunta siin maxaad u cuntaysay?” Hooyo lur la’aan bay ku jawaabi jirtay ”mahad Alle masruuf qoyskayga ku filan waan helaa. Cuntada dheriga ku jirta iska daa carruurta e inta soo wareegta xataa ka badan. Anigu intii Alle iiga calfay uun baan ka cunay si aan berri dherigu u noqon faaruq.” Intaani waa in aan marar badan maqlay hooyo oo leh.

 

Inta aanan Bakaaraha u guurin xan dhegta hooyo ku dhacday baa tiri ”Luul waa la qabaa.” Hooyo oo taa u kuurgalaysa balse aan igu wargelin ha i tiraa ”Luul hooyo nin aan aad kuula jeclaaday baan rabaa in aan ku siiyo oo aad la kulantid si aad isbarataan.” Waxaan isu haystaa in aan aqoon u leeyahay hooyaday oo aysan nin aanan dooran igu darayn. Sidaas oo ay tahay waan labo shakiyay. Xisku i yiri ”dabin laguu dhigay ha ku dhicin.” Aniga oo taa ku taagan ayaan isaga waabiyay ”waa hagaag hooyo, balse waxaan kaa codsanayaa in aadan ii quurin nin aadan isu quurin.” ”Hagaag” iiga tagtay aniga oo hoosta iskala showraya oo ku talo galkaygu yahay, lacalla haddii ay ka dhabayso in aan u sheego xaqiiqda jirta. Haddase waxaan aaminsanahay in ay siriq dhigayso oo ay rabto in ay runta iga tufto. Xeeladdaan hooyo way taqiin, anna waan ku aqiin. Waan isla qoslay oo waxaa igu soo dhacday habeen aan amar la`aan baxay oo shaneemo u raacay eeddaday iyo mid aan habaryar u ahay oo aan isku da’aad dhowayn. Markii aan guriga imid bay i waydiisay hooyo, ”Luul shaneemo ma aadi kartid baan ku faray, waadna aadday, sow ma aha?” ”Nebi baabah” baan ku adkaystay. La iskama waalin ee ilayn way baxday. Anna war uma hayo. Intay fag tiri bay tagtay gurigii reer awoowe. Labadii aan israacnay oo cuntaynaya bay is dul taagtay oo ku tiri ”Naayaada, dhiig laaweyaalyahow marka gabadha saacadda laga furanayay maxaadan u caawinina?” Middan aan habaryarta u ahay iyo tan eeddada ii ah in ay shaneemo aadeen waa la wada ogaa. Hooyana beentaydii bay ku raad joogtay. Labadan cuntaynaysa ee aan hadda soo kala harnay, baa mar qura wada yiri ”hadda markii aan kala haraynay, saacaddeeda waa haysatay ee ma illinka guriga ayaa looga furtay?” Habeenkan siriqda hooyo, gabdhahan baa i geliyay ee anigu waxaan isleeyahay waad ka fakan lahayd. Waanna ogahay oo qalad haddii aan galo waa lay ulayn. Sidaa darteed hal qalad oo aan ogahay in la igu ulaynayo, marka aan galo ee aan ka war helo in laga war helay, waxaan ku dari jiray in aan sameeyo labo iyo saddex kale oo aan la ii oggolayn. Halhayskayga ayaa waxa uu ahaan jiray ”kor la dilo korbaa ka hara!” Cindigayga baa i lahaa ”Laguma daynayo ee intaad hal hal u samaysid, intii midba mar lagugu garaaci lahaa, lagu daynmayo e ka faraqabso.”

 

Haddase sheekadu waa kuu guurinayaa ayeey maraysaa. Waa dhanbaal culus oo aan sugi la’ahay runtiisa iyo beentiisa. Waxaan joognaba, maalmo ka dib baan ku fekeray in aanan iska sugin ee ka salgaaro. Saan iri ”hooyo adiga waxaaga ma wax la sugayo oo aan soo socon baa, aaway ninkii aad lahayd waan ku siinayaa?” Qosol intay dhag ka siisay, bay tiri ”Yahooy aan kaa ammaan helo, haddaad nin keensanaysid kaama horjoogo e!” Ma aragtay, waa saan filayay. Yaa dabbaal ah oo duurka loo diraa, ayadaa i jago bartay e. Tuhunkii waa haray.

 

Balse meel kale ayeey iiga furantay. War moog baan ahaye, sow kan kaan calmaday ii soo bandhigay in uu waddankaba ka tagayo oo uu Sacuudiga aadayo. Islahaanshooy xaal qaado. Kii i durraantay waa safar oo Sacuudiga ayuu u socdaa. Dhanbalkani waxa uu noqday mid filanwaa iyo fajac i baday. Waxaan garanayaa reero badan oo raggoodu Sacuudiga ka shaqaystaan. Sannad walba mar buu odaygu yimaaddaa. Ilaah ayaa deeqda bixiya e reerka ubad buu ugu deeqaa oo gabadhii oo uur yeelatay buu ninkii dhaqaajinayaa. Ka dibna gabadhu waa keligeed koriso oo masruufka iyo qowl macaan wax aan ahayn kama hayso saygeeda. Xaalkan waxa uu ahaa mid aan ka dhiidhiyo oo i geliyay hammi ah in aanan cawaba dhal oo kaligaa kori yeelin, aniga oo taa ka duulaya dalbay in aan is fasaxno haddii aanan nolol macaankeed iyo rafaadkeed wada qaybsanayn. Dood iyo falanqayn dheer dabadeed helay oo la yeel dalabkaygii. Hooyana ma oga hor iyo gadaal midna!

 

Qosol waxa uu ka dhacay maalintii aniga oo guriga jooga cunug la soo faray ”u yeer Luul” ii yimid. Garo oo Bakaaraha ayaan deggannahay markan. Waan soo raacay oo imid halkii la iiga yeeray oo ahayd xaafadda deriska. Waa la dhooban yahay oo guux baa baxaya. Waa dumar farabadan, hooyana waa ka mid. Ileen mid ka mid ah habaryaraha meesha jooga baa duulal ku soo degeen oo war fatahday. Waxaa ka mid ahaa warka ”Luul waa ay qudbo siraysatay”, ayada oo weliba sharraxaad laga bixiyay dowgii loo fuliyay iyo halkii ay ka dhacday. Isma aanan lurin e intaan qoslay oo maanku i iri ”haddii duulal warhayaan, magaca shaqsiga, safarka Sacuudiga iyo kala xarig furashadii meeday?” Kuna jawaabay ”quraafad kasta ma iska qaadanaysaa adigu hooyo?”. Cabbaar la muran oo goobtii yoontay, balse lagu kala dhaqaaq. Hooyo warku kuma duxin, waase ka gaabsatay. Markii aan guriga nimid baan ku iri ”hooyo hadday Luul wax ka og yihiin maxaysan sheekada kuugu dhamaystirin? Waxaas waa xan la helay oo aan dhamaystir lahayn ee aan kuu dhamaystiro”. Markan baan daf iyo dacal u dulmaray.

 

Wax la joogaba dooq iyo damac cusub baa i haleelay. Dagaal sokeeyana soo caga dhigay. Qoonba mar qax oo tahriib baa la wada galay. Anigu marnaba kuma fekerin dhaqaaq oo dalka dhaaf. Rajadu waa dowlad caaddila ayaa dhalan, intii baxdayna way soo laaban. Waxaanan ku hanwaynahay in aan noqon doono mid dalka ku soo dhowaysa dadka soo laaban doona marka nabaddu curato. Rajo hungoowday dheh taas. Bakaaraha iyo guriga aannu degannahay waan ka qaxnay oo ku soo laabannay. Dagaalkii xaafadaha ayuu hoos ugu soo dhaadhacay. Aniga waxa la igu tiriyaa qof diircad oo «xeysay» ayeey ayeeyday iigu yeeri jirtay. Halka aan degannahay waxaa ku agyaal garaash ay hubka iyo geeljiraha Xamar soo galaya si aan kala go’ lahayn iskaga soo dabo degaan.

