SICIID JAAMAC XUSEEN“FARAS”- HALDOOR KU DAYASHO MUDAN

Maqaalada Qoraa Saciid Jaamac Xuseen waxa horaanta lagu daabacaa www.wardheernews.com / www.kulmiso.com waa kaydka sheekooyinka Saciid Jaamac Xuseen. 

April 22, 2020

Odhaahda Tifaftirka– WDN: Waxa sharaf iyo qaddarin noo ah in aanu qormadan ku maamuusno Macallin, Haldoor, Qoraa iyo Hal-abuur aad ugu weyn guud ahaan ummadda Soomaaliyeed- waa Ustaad Siciid Jaamac Xuseen. Sidaa darteed waxa aanu idinla wadaageynaa qoraallo kooban oo dad badan oo mug ku leh Soomaali, oo ay Siciid wadashaqeyn iyo isbarasho dhexmartay, ay aragtidooda iyo mahadhooyinka ay kala kulmeen Siciid ku soo gudbin doonaan. Waxaan rajaynaynaa inaad wax badan ka dhugan doontaan aragtida kala duwan ee qorayaasha maqaalkan – Haldoor Ku dayasho mudan. By:WardheerNews ————-

Siciid Jaamac – Erayo kooban W/Q. Dr. Maxamed Daahir Afrax Aan kuu ilmeeyee Horta dhimo af maahee Ifkaan kaaga baahnahay Wax yaroo aqoonsi ah. Abwaan Gaarriye, Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiye. Siciid Jaamac Xuseen Meerisyadan aan ka soo amaahday afarreey jiifto ah oo uu – geeridiisii ka hor – ku kaftan-dhableeyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye (AUN) waxaa maanta i xusuusiyey Bahda Wardheernews tallaabo nooceedu dhif nagu yahay oo ay dhawaan isu xil-saareen. Laga soo billaabo 2017-kii wuxuu damiirkoodu ku dhaqaajiyey inay dadka ku baraarujiyaan qiimaha iyo waxtarka haldoorka bulshada, inta ay wali ifka joogaan, halka la caadeystey in keliya wanaaggooda la tilmaamo waqti aan ammaani waxba u tarayn (geeridooda ka dib) sidii uu ka afeeftay Abwaan Gaarriye. Waxay ku billaabeen Dr Georgi Kapchits oo ah khabiir Ruush ah oo AfSoomaaliga qoran iyo suugaantiisa ku soo biiriyey dhaxal aad u qaali ah. Imminkana waxay ila socodsiiyeen in ay sidii si la mid ah akhristeyaashooda ugu baraarujin doonaan qofka uu yahay iyo qiimaha uu ummadda ugu fadhiyo Siciid Jaamac Xuseen. Waxay i weyddiiyeen inaan erayo kooban Siciid uga tilmaan-bixiyo, wallow ay isu kay qaban la’dahay “Siciid Jaamac wax ka dheh” iyo “erayada soo koob!” Qalinka ayaan ka baqayaa in uu xarga-goosto marka Siciid Jaamac la xusuusiyo.

