"GORFEYNTA BUUGGA HAWAALE-WARRAN" Cabdinaasir Axmed Abraham. BISMILAHA, waxa ammaan iyo mahad idilkeed xaq u yeeshay Rabbiga igu galladay nimcooyinka tiro beelka ah ee ay ka midka yihiin; miyirka, maanka, tamarta, haleelka iyo caafimaadka aan buuggan ku akhriyay, kuna gorfeeyay. Hawaale-warran waxa qoray, Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" wuxuu ka kooban yahay 235 bog, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, 2021.Hargeysa-Somaliland. Waxa aan Hawaale-warran u akhriyay si aanan buug kale u akhriyin iyada oo ujeedkaygu yahay bal in aan si qoto-dheer u fahmo nuxurka dhambaallada buuggu xambaarsan yahay. Sababtuna waxay ahayd in uu dhiganahan qalinka u qaatay qofka aan ugu jeclahay hal-abuurka Soomaaliyeed ee nool, waa mufaker, filasoof iyo abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" Mugga culayska shakhsiyaddiisa iyo filashadayda karkaarrada jabisay ayaa igu dirqiyay in aan awooddayda ugu sarreysa ee dhugasho" Concentration power" u adeegsado akhriska iyo fahanka buuggan. Hadda ba, aniga oo dhawraya asluubta wanaagsan ee gorfeynta, buugga iyo akhristahana fursad isku siin doona, waxa aan ku ibo-furayaa weydiimahan iyo war-celintooda. S. Madaha xayn-daabka akhristayaasha buuggu xagguu dhacaa? Si kale haddaan u dhigno buuggu yuu la hadlayaa? J. Buuggu wuxuu guud ahaan la hadlayaa ummadda Soomaaliyeed ee gayiga ku nool, walaw meelaha qaar uu deegaanno gaar ka hadlayo sida Somaliland hadda na ma badna. S. Aragtiyaha Falsafadeed ee buugga Hawaale-warran ku dhisan yahay bartay kaga jiraan suugaanta abwaanka? J. Aniga oo badiyaa suugaanta Hadraawi xiftiyay, dhagaystay ama akhriyay markaan Hawaale-warran fahmay ayaan dib ugu noqday xusuus-dhawrka maskaxdayda bal si aan uga fakero aragtiyaha buuggu ilaha ay ka soo burqadeen marka dib luugu noqdo suugaanta Hadraawi. Falsafadaha saddex maanso ayaa hadheeyay buugga kuwaas oo kala ah; 1. Daba-huwan, 2. Sirta nolosha, 3. Iyo afku siran. S. Maxaan ku bogaadinayaa Hadraawi ee aan u arkaa dhaxal ummaddeed oo uu reebay? J. Kun arrimood oo wanaagsan oo bogaadin istaahila ayuu Hadraawi ummaddiisa uga tagaye si gaar ah waxaan ugu bogaadinayaa in qayb-qaatay korinta iyo kobcinta garaadka ummadda ma garanayo shaqo ka weyn oo hal-abuurka u taal. S. Maxaan kaga aragti duwanahay Hadraawi? J. Aragtiyaha buugga ku qoran ee aanan ku qancin qof ahaan duuduub ayaan meel u dhigayaa sababo jira awgood. Hasa yeeshee, laba qodob lama-huraan baan u arkay xuskood kuwaas oo kala ah; ▪ Aragtida Hadraawi ee dhaqankii Soomaalida xoolo-raacato guurtada ahayd ka dhigaya CEEB KA SALIIMKA. Kaasi oo aan qof ahaan qabo in dhaqankaasi meelo badan ceeb ku lahaa waanay furan tahay in la duri karo ceebaha dhaqanka "Cultural