 

Hooyo ayaa noo yeertay oo na waydiisay bal in aan garanayno qabiilka aan nahay, balse kuma aanan baasin, saa ciyaal Xamar aan qabiil la soo barin ayaan ahay e. Say tiri ”Geeljire sidii quraanka u xifdisan qabiilka ayaa yimid oo haddii aad abtirsiga qabiilka qaladdaan qoorta idinka jaraya, xataa hadduu ina adeerkiin yahay ee soo qaata qalin iyo warqad oo qorta”. Ayada oo yoolkeedu yahay ”haba lagu dilee, yaan kama lagugu dilin.” Beysaani oo dhan baa sidan qabiilkii qalin warqad ugu qortay. Ilaa aan ka xifdinay oo asaxaabta dhaxdeedana iswada xifdisiinay qabiilada aan kala «noqonay» si aan isbaarooyinka u kala yaal qabaa`illada hadba uga sheeganno qabiilka ay yahiin. Waxa aan iswaydiinaynay ”qabiilkee ayaad noqotay” oo ”qabiilkee baad tahay” meeshaba ma oollin, saa ma aanan ahaan jirin oo hadda ayaan noqonay e. Waa sida aan u arkaynay xilligan. Waxaa la gaaray dagaalkii afarta bilood (17.11.91 – 03.03.92) ee Xamar ”Qadka cagaaran” u yeelay, una dhaxeeyay labada qabiil ee kala ah Habargidir iyo Abgaal. Xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley/Warta-Nabadda waxaa looga qaxay hoobiyaha labada dhinac ay isku ridayaan oo sidii roob ugu da`ayay. Ka dibna Habargidir ayeey xaafaddu AAG u noqotay. Habargidir iyo Murusade ayeey ka dhex tafantay bishii Janaayo 1992.

 

Dabley aan diir naxayn

 

Maalin maalmaha ka mid ah ina abtiday oo ka mid ah dadka ka qaxay xafaddan ayaa fariin u soo dirsatay walaasheed gurigeenna joogta. Fariintu waa ”gurigayga tag oo carruurta dhar iigu soo qaad.” Gabadhan ay fariintu u timid lug baa ka go`an oo biro ayeey ku booddaa. Hooyo ma oggola in aan aadno xaafaddan. Markii hooyo baxday ayaan aniga, ina abtiday iyo wiil aan qaraabo nahay u dhuumannay in aan dharka u soo qaadno carruurta. Aniga iyo wiilkan aan qaraabada nahay xaafadda aan deggannahay waxa naloo haystaa in aan nahay Gibil Cad oo cidna ma oga in aan ka dhallannay qabiilka Murasadaha. Waxaan tagnay xaafaddii. Aniga iyo gabadha ina abtiday ah gudaha ayaan ku jirnaa oo kala qufaynaa guri la fatashtay oo wax nuxur leh aanaysan ku harin. Wiilka asigu bannaanka ayuu taagan yahay oo waa ilaalo. Waxaa soo caga dhigtay dhalinyaro hubaysan oo sheedda naga arkaysay markii aan soo soconnay. Wiilkii ayeey la hadleen, una sheegeen in aanaysan asiga iyo gabadha lugta go`an wax yeelayn, haddii ay meesha isaga tagaan. Waxay yiraahdeen, waa sida wiilku noo sheegay e ”gabadha cad oo keliya ayaan doonaynaa”. Wiilku waxa uu leeyahay ”waa nala wada dili oo kaa tegimayno.” Anigase iima cuntamin in aan sabab u noqdo ayaga oo waxaan u arkaa in raggani kufsi u socdaan,wax ula jiraba. Waxaan ka dhaadhiciyay in ay tagaan, iguna sugaan geed-tallaal ku yaal meel u dhow xaafadda aan deggannahay ee Bakaaraha. Aniga oo aan u sheegin ku talagalkayga. Garaadkaygu waxa uu i leeyahay ”kufsasho dhimashaan ka xigaa”. Inkasta oo aan dirayo haddana ma doonayo iyaga oo aan wax hubsan hayn in ay guriga tagaan, sidaa darteed waxaan ka dalbay in ay igu sugaan geedka hoostiisa. Malaha ayagu waxa ay isleeyihiin waa la kufsan oo idinka dabo iman. Alle ayaa iga og. Aniga wax ay iga tahay raqdaada hooyo ha loo geeyo. Iga tage labaduba. Waxaan taaganahay illinka, rag dhowr ah oo tiradoodu aysan ii caddayn baa ku xoonsan jidka dhankiisa kale. Jidku waa jidcadde labo iyo tobanle ah oo ballaaran. Illinka aan taaganahay marka shan meter dhinac bidix loola wareego waa luuq u dhaxeeya looto afar boos ah. Sida muuqata raggu waxay sugayaan inta labada dhaqaaqday ay libdhayaan. Aniguna waxaan sugayaa waxa ay sugayaan oo ku talagalkaygu waa inta aysan soo hilhillan oo ay sii eegayaan labadan sii socota in aan cagaha wax ka dayo, masa doonayo in aan labada dhaqaaqday qatar geliyo oo waxaan dhowrayaa inta ay jidka wayn kaga dhacayaan oo ay gooladda ka gelayaan.

 

Maalintani waxay ahayd maalin aan si kal iyo laab ah geeri isugu diyaariyay. Raggii oo aan filanayn baan halmar inta fagax iri luuqii daf iri. Waxaan sugayaa waa xabbad dhabarka/madaxa iga haleesha. Dhiifoonan la`aan baa ku dhacday raggii oo marka ay taw iga soo dabo yiraahdeen anigu luuqa waaba ka sii baxayay, inkasta oo ay xabbado rideen. Gooladda dhanka bidix marka aan u galay ayeey indhahaygu qabteen guriga garabkayga ah oo lootada ka midka ah in ay taagan yihiin labo wiil oo muuqoodu i yiri waa ”besaani”. Ganjeelka ka danbeeyana wuu furan yahay, anna dalaq baan iri oo gudaha u dhaadhacay. Naftii dhimashada isu diyaarisay baa humaag nololeed u bikaacday. Kaskaygu waxa uu i leeyahay ”ka warran haddii ay ku kashifaan? Ka warran kuwan aad guriga u soo gashay haddii aysan wax dhaammin, kuwa aad ka soo carartay?” Anna waxaan leeyahay ”kuwani ma hubaysna oo ciyaalka xaafadda ayeey u eg yihiin oo fal noocaas ah kuma kici doonaan.” Waxaan maqlay dableydii oo leh ”dhankay ka baxday gabadhii luuqan ka soo baxday?” Cabbaar baan keli ku ahaa gudaha oo cidna ii soo gelin. Waxaan iswaydiiyay xabbado aan ahayn kuwii la iga soo dabo riday ma aanan maqal e aaway wiilashii?, kumana dhaco in aan bannaanka qoraansado.