Haddaba waa afeefe, qalinku hadduu taraaraxo uga garaaba sababtu inay tahay nooca qofka uu yahay ina Jaamac Faras iyo qotadheerida aqoonta uu u leeyahay Ina Daahir Afrax! Siciid Jaamac Xuseen “Siciid Gucmudi” shaki kuma jiro in uu yahay haldoor kudayasho mudan. Igama aha waa saaxiibkaaye ammaan ugu eexo, balse waxay iga tahay “runta Ilaah baa kugu jecel”. Eex igama ahee waa oraah ka soo maaxatey aqoon dheer iyo u fiirsi badan. Muddo nus-qarni gaareysa ayuu Siciid Jaamac ii ahaa waxa Af Carabiga lagu tilmaamo الدرب رافيق (jaalkayga jidka dheer). Jid dheer oo qodax iyo qaniinyo badan ayaan isla soo jibaaxnay, ka soo bilow Muqdisho iyo toddobaatannadii qarnigii labaatanaad; Addis Ababa iyo horraantii siddeetannada; Cadan iyo nuskii dambee isla siddeetannada; London iyo sagaashannadii; ka dib iyo goobo teelteel ah oo ay ka mid ahaayeen Jabuuti iyo Hargeysa; markaan kala fognahayna kala war-helid joogta ah ayaan juhdi-wadaag ku ahayn. Juhdigaas aan isku biirsaneyney iyo jidkaas qodxaha badan ee aan isla soo jibaaxayney wuxuu naga ahaa raacdayn hiigsi sama-doonnimo – Waxay nala ahayd, ama aan is moodsiineyney inaan nahay sahanka samaha guud (common wellbeing). Murtida Soomaalida waxaa ka mid ah “qofka ma baran kartid ilaa aad jid la marto ama jabad la degto ama jidiin la cunto”. Sciid Jaamac intaba waan isla soo marnay, waana halka uu ka soo maaxdey marag-furkii an ku tilaamayey ‘haldoor kudayasho mudan”; sama-talis saxar-diid ah; indheer-garad aqoon-dhaari ah; ikhyaar akhlaaq suubban lagu mannaystay; aftahan aan laga daba hadlin, lagana daalin kaftankiisa murtiyeysan. Waxa aan ku ‘tilmaamayo kaftanka murtiyeysan’ waa mid ka mid ah hibooyinka Siciid Jaamac lagu mannaystay. Dadka badankoodu marka ay hadlayaan ama wax qorayaan laba ayay u kala baxaan. Qof maadeeya uun oo hadalkiisa lagu qoslo (jaajaale) iyo qof murti qayaxan iyo fikrado wanaagsan kugu kordhiya laakiinse kuugu soo tabiya si mutuxan ama culus oo aan dufan kahayn.

Siciid Jaamac wuxuu ka mid yahay inta yar ee awoodda u leh iyagoo murti iyo aqoon kuu faai’deynaya inay haddana kuugu soo tabiyaan si macaan oo kaftan iyo maad lagu khafiifiyey, marka uu hadlayo iyo marka uu qalinka qaatoba. Marka aad akhrinayso qoraalladiisa sannadahan dambe iska soo daba burqanayey waxaa ku hor imanaya Siciid oo kuu sheekaynaya! Marka la iska sheekaysanayona asagoon ku talagalin ayaa mar walba waxaa sheekadiisa ka soo dhex burqanaya aqoontii uu cimrigiisa dheer ka soo dhitaynayey akhris-jeclida uu saaxiibka koowaad ka dhigtay buugga iyo dhiganayaasha la midka ah. Siciid wuxuu nasiib u yeeshay in uu afaf kala duwan aqoon dheer u yeesho wixii lagu qorayna dhuuxo, sida Carabiga (oo uu reer Cadmeed u ahaa), Ingiriiska oo uu wax ku bartay iyo AfSoomaaliga oo ah afkiisa hooyo.

Siciidow, saaxiib, ha nagu dhibsan inaan adigoo wali ifka taxtaxaashaya kaaga hadlayno hab Soomaalidu u barteen in looga hadlo oo keliya qof aakhiro ku maqan, halka ummadaha kale karaameeyaan oo abaal-mariyaan haldoorkooda inta uu noolyahay, si ay ugu noqoto dhiirrigalin, una ogaado inay dadkiisu qaddarinayaan dadaalkiisa. Ogoobe hab-dhaqankeenna loo bixiyey “xabaala-ammaan” waa kii uu ka dacwoodey Gaarriye, waana kan ay ka gilgisheen bahda Wardheernews, anna aan uga garaabay walibana ku bogaadiyey! ———————————

Saciid Jaamac Xuseen: Aqoon iyo Hal-adeyg W/Q. Rashiid Sheekh Abdillaahi(Gadhweyne)

Soomaali aad u tiro badan baa Siciid Jaamac u taqaan aqoonyahan iyo qoraa ku caan ah curinta sheekada gaaban iyo maqaalada fiirada dheer leh. Kuwo gooni ka ahi waxa ay ku barteen waqti dheer oo ay waayaha nolosha la wadaageen; waa se laba ay kuwo ku saaxiibeen kuwo na ku kala guureen. Waa na sida isbaratada dadku badi ba ku dambayso. Anigu labada, waxa aan ka mid ahay kuwo hore. Sidaas darteed baan ugu dhiirranayaa in aan ereyo ka idhaa shakhsiyadda Saciid Jaamac Xuseen.

