Kalsooni waa kasbasho
Waa subax aroor ah. Waxaan fadhiyey maqaayad ku taal hotel aan degganaa si aan uga quraacdo. Waxaa soo gashay maqaayadda gabar dhallinyaro ah oo markii ay i aragtay si kalgacal iyo xushmad leh ii soo abbaartay. Wejigeeda waxaa ka muuqday farxad ay ku faraxsan tahay in ay i aragtay. Gabadha magaceedu waa Ceebla. Ceebla waxaa iigu danbaysay 2017-kii mar aan joogay maagaaladii ay hooyadeed ku dhalatay. Markaa waxa ay la shaqaynaysay hay`ad calami ah. Salaan iyo is bariidin kaddib sheekadii waxa ay nala gashay is xog-waraysi iyo xaal adduun. Anigu haween badan ayaan garanayaa shaqadooda iyo mab`da ay aaminsanyihiin balse aannan xogtooda shaqsiyeed garanayn. Sidaa darteed waan jeclahay in aan shaqsiyanna isu baranno haweenka aan shaqada iyo iskaashiga ku kulano.
Ceebla waxay fursad ii siisay in ay iiga sheekayso taariikh nololeedkeedii:
Ceebla aabbeheed oo ahaa askeri ayaa loo beddelay magaalo ka mid ah gobollada Soomaaliya. magaaladii waxay iska heleen Cayni oo iyadu markaa reerkoodii xurgufi kala dhaxaysay oo iskeed meel gaar ah u deggan. Damac iyo doorasho kaddib waxay ay is guursadeen wiilkay is calmadeen, waloow Cayni qoyskay ka dhalatay aysan jeclaysan ninka ay gabdhoodu dooratay. Cayni iyo Caydiid waxay u soo guureen Xamar oo Caydiid reerkiisu degganaayeen. Muddo kaddib waxaa Eebbe ugu deeqay labo gabdhood. Gabdhihii oo midna sanad iyo bar jirto, midda kalena 6-bilood ay jirto ayey kala tageen Cayni iyo Caydiid.
Xarunta Dhalinta Kacaanka ee Afgooye
Xilligu waa siddeetameeyadii. Cayni labadii gabdhood waxay ku xareysay Xaruntii Dhalinta Kacaanka ee Afgooye, iyadiina noosheeda ayey iska sii wadatay.! Sannadkii 1988-kii waxaa xanuunsatay Cayni. Kaddib qoyskii ay ka dhalatay ayaa u soo gurmaday oo u qaaday dalka debadiisa. Labadii gabdhood, Ceebla iyo Canbaro ayaga oo wali ku jira Xaruntii lagu xareeyay Ceeblana ay afar iyo bar jirto, halka ay Canbaro lix jir ka ahayd. Xilligaas waxaa koonfurta Soomaaliya soo gaaray dagaalladii sokeeye. Carruurtii Xarunta ku jirtay waxaa loo soo wareejiyay S.O.S oo ku taal Degmada Heliwaa. Halkaas ayey ku barbaareen. Canbaro halkaas ayaa laga guursaday oo Ilaahay waxa uu ugu deeqay siddeed caruur ah. Siddeedii saddex ayaa Alle ka oofsaday oo shan ayaa u hartay. Kaddib ninkii waa ay kala tageen oo carruurteeda ayey iska korsataa. Canbaro iyo Ceebla labaduba waa dad wax bartay oo shaqaysta.
Ceebla markii ay 15-jirsatay waxay aaday magaaladii ay hooyadeed ka soo jeeday, ka dibna la degtay ayeeyadeed hooyo. Nin ay ayadu markaa moodaysay in ay isjecelyihiin ayaa qudbo-sireystay. Muddo bil ah markii ay isku mehersanaayeey ayaa laga war helay. Ninkii meherkii ayuu inkiray oo waxa uu yiri ‘waa beenteed anigu ma mehersan mana qabo’. Reer hooyadeed eedeyn iyo aflagaado ah “Ceebla in aysan aabbe lahayn, oo ay sidii hooyadeed doonayso ilmo aan aabbe lahayn in ay dhasho” Jaa’ifayn iyo gaf ayey Ceebla kal kulantay ehelkeedii. Maalintaas ayey billowday in ay hooyadeed Ceyni cagta cagta u saarto oo ka dalabto in ay aabbe Caydiid meel ugu sheegto.