 

Waxaan sugaba waa kuwan soo galay labadii wiil oo ii sheegay in ay dableydii sii tilmaan habaabiyeen, ayna sugayeen bal in ay soo laabtaan iyo in kale. Madaama muddo ka soo wareegtay waxay qabaan in ay dableydii iska huleeshay. Waxay ii sheegeen in ayaguba alaab ka soo dooneen gurigan oo reerkoodu ka qaxay. Waxay ii sheegeen in ay Xawaadle yihiin. Waxayna ahaayeen sidan aniguba u gartay ciyaal Xamar sidayda ah. Beesanigii gabar iyo wiil wada joogi jiray, ayaga oo aan jismigooda ku mashquulin ee farxadda ku wada mushaaxi jiray. Waxay ii sheegeen haddii aan dhowr ilbiriqsi soo dibdhici lahaa in ganjeelku xirnaan lah haay, sababta oo ah bannaanka ma aysan iska taagnayn ee way bixi rabeen oo waxay isu diyaarinayeen in ay ganjeelka xiraan, balse markaan gudaha u dhaafay, iyaga oo weli fekerin baa debleydu wax waydiisay. Sidaana ay ku garteen waxa xaajo tahay. Saacado ka dib baan halkii ka soo huleelnay. Aniga waxaa markan welwel igu haya labadaan dira. Tolow weli ma joogaan geedkii, mise gurigii Xukun waa kan Eebbe e sowtaan ugu imid geedkii aan kula ballamay oo labadoodiiba weli imaanshahayga ku dhowrayaan. Farxad iyo shallaay ka dib gurigii nabad nimid, cidna uma warramin. Ciil, caro iyo caloolyowna waa hantiyay. Ma maqli jirtay ”Anyax teg eelna reeb”, dhacdadan sidaa ayeey igu noqotay.

 

Ka anbabixii dalka

 

Waqti gaaban ka dib hooyo waxa ay ka war heshay in ina adeerkeed, ahna qoys aan isla soo kornay oo ay aaminsan tahay in uu u ambabaxayo Itoobiya. Waxay go`aansatay in ay i dirto oo igu darto asaga iyo xaaskiisa. Walaalkay ah da`da igu xigta asigu Janaayo ayuu la qaxay eeddooyin oo carra waqooyi ayeey jiraan si aan Murusade ahaan loogu dilin. Maanta aniga ayeey i joogtaa in aan baxo, ma jeclaysan ambabaxa, balse hooyo ayaa u aragtay xal oo igu tiri ”ciddaan Habargidir ah, maalin ay soo ogaadaan in aadan ahayn Gibil Cad oo aad tahay Murusade baa imanaysa, ma ku fiirsan karo in lagu faraxumeeyo ama lagu dilo ee warkayga maqal oo dhaqaaji!” Yeelay. Safarka waa isla berri subax. Talo igu caddaatay oo u tegay rafiiqii aan is dooranay, una sheegay in aan safar ahay berri. Aad ayeey ula cuslaatay balse waxba kama aanan qaban karin labadeenuba, saa hooyo go`aankeedu gar in uu yahay ayaan yaqiinsannayn. Waxa uuse ku shallaayay ”haddii aan horay u ogaan lahaa tan in ay dhacayso, sow isma doonaneen oo kuma mehersadeen oo adiga oo aan is leenahay ma aadan baxdeen maanta.” Warba asigaa leh. Islahaansho ma xuma ee meher la kala dhoofayo in aan mucaaradsanahay maba oga. Aniguna uma sheegin oo waxba lagama qaban karin micno ay samayn lahaydba.

 

Waxay ahayd maalintii Ciidul Fitra la ciiday maalintii ku xigtay oo ahayd 6da bisha Abriil1992. Malintaas ayaan ka soo dhaqaaqnay dhulkii iyo dadkii aan naqiin oo u soo baqoolaynay dhul iyo dad aanan aqoon u lahayn. Waxaan dhanka koonfurta uga soo dhaqaaqnay magaaladeenii Xamar. Waxaan afka saaraynay jid duur dhexdii qardo jeex ah. Waxaan ka soo cararaynay qabiil, waxaan ku dhax safraynaa dhul uu isla qabiilkii ka talinayo. ”Kud ka guur oo qanjo u guur” ma maqli jirtay. Xaajo waa taas. Waxaan ka dhaadhacsiinay dadkii aan gaariga la saarnayn in aan nahay Habargidir. Waxaan ka leexannay magaalada Walaweyn (Daafeed) oo jidka tooska ah iyo Baydhabo laguma dhaco in la maro. Duurka ayaa marka meel aan waddo ahayn lagu soo dhaco raggu geedaha jarayeen si gaarigu meel uu maro u helo. Sagaal maalmood oo aadan ogayn in aad ka gudbi iyo in kale ayaan u dhaxaynay inta u dhaxaysa Xamar iyo Doolow Soomaaliya oo gawaarida Addis aada ay ka baxaan.

 

Dhimirkaygu waa dhiifoon yahay oo weeraha afka ka soo baxaya ayuu ilaalo ugu jiraa. Wuxuuna leeyahay ”haba lagu kashifee, adigu ha is kashifin!” Habeen habeenada ka mid ah waxaan u hoyannay, Xasuustaydu waxay i leedahay magaalada aan u hoyannay waa Diinsoor. Markii aan soo galaynay rag ma ahan e dumar iyo carruur ma joogin. Qaabbilaad ka dib iswaraysi ayeey noogu sheegeen in COL duulaan ah la filanayo oo ay dhaqaajiyeen maatadii, ragguna ay u hareen in ay dagaallamaan. Raggan sida ay noo martisooreen abid ma hilmaamo.

 

Subixii danbo, aroortii ayaan ka anbabaxnay annaga oo Daa`inka badbaado u waydiinnayna. Labo cashana magaalo aan u malaynayo in ay Xudur ahayd ayaan ku hakanay oo aan gawaari kale ku sugaynay, si kolonyo la isugu raaco oo loogaga gudbo ”Aakhiro ka bood.” Xasuustayda waxaan u haystay in ay ahayd magac u baxay halka waddada Xudur ka timid ee u socota dhankaa iyo Doolow iyo tan Gedo ka timid ee ku socota Luuq ay iska goynayaan. Halkaasna sheeko, Hawiye iyo Daarood ayeey isu bedelaysaa. Buug uu qoray Saleebaan Maxamed Saciid (Dhoodi) oo uu ugu magacdaray ”Calafla`” oo hadda i agyaal ayaa ku sheegaya magaca ”Naar ka bood”, waana isla goobta aan ”Aakhiro ka bood” ku sheegayo. Qoraagu waxa uu leeyahay ”Naar ka bood” waxay ahayd magaca ciidanka waddada ka gudbiya shacabka safarka ah oo labada dhinacba ka abuurnaa. Qoraagu, Luuq ayuu ka yimi marka uu ka tallaabayay isgoyskan. Akhrinta buuggan xasuustaydii ayeey micne kale u yeeshay oo waxaan isleeyahay sababta aan gawaarida kale u sugaynay ciidankan ayaa doonayay dhowr gaari oo ay hal mar mootiyaan waddadan isgoyska ah ee Hawiye iyo Daarood kulminaysa. Ka dib waxaan xasuustaa in aan waadi cusbo ah soo dhax marnay oo ay nagu qasabtay in aan ka degno ”Siisoowgii Sabaaxa ahaa” ee aan saarnayn, madaama bankan cusbada ah uusan sinnayn oo laga baqay in dadku ka hoobtaan gaariga. Gaarigii wuxuu socdaba waxaan soo gaaray Doolow.