Siciid Jaamac iyo Rashiid Gadhweyne Sannadkii 1970kii, baannu markii u horraysay, ku kulannay xafiis magaciisu ahaa ‘Xafiiska Xiriirka Dadweynaha’ (Mar dambe na waxaa loo baxshay Xafiiska Siyaayasadda ee Golaha Sare ee Kacaanka). Waxaa uu Xafiiskaasi, goortaas degganaa oo uu qayb kaga jiray Masraxa Ummadda ee Muqdisho (Mogadishu National Theatre). Waxa uu Saciid ka mid ahaa hawlwadeennada xafiiskaas oo uu kaalin togan ku lahaa. Nin kale oo aannu muddo dheer saaxiibbo ahayn bay asaga hortay isbarteen; ka dib na asagaa isu kaanno keenay. Ammin malaha, saacad ahayd ama ka yar, baannu halkaas ku wada sheekaysannay. Laga bilaabo goortaas ayada ahayd, illaa maanta xiriirkayagu waa joogto.

Saciid Jaamac Xuseen waxa aan ku bartay dhawr sifaale oo ay yar tahay dadka cid kulansatay. Waxaa ka mid ah ildheeri, indheer-arag, ogaal hayn, degganaansho iyo hal-adayg. Xilliga adag bay intu ba tijaabo galaan oo ay qofkii leh ka muuqdaan. Bilowgii Kacaankii Siyaad Barre, dadweynaha tirada badan waxaa laabkicin jiray halkudhegga dhalaalaya iyo heesaha qiirada leh. Dad se gaar ah oo qaarkood aqoon sheeganayeen, danaysi iyo cabsi baa dhinaca Siyaad Barre u riixay. Kuwo kale oo aan yarayn na qabyaalad baa kacaan iyo kacaandiid ka kala dhigtay.

Saciid Jaamac waxa uu ka mid ahaa tiro yar oo aan labadaas mid na ahayn. Kooxdan taageeradoodu, bilowgii Taliska Siyaad Barre, waxa ay ka ahayd mabda’ iyo aragti. Ammin yar dabeed se, markii waagu dharaaroobay ee ay runi run timid, mabda’ iyo aragti bay kaga tageen oo taageeradoodii ku la noqdeen.

maqaalkan waxa lagu daabacay 22. Abriil 2020 - https://wardheernews.com/siciid-jaamac-xuseenfaras-haldoor-ku-dayasho-mudan/

SHEEKADII AAN YARA DALXIISNO & XABADI KEENTAY (2018 LONDON)

MAANKA - KII IS-DABRAAYA YEELKADIISA !! March 12, 2021

 W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

MAANKA bani’aadmiga lama soo taaban karo salkiisa. Muggiisa lama qiyaasi karo. Wax walba inuu ka faalloodo ayuu isku dayaa. Cucubka wuu ku curyaamaa. Cabsida iyo abhinta wuu ku naafoobaa. Is-dhiibidda wuu ku hagaasaa. Marna se ma joojiyo baadigoobka uu u heellan yahay. Safar iyo sahan joogtaysan ayuu ku jiraa. Soohdin baacin kartaana ma ay jirto.

Kumanyaal sano oo la soo dhaafay, ayuu run ka jirtey baaraa, oo ka niib keenaa habkii, qalabkii iyo waayihii xilligaas fog lagu noolaan jirey. Kumanyaal sano oo soo socda, ayuu sii oddorosaa dhacdooyinka iman doona yaabka iyo cajaaiibka ay leeyihiin. Falagga korkeenna meeraya ayuu fiiriyaa, faaqidaa intuu ka kooban yahay- tiradooda, kala fogaantooda, weynaantooda, cimiladooda kala duwan, oo fallaara xiimaya ku sahmiyaa intaan loo guurin. Dhulka hoosteenna goglan, ayuu qaradiisa weyn hoos u quusaa, oo uur-ku-jirtiisa daalacdaa una kala soocaa.. siigo.. ciid.. dhoobo.. dhadhaab.. biyo.. gaas.. betrool.. dheeman.. iyo malyuun shey oo weli isku moordhaysan. Misna maskaxda madaxiisa yar ku jirta, waxaa lagu tilmaamaa inta uu tan iyo haatan ka isticmaalay waxay ku aadaysaa wax irbad caaradeed le’eg marka loo eego inta weli u dihin. Miyay markaa la yaab leedahay inu qofku haweysto inu boqortooyadiisa kawnka ku simo. KII IS-DABRAAYA YEELKADIISA !!