Critique" Sida buugga ka muuqatana Hadraawi wuxuu sababaynayaa ceebaha dhaqanka isaga oo door-bidaya in uu difaaco. Tusaale; a. Garaacista haweenka, b. Gudniinka, c. Duudsiga haweenka IWL. ▪ Aragtida Hadraawi ee gumaystaha reer Galbeed taasi oo dhalliishooda in uu ku talax-tago mooyaane aanu xusayn sida uu arko in xalku ku jiro iyo iyaga waa reer Galbeedka'e maxay ku wanaagsan yihiin ee laga qaadan karaa? S. Farriinta buuggu maxay tahay? J. Farriinta buuggu waa in la daba qabateeyo taariikhdii, aqoontii, aftahammadii Soomaalidu lahaan jirtay. QODOBBADA XIISAHA LEH EE BUUGGA. ▪Buuggu sawir wanaagsan oo farshaxannimo ka muuqato ka bixinayaa geeddiga nololeed ee qof inta u dhaxaysa dhalasho ilaa dhimasho. ▪Buuggu wuxuu sawir ka bixinayaa noloshii xoolo-dhaqato guurto ee Soomaalida isaga oo ku talax-tagaya ammaanteeda iyo xuska wanaaggeeda. ▪Buuggu wuxuu ka jawaabayaa; 1. Gabdhaha ma la gumaysan jiray? 2. Gabdhaha ma la dili jiray? 3. Gabdhaha ma la duudsiyi jiray? 4. Gabdhaha ma dulmi jiray? ▪Buuggu wuxuu bogaadinayaa jilibaabka haweenku xidhaan isaga oo saluug ka muujinaya meelo dib u eegis sixitaan u baahan in ay jiraan. ▪ Hal ku dhagyada buugga ee aan la ashqaraaray waxa ka mid ah; " Haddii anshaxu lumo waxa yimaadda jahli sababa in qofku dareenka dadnimo ka guuro." Hadraawi. ▪ Dhallaanka iyo qurbaha. ▪ Qodbidda gabdhaha. ▪ Rumaysnaanta ummaddu aamintay haddii aan aqoonsi la helin in aan waxba la qabsan karin. ▪Buuggu wuxuu sawir ka bixinayaa geeddiyadii nolosha bani'aadamka kuwaas oo uu saddex ku soo koobayo, waxaanay aragtidaas ka midaysan yihiin qaar ka mid ah culimada ku talax-tagtay "Anthrapology" kuwaas oo iyana marxaladaha nolosha bani'aadamka saddex darajo in ay soo martay ku sheega, kuwaas oo kala ah; b. Hunting and gathering. t. Postralism. j. Firming and agriculture. Hadraawina sidan ayuu u dhigay, waxaanu yidhi; " Beri baa dadku ba qaawanaa, dibed ku noolaaye, Ooy daaqayeen cawska iyo, darista geeda'e, Dareemada marbay ugu koreen, duudka buuraha'e, Dalan-baabi iyo guul-darriyo, doogga cuniddiisa, Dan baa galisay inay raadiyaan, nolol ka doorroone, Dugsi iyo markii ay heleen, dab u iftiimaaya, Ugaadhiyo markii ay dabteen, Deeradiyo Cawsha, Duunyada markii ay dhaqdeen, bahalihii duurka, Beeraha markii ay dageen, oradkii may dayne, Damac baa hoggaanka u qabtoo, door labaad raraye. Ugu dambayn waxa aan bogaadinayaa cid kasta oo wax ku lahayd dadaalladii uu ku soo baxay dhaxalkan ummaddeed ee ma-guuraanka ahi gaar ahaanna waxaan u hambalyaynayaa Muhammad Suleiman oo qayb libaax ku lahaa soo bixista buuggan xil weynna dhabarka u ritay oo is-xil-qaam, garasho iyo gobonnimo ku dhisan. Wixii sixitaan, soo jeedin iyo qabyo-tiri aan talo uga hayno na aan ku hagaajin doono.