 

Dad aan isnecbayn haddana kala cabsanaya

 

Waa la wada daalan yahay. Abti, xaaskiisa iyo nuune yar oo ay ku curteen baan la socday. In aan nabad nimi waa in qoyska, kuwa aan ka soo tagnay iyo kuwa debedda jira lagu wargeliyaa. Si aan dadkii ula xiriiro aniga ayaa waxaa la ii diray magaalada Suufka oo ku taal Itoobiya. Waxaan ku socdaa Mandheera, Kenya oo adeerkay deggan yahay. Galab ayaan soo galay Suufka. Dukaan baan weydiiyay qof Murusade ahi in uu magaalada deggan yahay. Waxaa laga yaabaa in aad isweydiiso ”maxa ay ku falaysaa Murusade, Soomaali ayada oo u jeedda?” Xasuusnow Soomaali waa soo qaxday oo Suufka qofna shaqsi shaqsi noo ma yaqaano, balse qabiil haddii aad waydiiso guri baa farta laguugu fiiqi. Gurigii iigu horeeyay ee farta la iigu fiiqay ayaan ka helay dhowr ilmo adeerraday iyo ilmo abtiyaday ay dhaleen oo aan waalid u ahay. Niyadda ayaa ii degtay oo qoys baan helay. Subixii xigay baan aadnay Mandheera oo subaxa ilaa galabta 4ta/5ta galabnimo aadan sharci u baahnayn, waase in aad ka soo baxdaa ka hor waqtigan. Waxaan tagnay meel tilifoonada laga dirsado. Waxaa jooga nin dhalinyar ah oo aan gaariga Xamar iskala soo raacnay. Waxa uu ii sheegay in uu la hadlay walaashiis oo joogta Talyaaniga. Waxa uu yiri walaashii waxa la joogay gabdho raadinayay qoys Murusade ah oo nin, labo dumar ah oo dhalinyar iyo nuune yar ka kooban, uuna ugu jawaabay ”kuwo Habargidir ah oo tilmaantan leh ayaa gaariga nala saarnaa ee wax Murusade ah ma saarnayn, gaariga shalay soo galay Doolow.” Iska ciyaal Xamar buu ahaa, sidayda. Si daacad ah baan u wada qosolnay markii aan ku wargeliyay in aanan ahayn Habargidir sida asiga oo aan ka mid ahay qoyska la waydiiyay. Reerkii baan la hadlay, adeer baan la kulmay, ka dibna waxa aan ku soo laabtay Doolow oo aan Addis Ababa ka soo aadnay. Cilladda dagaalka qabiilku waxa ay ahayd mid dadka ku qasabtay goobta dadka ay isku qabiilka yihiin ay joogaan in ay tagaan, balse laabta dadka cudurka qabyaaladda qaar baa ka fayoow. Tusaale: Addis Ababa aniga oo jid maraya ayaa waxaa i faduuliyay dhalinyaro Itoobiyaan ah. Wiilal Soomali ah oo meel ay ka soo baxeen aanan garanayn ayaa dhalinyaradii meel saaray, ka dibna aan isu sii raacnay suuqa. Ebtelo waxay dhacday markaan suuqii Soomalida nimid ee aan ismacasalaamaynay si qofba maqaayadda qabiilka ay tahay dadkiisu ay fadhiyaan uga shaahayso. Garo waa wiilashii ii soo dagaalamay oo sumcadayda iyo walaaltinimada dhowrayay. Inkasta oo aan tilifoonada xaafadaha aan kala qaadanay, haddana ma wada geli karin isku maqaayad. Cudurkaas dad badan oo aan ku qasbanayn buu weli ku harsan yahay. Kuwaas waxaan Waaxidka u waydiinayaa in uu qalbigooda qabow ku shubo, saa kalama maaranno e.

 

AFMEERID

 

Akhristow geeri kolkii ajashaadu timaad uun baad calfan oo cidna naf aan Eebbe soo dalbin ma qaadi karto, balse waa la isku sababaa aadanaha. Bal eeg waxaan ku fakaday muddo in aan ahay Gibil Cad. Waxaa xigtay xilli haddii aad tahay Gibil Cad uu malaggaa galay. Waa xilliga la bixiyay hawraarta ah ”Mukulaal Madow.” Waxaan ka soo baxsaday Habargidir in aysan wax i yeelin, marka ay ogaadaan qoloda aan ahay. Waxaan ku soo badbaaday oo jidka ku soo maray in aan ahay Habargidir. Yaan ku badbaaday? Yaanse ka badbaaday? Allah baan ku badbaaday oo iga badbaadiyay xumaan iyo xanuun. Taas waa gundhigga noloshayda maanta oo geeri kama baqo. Alle waa og yahay, way jirtay beri aan Alle ka baryi jiray ”Alloow waan ogahay oo maalin uun waad i oofsan ee maalintaas Alloow ha ka dhigin inta aan ubadka aad igu ammaansatay ka gaarsiinayo kuwo isku filan. Taasi waxay ahayd intay carruurtu yaryareed oo aan ahaa hooyo keli xarbinaysa oo korinaysa carruur. Waxaa macquul ah in aad istiraahdo, wax badan ayeey gabadhani ka carartay in ay keli wax koriso, balse waxay ku danbaysay keli wax korin. MAYA, maya! Xaalku sidaa ma aha. Waxa aan diiday oo aan welina diiddanahay waa guur meher iyo masuuliyad ah adiga oo ku qafillan, kaligaa wax kori. Mahad Alle in aan guursaday, Alle ubad iigu deeq. Karti iyo adkaysi iigu daray. Maantayna tan iigu yar waxa ay sannadkan buuxisay labo iyo labaatan sanno. Saddexda carruur ihiba waa wada shaqaystaan oo naftooda hadda ayeey kaafiyaan. Sidaa darteed mahad Alle baan leeyahay haddii maanta ay ajashaydu timaado.

 

CAFIS

 

Walaal, asaxaabta ka mid ah, ayaa igula taliyay in wax qabiil ku saabsan aanan qorin, asaga oo ka cabsanaya in ay daarto dadka ka shidaalka qaata qabyaaladda awr ku kaciska ah. Sababtaa darteed waxaan soo xiganayaa baydka 5aad iyo 6aad ee maansada magaceedu yahay ”Dariiqeen ku gaarnaa?”,w/c. Abwaan C/raxman Maxamed Bashir (Karama).

 

Dabka shidan dalkeenii

shalay iyo doraadtiyo

maaha duhurka maanta ah

mid ladaadaheeyoo

dogobada lasaaree

doodda iyo sheekada

taariikhda duugga ah

miyaan lagu dareynoo

sooyaalka daabacan

dacayga iyo shakaalkiyo

dabarka laga fureynoo

farqiyada dahsoon iyo

si un daawo loo helo

diirka laga qaadeyn?

 

Dhibku waa dul iyo dacal

darxumooyin baa dhacay

dirir iyo col joogta ah

inaan dabada heynoo

dallaaliin shisheeyiyo

cadow nagu dul heesaa

doqoniimo weeyee

daqaradii lakala galay

qalbiyadii lakala dilay

dadkii leyska leynjiray

dulmigiyo fasaadkii

dakanooyinkii hore

intey nagu dambeeyaan

oo aan dubaaqiyo

dahrigeena laga tirin

dawo yeelan meynee

isku duubni iyo sharaf

dowladnimo iyo calan

daacadnimo iyo qaran

dariiqeen kugaarnaa?

 

Maansada oo dhamaystiran ka dheego xarigan:

 

http://warsheekh.com/articles/5084/Dariiqeen-Ku-Gaarnaa-Maanso-ka-mida-deelayda-qarniga-21aad-BYkarama

 

Ku mahadsanid waqtiga aad gelisay in aad akhriso qormadan qotada dheeraatay. Waan jeclaa in aan goos goos idiinla qaybsado balse xiriirka dhacdooyinkan ka dhaxeeya ayaa qasbay in aanan kala reebin. Fadlan wixii faallo ah iigu soo dir: kulmiso18@gmail.com. Mahadsanid

 

W.Q. Luul Xasan Kulmiye (Luul Araweelo)

3-da Agoosto, 2018

Oslo, Norway

T.t. Saynab Aadan-Sharci

London, UK

39-ka Agoosto, 2018

 

GARASHOY KOBCIN - GUUROW DHAQASHO!