SHAQADA & WAXTARKEEDA

Shaqadu waa sharaf. “Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan.” Waa maahmaah soomaaliyeed oo murtideeda laysla wada qirsan yahay. Intee baase ku dhaqanta oo ku camal fasha? Kolleyba tiro aan yarayn baan dhegta jalaq u siin. Shaqa la’aanta iyo cudurku waa mataano walaala ah oo markay isu tagaan ay ka dhalato cillado fara badan ay ka mid yihii: caajiska, cagajiidka beenta, xanta dhabcaalnimada, fulaynimada quusta, caalwaanimada xatooyada, eexda wax-sheegsheegga, diradiraha iyo qaar kaloo badan aan halkan lagu soo wada magac dhebi karayn imminka.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee London maxkamadaha lasoo taago, ama xarig lagu xukumay jeelasha lasoo jiifa, markaad u fiirsatid dembiyada lagusoo oogayo ee ay galeen inta badan inay shaqa-la’aantu si weyn uga dambayso ayaa kuu caddaanaysa. Sidoo kale, iyana kuwa tireenka isu dhiga ama webiga isku tuura ama siyaale kale isu dila ee isu deldela, iyana waxaad arki kartaa in qulubka ku dhacay iyo mugdiga adduunka kaga habsadey ee naftooda iyo nolosha nacsiiyey, si kasta ha lagu fasiree ay kolleyba shaqa-la’aani u wehelisey. Muranka, is-afgaranwaaga, iyo is-qabadka qoysaska ku dhaca iyagana boqolkiiba sagaashan waxaa si weyn loogu aanaynayaa shaqa-la’aan odaygii guriga haleeshay oo cidla’ ku curyaamisay.

Wiilka shaqaysta, wiilka tababarka qaata, iyo wiilka waxbarashada ku fooggan waxay hawlahooda ka kasbadaan yuhuun aad u sarraysa oo cillado badan ka baajisa. Maskax fiyaw, jidh caafimaad qaba..yuhuun wacan, rajaqab fiican, Runlawnimo, deeqsinimo, dulqaad, dad la dhaqan suubban, dabcisami, degganaan iyo in badan oo kale oo la bah-wadaag ah waxaa wada kaba idil ahaantood oo micnahaa lagu diirsado u yeelaa waa shaqada. Hadda shaqa kasta ma aha ee waa tan xalaasha ah, xariirta ah ee xaqa ku dhisan. Hadal iyo dan, Shaqadu waa nolol, Shaqadu waa sharaf, Shaqa-la’aantuna waa nolol-la’aan. Waana sharaf la’aan.

F.G:Barnaamij BBC-da ka baxayay ayaa (sannadkii 2000) saddex daqiiqo lay siiyay aan mawduucaan rabo ka jeediyo.‘Shaqada’ ayaan doortay.

W,Q, Siciid Jaamac Xuseen Email: sjx2005@hotmail.co.uk

Waxaa 12. maarso 21 daabacay:  https://wardheernews.com/tiraab-curinta-toolmoon-qoraallo-gaagaaban2/

GOBI WAATAN WAX GARATA - March 3, 2021

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Daandaansi oday iyo wiil digtoon Nin baa wiil iyo gabar wada fadhiya ku soo baxay. Labadaba waalidkood si fiican ayuu u garanayey. Wiilka aabbihii iyo ninka xunguruf ayaa ka dhexaysey; dhallinyaraduse lama ay socdaan. Ninkii intuu labadoodii salaamay ayuu u raaciyey: ‘ Isu kay sheega..ilma ayaa tihiin?’ Gabadhii ayaa aabbaheed sheegtay. Maashaa Allaa! Iyo ammaan ayaa ninkii dabada u qabtay gabadha iyo waalidkeedba. Kolkaas ayuu wiilkii ku soo jeestay oo ku yiri: ‘ Adiguna, ina kumaad tahay?’ Wiilkii aabbiihi ayuu sheegay. Ninkii intuu iska yeelyeelay sidii qof aan weligiis magacaa hore u maqlin, ayuu si qabow oo yasidi ku jirto, iskana dhigaya inu isagu isla hadlayo, ayuu yiri: ‘ Gobi waa tan la garto.’ Wiilka oo ninka micnihiisa iyo duurxulkiisu markiiba u baxay, ayaa ku celiyey: “ Aniga waxay ila tahay.. gobi waa tan wax garata.