Barkhad Jama Batuun: A Man on A Mission!

Immense socio-economic and political challenges anywhere produce, more often than not, a new wave of political thoughts and the people to turn them to a reality. In this part of the world, that is not the case. Challenges do exist and accumulate, but they rarely inspire new ideas or individuals to become catalyst for change. Having said that, sometimes rather unexpectedly, wild ideas and individuals turn up from somewhere, maybe from obscurity or bewilderment. This time in moment, Barkhad, the brave man of Somaliland’s traditionally marginalised communities, do fit these arbitrary criteria.

Against all the odds, from his birth to the present day, Barkhad has lived with, and miraculously overcome, enormous socio-economic and political challenges. With limited resources and limited examples to inspire him, Barkhad has graduated from the law school of Hargeisa University. He then moved on to fight in the employment market which, sadly enough, knows no mercy or rules for a level playing field. He then moved on to join the local political movements which, in no time, he rose through their rank and file to become the spokesperson of the main opposition party. By now, he is considered a battle-hardened soldier, who always wins. He is now preparing himself, and his community by extension, for another battle to fight. He put himself forward as a candidate for the upcoming Somaliland’s parliamentary elections, scheduled in May this year. This battle is more important and obviously, more challenging than any one he previously wrestled. To read the hold article click 👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽

https://www.hiiraan.com/op4/2021/mar/182097/barkhad_batuun_a_man_on_a_mission.aspx

 

Hooyo waa lama huraan. Hooyo aan caafimaadkeeda dhowrin waa uun mid ayaduna rafaadda saa carruurteeda ma daadin karto e. Hooyooyin badan danta ayaa badda rafaadka, balse waxa jira haween fursado qaali ah haysta oo aan ka faa`iidaysan. Walaal wax baro si aad isku filaan nafsiyan ah u gaarto oo aad carruurtaada hormuud ay ku daydaan aad u noqoto. Boggan waxaa la soo dhigi doonaa macluumaad ku quseeya caafimaadka hooyada iyo dhalaanka, si loogu faa’iideeyo waalidka carruurta Eebbe ku manaystay.

SOOMAALI SOOMAALI WAAYE!

Digniin culus oo laga soo saaray ilmaha aan si dhaqso ah naaska loo nuujin!

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in carruur tiradoodu ay gaarayso 78 malyan inay sanad walba marka ay dhashaan  qatar u galaan inay dhintaan saacadaha ugu horeeya noloshooda sababo la xiriira iyadoo aan naaska hooyada la nuujin.

 

Sida lagu daabacay warbixintan labo kamid ah shantii carruur ah ee dhalata ayaa si dhaqso ah hooyadu ay u jaqsiisaa naaska.

Warbixin cusub oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa lagu soo beegay  toddobaadka naas nuujinta caalamka oo laga xusayo illaa 76 wadan oo daqligoodu yahay mid dhexdhexaad ah amaba mid hooseeya.

Halka warbixintan lagu shaaciyay in dalalka Bariga Asia iyo Pacifica aysan hooyooyinku si dhaqso ah dambarta u siin carruurtooda marka loo eego dalalka ku yaal Bariga iyo Koofurta Afrika.

Guji xariggan si aad maqaalka oo dhamaystiran u akhrisatid:

http://www.jowhar.com/wararka/digniin-culus-oo-laga-soo-saaray-ilmaha-aan-si-dhaqso-ah-naaska-loo-nuujin.html5http://www.jowhar.com/wararka/digniin-culus-oo-laga-soo-saaray-ilmaha-aan-si-dhaqso-ah-naaska-loo-nuujin.html5

Warbixino iyo talooyin ku wajahan «BARBAARINTA CARRUURTA IYO WAALIDKA QURBO KU KORINAYA, OO AY DUGSIYADA U DHIGTAAN.» Safartan waxa ay ahayd deyrtii 2009-kii, balse weli nuxurka ku jiraa waa mid waalid kasta oo dhagaysta uu ka faa’ iidaayo. Xasuus qaali ah bay ii tahay. Amina Madar ayaa iga waraysanaysa Safar aan arday ugu kaxeynay xerooyinkii Hitler, dadka ku xasuuqay. Ulajeedka ayaa ahaa in ardaydu is-bartaan oo ogaadaan taariikhdan gablamisada ahayd. Si ay uga digtoonaadaan ayada oo kale in ay dhaxalsiiyaan bulshada.