Sheekada 2aad

 

Ma maqli jirtay waano abuuris baa ka horreysay? Hadda waa maammul ababin baa ka horreysay.

 

HOOYO WAA HORFIIQAHA NOLOSHA! Ilaahow hooyaday u naxariiso, adduun iyo aakhiraba. Aamiin. Hooyaday waxay ahayd suuqley maalinle ah oo daal badan ka mudata muruqmaal xalaal ah. Habeenka, marka ay ka timaado suuqa ayay haddana annaga oo afar ah isugu kaaya dari jirtay kormeer, ka waraysiga layligii casharrada, ka waraysiga maalinteennii iyo u tabaabushaysiga maalinta xigta.

 

Waxaa xasuusahayga ka mid ah in aan ciyow ka koray alaab’alaabayda, carro ku ciyaarka iyo waliba in aan dirac iyo dahab xirtay aniga oo uu facay wali ku mashquulsanyahay ciyaaro carruureedka. Waligay is ma dhihin hooyadaa waa rafaadsantahay! Waligey is ma aannaan tusin in wax naga maqanyihiin ama nagu yarhihiin. Alle mahaddi, dadaalkeedii waxay ku gaartay in ay ugu dambayntii qorraxda ka xarooto oo ay bakhaarrey noqoto.

 

Maaddaama ay hooyo quutulyoonkeenna suuqa u fadhido, aniga ayay madaxa guriga iga dhigatay, illeen curaddeedii baan ahay e. Sida dhaqanku yahay, xigtadu waa kuwa is garab qabta oo wax is tara. Haddii ay dhacdo in qof xigto ah uu yimaado oo uu waxdoon yahay, hooyana ay maqantahay, waa uu ogaa xigaalku in aan booskeeda ku jiro oo la la ma sugi jirin wayddiinta iyada ee qaaraanka, sadaqada iyo xaqaljeebkaba aniga ayaa bixin jiray. Daalka hooyo waa ii muuqday oo waxaan ku hammiyi jiray oo aan dhihi jiray, ”hooyo anigu qalin iyo warqad ayaan ku shaqayn doonaa.”

 

Maammulkii qoyskeennu waxa uu ku wajahanyahay hadda maammulka qoyskeyga. Waxaan guursaday aniga oo sannado badan soo maammulay aqalka qoyskeenna oo ka koobnaa hooyo iyo afar carruur ah. Hooyaday lacagta ayay soo shaqayn jirtay, aniguna qasnadda qoyska ayaan hayay oo aan waliba si maamuus leh u maammuli jiray.

 

GUUR IYO GARASHO

Guursaday, iyada oo aan wali la i maammulin, haba la ii taliyee. Waxaan maqli jiray, ”inantu marka ay guursato, iyada ayaa maammulka gurga iska leh.” Haye! ”Ninkana marasho iyo masruuf bay ku leedahay.” Ii wad sheekada! ”Wax aysan isaga kaga amar qaadan ma bixin karto.” Lakiin, aniga taasi i ma khusayn jirin berigaa aan maqlayay. Sababta aysan ii khusayn jirin waa maxay? I ma khusayn oo guur ma gaarin markii hore. Ka dibna inan baan ahaa bannaankeeda marta.

 

Haddanna? Hadda, caawa guur iyo dhaqan baa hirgalay oo waa dadabgalka aniga iyo saygayga cusub! Sawir baa ii baxay! Waa sawir sidee ah? Ii sug aan keydka xasuusta fagee, haddii hummaag iiga jiro! Waan kuu sharraxayaa ee dhegayso.

 

”Soo daa” dheh! Waa Luul oo hee…? Waa iyadii oo la maammulaayo oo iska daa xigto ay wax siiso e aan deriska cusbo siin karin, ilaa ay saygeeda amar buuxa ka qaadato! Ma mar kasta? Maalinta kali ah, imisa jeer bay amar warsan? Haddii uusan joogin maxay yeeli? Ma ku noolaan kartaa sidaa? Aniga ii ma cuntamin taasi. Sababta oo ah; qof garashadeeda la konciyay oo wax gasha waxna gudda ayaan isu arkaa. Gedgeddiyay oo Waaxidka la faqay, ”Ilaahow sideen kuugu xirnaadaa oo kugu caabudaa, aniga oo maammushadaydii ah oo aan kugu caasiyin? Jawaab baa soo cagadhigatay! Ma garan kartaa jawaabta ii timi? Mawlow mahad! Jawaabta timid waa wayddiin. Ayaa la waydiin haddaba? Yaa kale, sayga ayaa la waydiin. ”Waa kugu kaligaa” ayay i tiri maskaxdii.

 

La showrkii maskaxda ayaa halkaa ku dhammaaday. Xiska isla hadalkiisii ayaa xasilay, marba haddii wadiiqo xal ku meel gaara ah la helay. Sayga maxaad u sheegtay? Muxuu ku jawaabay? Kolley waa aad is wayddiin. Habeenkii dadabgalka, kolkaannu isu keliyownay baan ku iri: - Macaane! Dad Muslim ah baannu nahay oo guurka masuuliyado ina ka dhexeeya iyo kuwo inoo kala gaar ahba waa ay ku dheehanyihiin. Waad i garanaysaa oo igu tiqiin maamuuska iyo maareynta aan guriga hooyaday ku maammuli jiray, taana kaaga sheekeyn mayo. Sidaa darteed, wax baan doonayaa in aan ogaado e ma ku wayddiin karaa?

- Waad aad i wayddiin kartaa e soo daa! - Ma waxaad rabtaa in aan kula sugo oo amarkaaga mooyee aanan bixin karin wixii na la ka soo doonto ama aan anigu garto in aan bixiyo, waa haddii aannu awoodno e, mase waad ii fasaxaysaa haddaba in aan go’aamin karo oo aan maammulo awooddeena dhaqaale? Dabcan, wixii wada tashi u baahan waannu ka tashan, balse xigto baahan wax siinteed miyay u baahantahay wada tashi, marba haddii Eebbe innagu irsaaqay oo haysanno wax aanay iyagu aanay haysan?

 

- Horta mahadsanid. Waxyalahaan kugu doortay bay ka mid ahayd shaqsiyadda kobocsan oo lagu barbaariyay soo dhowaynta iyo ka warqabka xigtada iyo asxaabta. Sidaa darteed, ma doonayo in aan isku dayo wixii aan kugu doortay in aan wax ka beddelo ee ogow xor baad u tahay maammulka guriga iyo waxa innaga dhaxeeya.

 

Farxad labaad bay ii noqotay tani. Dabcan, farxadda koowaad waa dadabgalkeenna. Waxaa suuragal ah in aad is wayddiinayso: haddii uu si kale u jawaabi lahaa maxaad fali lahayd Luuley? Cilmiqaybka ma ogi oo ma garan karo waxa aan fali lahaa, balse waxaan rumeysanahay in Ilaahay (swt) uusan i badayn wuxuu ii qoray wax i reed marinaya. Waligay maamushaan ahaa. Ilaahna waxa uu iigu deeqay caqli, cilmi iyo jihayn nololeed. Mahad Alle! Dhab ahaan, haddii ay sidaasi dhaci lahayd, maxaad yeeli lahayd aqristoow?