JIILAAL Bishii Noofambar ayaa London noogu soo gashay. Xagaa damcay inu geesa bixiyo ayay soo af-jartay. Si weyn ayaa looga raystay dhidid iyo dhegdheggiisa, daal iyo caga-jiidkiisa, caro iyo camalxumadeeda. Maalmahan iyadoo aan weli casar la gaarin, ayaa daruuri cirka isdhaamisaa oo isku jiq siisaa. Jawiga ayaa dhaxan qaboobi isbuuxisaa. Baabuurta ayaa nalalkooda shita, saacado ka hor iyadoo aan qorrax-dhac la joogin. Xilligan oo kale, dadku waxay caado u leeyihiin inay soo xidhaan dharkii qaboobaha loogu tala-galay. Mana illaawaan inay dallado qaataan, say uga gaashaantaan jawiga Ingiriiska ee aan cidina cimiladiisa sii sheegi karin siduu isu geddin doono iyo goor uu da’i doono toonna. Inta dibed-baxa dantu ku khasabtay iyo kuwo iska jecel inay ka niib keenaan waxa jawigaasi la gurxamaayo, midkoodna anigu kama tirsani. Waxaan door bidaa in aan roobabka da’aya, cirka qawdhamaya, dabaylaha fooryaya, iyo shimbiraha buulashooda ku cararaya inaan daaqadda gurigayga ka fiirsado, anigoo u qashuucaya baaxadda ay dabiicaddu leedahay, lana cajabsan gadgaddoonka awooddeeda.

LOOLLAN DUNIDA aynu ku nool nahay dhererkeeda, dhumucdeeda, iyo qaradeeda, marka la fiiriyo kawnka ku weegaaran, waxaa lagu qiyaasaa inay kaga aaddo irbad caaradeed wax ka sii yar. Taariikhdu waxay caddaysay dunideenan aynu u jeednaa, siday maanta u taal, dadkeeda, duunyadeeda, degaankeeda, iyo cimiladeeda kala nooca ahi mar qura in aanay ku iman. Kumanyaal malyuun oo sano ayay ku soo gaartay xaaladda ay eegga ku sugan tahay.

Maqaalkan waxa daabacay WardheerNew 3. maarso 2021 oo cinwaankan: TIRAAB-CURINTA TOOLMOON - QORAALLO GAAGAABAN

https://wardheernews.com/tiraab-curinta-toolmoon-qoraallo-gaagaaban/

U HIILI AFKAAGA HOOYO ( 2021) Qoraa/ Siciid Jaamac Xuseen

"I scribbled this short story in 1973 just after the Latin letters were adopted for Somali orthography." Said Hussein 👇🏽

Af Soomaaligu waa af hodon ah. Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in Af- soomaaliga ereyadiisa oo dhan, lasoo tira-koobo, loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo. Meeday kolkaas hodonnimadii Afka lagu sheegayey? Ma cidla-ka-faan bay iska ahayd? Maya.. ee bal qabsoo waa mid ee Afka hodonnimadiisa meelo kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirta baaxad-weynida iyo qota- dheerida ereyadiisa ku duugan. In kastoo aynu niri Af-soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rog-rogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.

Si kale haddan u dhigno, Af-soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay asalahaan iyo dhismo ahaanba waa Af aad ugu nugul una laylsan nolol-awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, iskorintiisa, aqoon-qaadkiisa, adduun-higsadkiisa, isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khalkhal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqoodaan dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jibuuti iyo Wajeer, Bosaaso iyo Hawaas iyo inta u dhexsaysa oo idil. Hodonnimada Afka:

Rogrogga Ereyga ‘ DHAC’ 1. Qabyaaladdu ha dhacdo ( ha guuldarraysato)