Ceyni oo markeedii horeba aan ahayn qof xun, balse xummayntii uu u gaystay gabdhah aabbahood Caydiid darteed gabdhah ugu xaraysay Xarunta Dhalinta Kacaanka, si uusan carruurtan mar danbe u arag, iyada oo ka bedeshay labada gabdhoodba magacyada, kuna diiwaangelisay in ayisan isku aabbe ahayn. Waxaa caqabad ku noqotay helidda aabbe Caydiid. Markii Ceebla ay isku dayday in ay wax ka ogaato halka uu ku danbeeyay aabbeheed Caydiid, hooyadeed way ka diiday. Wax la joogaba sanadkii 2008-dii ayey Ceyni ku wargelisay gabadheeda Ceebla in ay lambarkeeda, waa lambarka Ceeblee ay siisay aabbeheed Caydiid oo deggen waddanka Uastralia, balse xaas iyo labo carruur ah ay ku noolyihiin dalka Qadar. Ceebla si kasta oo ay iskugu dayday way ka keeni wayday in hooyadeed Cayni ay siiso lambarka aabbeheed Caydiid. Ceebla waxay aaminsan tahay in aysan sax ahayn warka sheegaya in lambarkeeda la siiyay aabbe Caydiid 2008-dii, waayo waxay is-lahayd wuu ku soo wici lahaa aabbahaa.
Waxaan waydiiyay kaddib 15-jirkeedii in ay bal mar kale guur isku dayday, maddaama walaasheed Canbaraba heshay gayaankeed oo xiriir la`aanta aabbeheed aysan u xanibmin? Waxayse igu wargelisay in guur iska daaye, shukaansi xataa ay ka meer meerto. Sababtana waxay ku sheegtay marba haddii reer abtigeed u quureen gaf iyo jaa’ifo iyaga oo garanaya aabbeheed in ay ku sheegaan wacal iyo qof aan aabbe lahayn, sidaas daraadeed aysan doonayn reero isu soo gogol fariista oo yiraa “reerka aad u dhalatayba lama yaqaan”. Halhayskeeda ayaa ah “Guursan maayo ilaa aan ka helo xiriirka aabbahay Caydiid”.
Anshaxa Saxaafadda
Waxaan u sheegay in aan ka caawin karo oo bulshada Soomaaliyeed aan kala kaashan doono raadinta aabbe Caydiid. Waaxay I siisay haybta iyo isirka hooyadeed iyo aabbeheed wixii looga sheegay iyo intay ka taqaanno, qabiilka uu yahay iyo taariikhda noloshiisa inta ay ka hayso. Ka dib waxaan ka dalbay in ay horta wargeliso walaasheed Canbaro iyo hooyadeed Ceyni. Sababta oo ah anshaxa saxaafadda ayaa ah in aadan qorin warbixin shaqsi leeyahay ayada oo aadan ku wargelin qofkii. Waa in fursad la siiyo in uu ku darsado waxuu doono ama ha doorto aamus ama ha bixiyo faallo e. Waxaan u sheegay Ceebla marka ay ku wargeliso, qasab ma aha in ay aqbalaan doonisteeda, balse in ay ogaadaan ayaa ah lama dhaafaan. Ceebla waa ila garatay intaas.
Hooyo & Xurmo Dhallaan
Maalin kaddib bay igu soo laabatay ayada oo ay murugo ka muuqato, sidii qof tacsiyi u taal oo kale. Waxay igu wargelisay in Canbaro ay diyaar u tahay oo ay doonayso iyaduba in la helo aabbe Caydiid, balse hooyo Ceyni ay muroorodilaacday oo ay ka dalabtay in ay u ceeb qariso oo aysan shaacin magaceeda, qabiilkeeda, aabbaha magaciisa dhabta ah iyo qabiilkiisa. Balse ay iyadu, waa Ceyniye ay ka caawin doonto sidii mar kale lagu heli lahaa aabbe Caydiid.
Ceebla waxaan u sheegay in go`aanka iyadu ay leedahay oo aan tixgelin doono wax alle iyo wixii ay go’aamiso. Guntii hadalku wuxuu noqday in hooyo Ceyni fursad la siiyo oo ay raadiso aabbe Caydiid. Anigana ruqso waxaa la ii siiyay in aan sheekada qoro ayada oo aan la’ garan Karin cidda ay qusayso. Magacyada dhammaan waa malo-awaal, magaalada aan ku kulanay iyo magaalada ay Ceyni u dhalatay oo ay isku guursadeen ma aanan sheegin, balse dhacdadu waa dhab.
Akhriste haddii ay adiga qisadan kugu dhici lahayd maxaad samayn lahayd? . Talo iyo tusaale kasta oo aad ila waddaagto waxay gaari doonnaan Ceebla, idinka oo mahadsan dhaqaalee qalbiga Ceebla.
W.Q. Luul Araweelo Kulmiye
Desember 31, 2018
Garowe, Soomaaliya.