 

Dagaalka sokeeya waxa uu baday ummadda oo dhan iimaan la’aan. Kan wax haysta iyo kan aan haysanba waa ay wada gacan godanyihiin. Mararka qaar, saddaqadii baa shaki lagaa gelinayaa. Maddaama aadan dadka gacan wada gaarsiin karin, waa qasab in aad kan dhibban hor mariso. Masuuliyad dheeraad ah baan iska saaray in aan u kuurgalo qofka lagacta i wayddiisanaya oo dalkii ka soo wactamaya. Xigto, asxaab iyo derisba waa ay soo wactamayaan. Marna ma karhin wiciddooda. Saygayguna marna ma dhibsan, marka aan ogesiiyo inta aan bixiyay iyo qofka aan ku bixiyayba. Waxaa ka mid ahaa dadka i soo wacay ganacsato caafimaad dartiis qarash looga baahday. Waxaan ugu jawaabay, ”hadda ma awoodo ee dhaqaalaha ganacsiga aad ku hayso iska dawee. Haddii dhaqaalaha markaa hoosudhac wax u dhibaya ganacsiga uu ku yimaado, wixii awooddayda ah waan kuugu dari, balse maanta adiga ayaa iga dhaqaale badan oo kayd aanan lahayn leh e Alle ha kuu barakeeyo.” Ka gadaal, qofkan eedayn baa iiga timi, balse uma aanan arag mid xaq ama sax ah. Beri danbe oo labadayadaba ehelkeenna, asxaabta iyo deriskuba la qabsadeen in labadayada qofkii ay helaan uu kan kale yahay ayaa waxaa dalkii qabtay saygayga. Sideedaba aniga ayaa guriga u badnaa. Galbaha, marka carruurta aan dugsiga xannaanada ka keenno ayaan qofka soo waca guriga ka qaban jiray. Isticmaalka taleefanka gacanta sidaa uma badnayn oo dadku safar bay u soo geli jireen halka taleefannada laga dirsado. Si aanan u badin in qofkii mar kale u soo goosho ayaan labadayaduba ballamin jirnay waqti cad oo ay xawilaadlaha yimaadaan.

 

EED DULMI AH Saygaygu markii uu tegay dhulkii oo uu la kulmay xigto badan oo ah kuwii aan wax u diri jirnay ayay qaarkood kala dul dhaceen eedayn ah ”waligaa wax ima aadan siin.” Yaab! Kolkuu waraystay oo uu wayddiiyay ”miyaanay Luul kuu soo dirin xiligaa iyo xiligaa?”, waxa loogu jawaabay ”Luul adiga ma aha.” Mucjiso waa qofka aan qaddarin xurmadii lagu sooray. Aniga iyo saygaygu waxaannu nahay hal qoys oo hal kasnad leh. Marka, wax ma garato siday ugu fekertaa ”kala labo ayaad tihiin”? Saygu dhibsay eedeynta aan tiirka lahayn. Soo laabay oo ila fariisay. - Luul, waan ogahay in aan kuu fasaxay, waana ku faraxsanahay sida wanaagsan oo aad inoo maammusho, balse dadkani shaqsiyaddayda eedeyntoodu waa ay dhibsatay. - Ka warran haddii aan shaqsiyaadka ay khusayso marka ay guriga soo wacaan ugu jawaabo wixii maanta ka dambeeya, ”saygaygii waa uu maqanyahay ee ku soo celi, xilligaa ayuu imanayaa e”? Marka ay i wayddiiyaan, ”maxaa is beddelay, shalayba waad na siin jirtay’e”, aan ku iraahdo ”shalay naxariis baannu wada go’aaminnay anaga oo hal qoys ah, balse xumaan baad nagu xukmiseen, marka ’nin rag ah ma ahidii’ baa sababtay in aad ”ninka ragga ah kaligi” wax ka sugtaan. Labadayaduba waxaannu mar labaad go’aaminnay in aannu sideennii hore isu maammulno, inta aan ka ahayn dadka caabudaya ama ku gabbanaya ’ragganimo’ ku xodxodashada, si ay u labacanleeyaan. Abidna dhaqaale iskuma aanan qabsan aniga iyo saygu, xataa kala taggeenii dabadii. Guurku waa xarig ay labada dhinac ka xajinayaan lammaane nolol isku darsaday. Haybaddu ma aha mid mid u raalliya ee waa isla talin iyo wada talin ku qotonta yoolka aayaha labadoodu ay higsanayaan. Guurku waa halgan nololeed oo u baahan difaac iyo gaashaan adag. Haddii lammaanuhu aysan ahayn kuwa isku tiirsan oo iska warhayn, iswaraysi, wax wada qaybsi, ballan ilaalinta sharaftooda iyo tan qoyskooda ku salaysan ay u dhexayso, waa uu wiiqmayaa xiriirkoodu. Waa la mid iyaduna marka midkood uu noqdo qof laabtiisa ay ka adkaadaan kuwa ku xoonsan goobaha fadhikudirirka iyo xanta qofka kale ee ”rag iska dhig” iyo ”ninka ka faraqabso” uun aan dhaafsanayn. Aqristow taladaydu waa; haatuf ku ma duulin karee, ha ka yeelin in aad baalashiisa ku dhegto!

 

W.Q. Luul Xasan Kulmiye (Luul Arraweelo)

29ka Luulyo, 2018;

Oslo, Norway

T.t. Boodhari Warsame; Göteborg, Sweden 

31-ka Luuliyo, 2018

 

Heestan waxaad moodaa in dardaarankii hooyaday laga qoray

Fadlan dhagayso ka dib marka aad akhrisid "GARASHOOY KOBCIN, GUUROOW DHAQASHO." Mahadsanid

Waxaad moodaa hooyaday talooyinkeedii oo la soo guuriyay. Ilaahoow hooyaday adduun iyo aakhiraba ugu naxariiso oo ka yeel kuwa aad jannatul fardowsa ugu bishaarayso, aamiin.

SAFAR DIB U LAABAD AH! 20-sanno kadib markii aan ku laabtay Soomaaliya.

Sheekada 1aad

 

Dhacda wali dharaar lehe bal aan mid idinla wadaago. Xilligu waa maarso 2012. Waxa aynu nahay arday haddana xirfadlay ah oo ka mid ah dhallinta cuslaatay oo dalkoodii berri hore colaadi ka soo hayaamisay, haddana ku nool oo ku dhaqan carriga Norway.

 

Dhammaantayada waxaynu nahay dad jaamacadda heerka 1aad ama 2aad ka haysta oo hadda ku shaqeeya xirfaddooda. Waxa macquul ah in aad iswaydiinayso waxa aynu baranayno oo isu kaaya keenay? Ayaankayn ee magaalo Hamar loogu magac daray oo ka mid ah carrigaNorway ayaa Baresare Maxamed Haashi Dhammac (Gaarriye AUN) waxa uu kula galay heshiis in ”Taariikhda iyo Hiddaha Afsoomaaliga” heer jaamacadeed lagu dhigo. Barayaasha daafaha caalamka jooga oo ayagu ku takhasusay taariikhda iyo hiddaha Afsoomaaliga ayaa isu beddelayay casharada, mugga iyo meeqaanka wayn oo aan innagu nasiibka u yeelanay in aan carri qalaad ku qaadano. Waxa uu soconayay muddo sanad ah. Balse saddex lood markii uu Machadkii soo saaray ayaa Gaarriye geeriyooday (AUN). Geerridii Gaarriye (AUN) waxay sababtay in hoggaankii huleelo oo hankii hafto,kadibna dhigidii joogsatay. Intaasi horudhac bay ahayd oo heemaalka dhigidda ayaa ah arar u horaysiin. Haddana gogoldhigii bal iila hayaan.