2. Sidaasi waa dhac la arko ( boob)

3. Tanise waa meel ka dhac (gaf)

4. Cir kasoo dhac (lama filan)

5. Waxba iga ma dhacaan (lacag ma haysto)

6. Geel/xoolo la dhacay (la xoogay)

7. Dhirbaaxuu la dhacay ( ku dhiftay)

8. Markuu sawirka arkay, ayuu qosol la dhacay (hayn kari waayay)

9. Geed buu kasoo dhacay (Xajisan waayay)

10. Tulud geel ah oo dhacantay (luntay)

11. Casharka ka dhaadhici (si deggan ugu sharax)

12. Dhacdooyin inna soo maray (arrimo)

13. Markaan hoos ugu dhaadhacay ( u fiirsaday)

14. Meel durugsan bay ku dhacday (meel aan looga fadhiyin)

15. Marka xiddiggaasi dhaco (libdho)

16. Hebel ku dhac ma laha (wax kuma dhiirado)

17. Imtixaankii buu ku dhacay (gudbi waayay)

18. Noloshii buu ka dhacay (ku fashilmay)

20. Ceel buu ku dhacay (galay)

21. Qaybtan waa hordhaca buugga (iftiiminta)

22. Dhereg-dhacsiga nala dhaaf.. ha nagu dhereg dhac san. (cayaarta naga daa)

23. Warqaddii la soo diray, meel daran iyo reero muskood bay ka dhacday (way luntay)

24. Cid iga dhicisa ayaan waayay (Iga celisa)

25. Jeedal buu la dhacay (ku garaacay)

26. Duumaa ka dhaadhacday (dishootay)

27. Libaax xoolaha u dhaca (weerara)

28. Jaadkii baa soo dhacay (magaalada yimi)

29. Lacagtii baa jeebkayga ka dhacday (siibatay)

30. Waxaas baa ka Dhaadhacsan (buu aaminsan yahay)

31. Geel laga qaaday bay soo dhiciyeen (soo ceshadeen)

32. Ma mooddaa in cirku ku soo dhacay (masiibo heshay)

33. Dhaxaa laygu yiri lagaa dhacan (cidlaa lagaaga tegey)

34. Isagoo dhacdhacaya ayuu aqalka soo gaaray (liita.. ama sakhraan ah)

35. Arrintii geesna uma dhicin (go’aan lagama gaarin)

36. Dayuuradey soo dhac ! (burbur)

37. Belaayaa ku dhacday ( masiibaa heshay)

38. Mashruucii wuu ka dhicisoobay (uma fulin)

39. Ismaqiiqii guuldarray uga dhaceen (kala kulmeen)

40. Covid-19 baa ku dhacday (haleeshay)

41. Dhinaca iijaarbixinta dibudhac kuma iman (waxba kuma baaqan)

42. Dabinkii bay ku dhaceen (waa la khiyaameeyay)

43. Siddig-siddigtaada mooyee, dhul dhacaaga hubso (miyir u soco)

44. Dhiciskaa maxaad kala hadlaysaa (naaquskaa)

45. Qorrax-dhac ka hor ma iman karo (maqribka)

46. Siday filayeen ma noqon, dhac-dhac bay ka heleen (kharash yar)

47. Habaar waalid baa ku dhacay (inkaar baa heshay)

48. Ha ka dhicin sallaamada, qaar lagu sigtaa jira (is ilaali)

49. Isagoo khudbaddii ku jira ayaa waqtigii ka dhacay ( ka dhammaaday)

50. Xoolihii Jarra Horato ayay kala dhaceen. (meel fog ayay geesteen)

FAATAA-DHUGLE (Sheeko aad u gaaban) 1973

Wiil dhallinyaro ah, joog dheer, dhar-qaad wanaagsan, qab iyo isqaad-qaad ka marnayn ayaa maalin roobkii xagaayadu ka da’ayo Xamar isu bogey. Telefoon ayuu qabsaday oo Wasaaradda Maaliyadda ku kiciyey. Gabadh xoghaye u ah wasiirka maaliyadda oo jalaqsan, qurxoon, isdhiskana inay gabdhaha aynigeeda ah u sidato isu qabta ayaa u jawaabtay:

Iyada: Hello.. Waa kuma. Yaad rabtaa?

Isaga: Waa aniga. Adigaan ku rabaa.

Iyada: Waxaas ka bax oo dantaada sheego.

Isaga: Waa iga dhab oo haddaanan ku rabin miyaan kusoo wici lahaa

Iyada: Dhegeyso, qayrkay durbaankaas u tun.

Isaga: Waad tahay, diiddan.

Iyada: Sidaad ku ogaatay in magacaygu Diiddan yahay?

Isaga: Hadalkaaga