 

Garashadu waa hibo, balse qof colaadi hayaamisay oo ammaan doontay waqtiga, waayaha iyo himilooyinka kaladuwan in ay la socoto ma moodo ee nolosha ayey la hardamaysaa. Haddase goob ayaa inna kulmisay oo waxaynu u soo haloosnay, Norway daafaheeda isaga soo gooshnay, waa wax ka wayn cilmi kororsi. Waa maxay waxaasi? Waa hamuun iyo han korarsi! Hoodo iyo ayaan in aynu burburkii kadib, innaga oo joogna wadan qalaad aynu heer jaamacaddeed Afkayagii ku dhigano. Qaarkayn barrasho afeed uma laabna ee yoolkoodu waa shahaadda Norway ha kuu gasho in aad, udhalasho ka sokow, leedahay cilmiga taariikhda iyo hiddaha afkaaga. Qaarna waaba u hidaayo in ay bartaan tagtada waayaha askunka Afsoomaaliga iyo timaadada lagu naaloonayo. Badankayn aqoon isu ma lihin oo abid isma arag. Is arageennu caloolsami, raynrayn iyo isxog warsi nolosha guud gadaasheed, warkii waxa uu u hinqaday xagaa i carrigayagii. Hilow daltabya ah, xasuus iyo naallo iswaydiin bay u gudubtay. Qofba sheeg goortii ugu danbaysay, in uu weli laabtay iyo inkaleba. Hinaayo hinbiriirsad u gudubtay baa igashay oo gogashii aan uga huleelay.

 

KALI IYO KARIINKAY WEHEL BAA U YIMID:

Waxaan soo cagajiidaba imid qol aan albeergo kaga jiray. Dareen i yiri, isla faq, baa i hilay. Xiska baaray oo xasuustay in aynu bartankii maarso, 2012kii xilligu yahay. Qalaw igu soo tiri in aan carrigayagii ka soo hayaamay horraantii April 1992. Xisaabin ku dhaqaaqay oo helay in maalmo keliya iiga dhimanyihiin 20-sano, ka soo bilaaw maalintaan dhulkaygii kasoo tagay. Xisku tali oo yiri waa in aad dhaqaaqdaa! Laabtu ka dabo keentay digniin leh dib u joogso. Xamar baan doonayaa mana xasilna! Aniga oo ku harreefsan loolanka ay xiska iyo laabtu iigu jiraan ayaan ku baraarugay ciyidda talafoonka, sidii qof hurdo ku jiray baan haabhaabtay oo helay. Bariidin kadib qofka ila hadlaya waa wadey ka mid ah inta aan weheshado oo aan ku kalsoonahay! Hilaac baa ii baxay oo bajintii laabta hanqar baa aamusiyay! Talo waa tii Alle`e xiska ayaa xilka la wareegay! Wadeygan waxa uu muddo ka shaqaynayay wadamada Geeska Afrika. Waxa uu igu wargeliyay in loo bedelay xafiisSoomaaliya ah oo u ka dagan doono magaalada Xamar 1-da Apriil! Ismaqlay in aan iri ”aniganna 2-da Apriil i filo”. Dib baan isugu laabta oo yara qooraansaday … cajiib way aamustay! Maqsuudna u dheer, misanna hoostay ka guryamaysaa oo waxay iswaydiinaysaa ehel, asaxaab iyo xaalkooda. Juuqda keliya oo aan ka maqlo laabta, joogsi la`aan waa dardaaran ”Xasuusnow 20-sano baad soo maqan tahay, mab`dayo kala duwan iyo colaado lagu hoobtay bay dadku soo mareen, kalsoonida wadeygaa ku ekaysiiso, Xamar ehel iyo asaxaabta kuu joogto dhab isu garan maysaan oo isbedello jira iyo dagaalka socda dartood waa in aad foojignaataa! Lur la`aan hagaag iri, saa marka xisku ku hagayo xayndaabkaad ka baxdaa oo xayirkaa yaraada`e.

 

IS-ABAABUL IYO MAQANE JOOGNIMO Waxsan sugi la`ahay inta laga gaarayo 3-da Apriil oo tigidha aan goostay iga ambabixin doono Oslo, Norway, aniga oo Xamar ku wajahan 4-ta Apriil. Xiiso iyo xirxirasho ayaan ka dhammaan la`ahay. Wax kale iima muuqdaan balse bulshada igu heeran baa waydiimo igu soo noqnoqday i waydiinaya ”Maxaa qaldan? Siday wax u jiraan? Maxaa kugu dhacay?”IWM. Yaab iyo amankaag bay igu noqotay in aan garto waxa dadku arkaan oo badaya in ay i waydiiyaan sida wax u jiraan.Saa waxaan yaqiinsaday in aan maqane jooga ahay oo ka shaxayo meel kale oo aan ahayn halka dadka i waydiinaya waydiimaha aan la joogo. Waxaa ii caddaatay in laabtii si iga dahsoon xasilooni daro jirkayga u baday. Say rabtaba ha ahaato`e la gaar xilligii anbabaxa. Ka duulay Oslo oo tagay Istanbul. Xasiloonidaradii waatan iga duushay markii aan soo galay halkii dayuuradaan raaci lahaa ay diyaar ku yihiin. Waan muusooday kolkaan soo galay hool afar turki ah mooyee inta kale soomaali, Xamar ku wada socota tahay.

Halkaa baa Xamar iiga bilaabatay.

 

Nabad nimi Xamar! Dayuuraddii marka aan madaxa kala soo baxay baan maqlay cod aan garanayo oo sacbinaya kuna hadaaqaya ”Ar daya waa Luul, horta ma timid, soo dhowaaw”! Hoos u eegay. Waaba horfiiq aan garanayo oo farxad iyo wajifuraan foolkiisa aan ka dheehanayo. Hareeraha eegay oo yaqiinsaday in aanan koyto ahayn. Horfiiqii i waydii ”Gaari miyaa ku sugaya?” Ku jawaabay ”Maya waan wacayaa oo xafiis aan madaarka ka fogayn buu joogaa wadeygay oo inta aan waaxda socdaalka ka dhamaanayo uun buu imoogaan.” Igu yiri ”wac oo u sheeg in u iska shaqaysto oo aad gaari haystid.” Yeelay! Nimco waa tan Ilaahe, dadkaygii ku dhaxmilmay. Shandadahaygii la iisoo qaad oo gaarigay agyaalaan. Farxaddii iyo raynrayntii kaga tagnay! Hoteelkii uu wadeygay ii sii diyaariyay nimi, fahanay waxaan soo ilownay. Isu diyaarinay in aan laabano. Annaga oo aan meel fog gaarin ayaa taleefankii horfiiquhu ciyay. Waa horfiiqe kale oo meel naga fog ka arkayay in aan ka tagnay shandad. Waxa uu innoo sheegay in uu soo qaaday balse hadda uu dad geeyay oo uu ku suganyahay xaafadda Cabdicasiis. Ma kuu nimaadnaa niri.Saa yeen ”maya anigaa soo socda ee isugu kaaya keena hoteel Naaso Hablood” kaas oo ku yaal KM 4.

 

Halka aynu mareeyno kama foga hoteelkaa. Waxaan is hortaagnay Tareebiyaano oo aan cabitaan ka iibsanay. Halmar bay innoo yeertay JUG xoogan oo dhulka aan ka dareenay. ”Waa maxay waxaasi?” waydii horfiiqihii ila socday. Saa yiri ”Meel ay tahayba meel baa qaraxday!” Subxaanallah, Ilaahow ummaddaada amaanso” afku boob. U hilhilanay in aan gaariga guddaha u galo. Waaba ciidan ciidaa dhan oo innagu amraya ”ka dhaqaaqa meesha”, annana ayidnay. Daqiiqad kaga warhelay in Golihii Murtida iyo Madadaalada ay tahay halka qaraxu ka dhacay. Gadaalna ka ogaanay in ay ahayd gabar waxa isku qarxiyay madasha. Innaa lillaahi wa innaa Ilayhu raajucuun, Allaha u naxariisto intii ku nafbaxday qaraxaa. 20-sano ayaan ka maqnaa wadanka, hadda oo aan 2 saacadoodoo keliya joogana waxa dhacday masiibo ummad galaafatay. Maalintaa haddii laabtu i wadi lahayd dayuuradii aan ku imi kama hareen. Mahad Alle in xisku i kaxeeyay oo i waday.(Laabtu waa muhiim laakiin go`aanka ayadu in ay yeelato ma aha.)

 

Waxase igu soo dhacay in aan hooyaday iyo asaxaab badanba u sheegay in aan u xiiso qabo Masrixii Murtida iyo Madadaalada oo aan rabo goobta ugu horaysa oo aan booqdo in uu noqdo. Hal marbaa sawirka u sawirmi kara ii sawirmay aniga. Taleefankii daf iri oo ka bilaabay hooyaday oo markay codkayga maqashay oo hubsatay in aan badqabo igu tiri ”hooyo waxaan is iri wadkeedii baa waday”. Annagu markaa waan qosli karaynay oo waa badqabnay, inkasta oo guryo badan laga barooranayay. Dardaaran iyo duco bay isugu kay dartay ka hor inta aannan u dhaqaaqin in aan wacocarruurtayda iyo xigtada inta kale. Shandadii soo qaadnay oo ku laabanay hoteelkii qolku diyaarka iigu ahaa. Ugu imid ina adeertay aan anigu sii wacay oo u sheegay halka aan ku degay. Gacal waa uu noocyo badan yahay balse soomaalida hal sawir ayeey istusaan marka ay arkaan nin iyo naag aan dhalyo ka dhaxay oo wanaag isu falaya. Saa intay ii soo dhowaatay bay igu tiri ”abaayo ma guursatay?”, qosal afka jaray oo waydiiyay ”maxaad aragtay?” Say tiri ”ninka wanaagisa iyo sida uu kuugu heelan yahay baan ka shakiyay! Ku wargeliyay in aynu asaxaab keliya nahay oo xataa wadanka in aan ku soo dhiirado maalinta maanta ah uu wadey kale ii horseeday. Maalmo wacan baan ku soo qaatay Xamar. Waxaan arkay in aan xog ogaal u ahay sar walba oo cusub iyo luuqa ay ku taal. Waxaan arkay in aan garanayo badanka inta dhaqaaqdo wadanka.

 

Waxaan dib u jalleecay noloshayda iyo magaaladdii aan 20-ka sano ku sugnaa. Waxaa iisoo baxday sababta aan u wada garanayo ku dhowaad dhammaan inta dhaqaaqda. Ka soo bilow 2004-tii waxa aan ka mid ahaa shaqsiyaadka u firfircoon arrimaha jaaliyadda. Kuwaas oo aalaaba abaabula ama ka qayb qaata soo dhowaynta iyo munaasabka walaalaha soomaalida ee soo booqda Norway. Iyagaas oo ka kala yimaada wadanka iyo daafaha dunnida intaba. Sidaanna aan ku bartay oo xiriirkeennu ku bilowday. Waxaa kale oo ayana xog ogaal magaalada Xamar dhismooyinka ku cusub iyo jidadka xilligaa la isticmaalayay, kuwa go`doonka ah iyo kuwa nolol maalmeedka ka midka ah i kala baray qaxootiga maalinkasta ka imanayay Soomaaliya, madaama aan turjubaan ahay. Ayagana badankood lagu imtixaani jiray magaalada Xamar aqoonta ay u leeyihiin, si loo hubsado in ay ka runsheegayaan iyo in kale. 20-kii sano oo aan maqnaa waxba uma aysan dhibin la qabsiga magaalada iyo jawiga markaa lagu jiray oo ahaa mid Dayniile iyo goobo kale oo magaalada dhaxdeeda ah uu dagaal ka haloosanaa oo ay Al-Shabaab ka xarbinaysay xilligaa. Say rabtaba ha ahaatee laabtaydii qiirootay oo qanacday igana joojisaay wax walba oo tashuush ah oo ay igu haysay. Alle Mahaddii!

 

Maalmahaas waxaa laga joogaa 6-sano iyo 3-bilood iyo weliba 20-safar oo Soomaaliya aan ku tegay. Waxaa Eebbe ii suurto geliyay in aan tago muddadan gudaheeda 12-gobol oo ka mid ah 18-kii gobol ee 1990-gii ama 5-qaybood oo ka mid ah qaybaha maanta la magac-dhebo. Insha Allah qaybta ii hartay Ilaahay ha ii kaso. Si kale haddii aan u iraa 5-ta gobol (1990) oo ii harsan. Taas waan ku haminayaa. Maqaalkan qoridiisa saakay ayaa waxa igu dhaliyay sheeko gaaban oo loogu wanqalay ”Safar” oo uu qoray xeeldheeraha tabaynta sheekooyinka gaagaaban, magac laga maskiin ma aha ee waa Saciid Jaamac Xuseen. Saciid Jaamac waxa uu ka midyahay tabliiqa Afsoomaaliga iyo dadka aan sida gaarka ah u tixgeliyo. Allaha dhowro idim Alle.

 

FG: Sheekadan aan qoray waa ka dheertahay mana hubo in aybuuxinayso xeerkii tabaynta sheekooyinka gaagaaban. Balse hurmuud bay u ahaayeen. Waxaan rajaynayaa haddii aad ka mid tahay inta weli aan qurbaha ka laaban oo ay laabtu ka adkaaday in aad xiska xayndaabka ka saarto si uu laabta u xakameeyo. Waa hubaal in aad ka bixi doontid ku noolasha naallada iyo hilowga marmar ku bada madluunnimada. Naf walba maalinta ay ajasheedu timaado cid ka hor istaagi kartaa ma jiro. Adiga oo taa cindiga ku haya in ay laabtu ku hakido waad ka bixi kartaa. Haddii aad tahay qof aan weli dib u jaleecin ama aanba ku fekerin in uu booqdo Soomaaliya, waxaan rajaynayaa in qoraalkaygan uu qaluubtaada u iftiimiyo baahida dalkaaga iyo dadkaag aad u qabto. Waan kaaga mahdinayaa akhrinta iyo waqtiga aad gelisay qoraalkan. Wixii faallo kale ah ama warcelin qoraalka ah iigu reeb halkan hoose👇🏽Mahadsanid!

 

W. Q. Lul Hassan Kulmiye (Luul Araweelo).

18-ka Luuliyo, 2018

Oslo, Norway

T.t. Abdirahman Abtidoon (Hargeisa, Somaliland) 

 20-ka Luuliyo, 2018

 

Dhacdada ay heestu ku bilaabanayso waxa ay dhacday 4-tii abriil, aniga oo labo saac keliya joogay Xamar oo aan 20-sanno ka maqnaa.

Dhagaysi wacan ka dib marka aad akhrisid qormada safartii 20-sanno kadib aan ugu laabtay dalkaygii hooyo. Mahadsanid Aar Maanta in aad samaysay heestan <3